torsdag, mars 28, 2024

SSB: 60% soo galootigu wey shaqeeyaan…Waa sidee xaalada shaqo ee soomaalida?

tirakoob ay maanta soo saartay wakaalada xog uruurinta iyo tirokoobka ee Statisk Sentralbyrå, ayaa lagu soo bandhigay in 60% dadka soo galootiga ah ay shaqeeyaan. Halka guud ahaan 66,7% ay ka shaqeeyaan dadweynaha reer Norway marka la isku geeyo.

SSB ayaa tirakoobkeeda kusoo bandhigtay in dad ka badan 390.000 oo soo galooti ah, da´dooduna ay u dhaxeyso 15 ilaa 75 sano ay shaqeynayeen dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ee 2016.

[adsenseyu2]

Tiradan ayaa ah marka la isku daro soo galootiga oo dhan, iyada oo aan loo fiirin wadanka ay ka imaadeen. Laakiin hadii qowmiyad qowmiyad loo sii kala qaado, waxaa soo baxayo inuu jiro farqi aad u weyn oo u dhaxeeyo qowmiyadaha soo galootiga ah.

Tusaale ahaan dadka soo galootiga ah ee kasoo jeedo wadanka Sweden ee Norway kunool, wuxuu heerkooda shaqo gaarayaa 77%, halka Siiriyaanka oo wadanka ku cusubna ay heerkooda shaqo aad u hooseyso, maadaama ay wali yihiin qowmiyad curdun ah.

Waxaa sidoo kale warbixintan ku xusan inuu jiro xiriir u dhaxeeyo xiliga degenaanshaha soo galootiga ee Norway iyo heerkooda shaqo. Mar walba oo uu dheeraado xiliga ay soo galootigu deganyihiin Norway, waxaa kor usii kaco heerkooda shaqo.

SSB ayaa sidoo kale sheegtay in caruurta ay ajaaniibtu dhaleen ee wadanka ku dhalatay, ay wax xoogaa ka heer shaqo sareeyaan waalidiintood, balse aysan wali soo gaarin heerka dadka wadanka u dhashay. Waxeyna SSB taas u sababeysay in qaar badan oo kamid ah generationka labaad ee soo galootigu, ay wali yihiin caruur ay da´doodu u dhaxeyso 15 ilaa 23 sano. Ayna u badantahay iney wali kujiraan xaalad waxbarasho.

Soomaalida xaalkoodu waa sidee:

Sida ku xusan tirokoobka SSB, waxaa shaqeeyo 40% kamid ah raga soomaaliyeed iyo 24% kamid ah dumarka soomaaliyeed, oo ay da´doodu u dhaxeyso 15 ilaa 75 sano.

Si kale hadii loo dhigo, waxaa shaqeeyo 32,4% kamid ah soomaalida Norway kunool ee da´doodu ay u dhaxeyso 15 ilaa 75 sano. Waxaana kujirnaa booska labaad ee soo galootiga ugu shaqo yar, marka laga reebo qowmiyada Siiriyaanka.

F.G: Marka la xisaabiniyo heerka shaqo, waxaa la xisaabiyaa dadka ay da´doodu u dhaxeyso 15 ilaa 75 sano.

SSB ayaa sidoo kale dhowr isbuuc kahor soo saartay in 33 % kamid ah  soomaalida Norway ku dhaqan, ay da´dooda ka hooseyso 20 sano. Halkaas waxaa laga dheehan karaa in la filan karo, in heerka shaqada dadka soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan uu sare kac ku yimaado sanadada soo socdo.

Xigasho/kilde: SSB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x