NTB: Dowlada Norway oo rabta in degenaanshaha loo diido dadka kaalmada dhaqaale ka hela dowlada

0
169
Foto: Youtube

Wasiirka kumeel gaarka ah ee arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada dowlada Norway, Per Sandeberg(FRP), ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dowladu rabto ay in degenaanshaha rasmiga ah(permanent oppholdtillatelse) loo diido dadka aan shaqeysan ee kaalmada dhaqaale ka hela dowlada. Arintan ayaa kusoo baxday soo jeedin cusub oo ka timid wasaarada dastuurka, isla markaana loo diray baarlamaanka Norway si ay dhageysi ugu soo sameeyaan.

Per Sandeberg ayaa sheegay in soo jeedinta cusub ay ku saabsantahay in dadka codsanayo degenaanshaha lagu xiro shardi ah, inaysan ceyr qaadan 12-kii bilood ee ugu danbeeyay.

Isaga oo raaciyay in taas ay dhiirigalin u noqoneyso soo galootiga, si ay uga qeybqaataan mujtamaca Norway, ayna u fiicantahay isdhexgalka bulshada. Wuxuuna sheegay in taas ay soo galootiga ku riixeyso inay shaqeeyaan ama ay waxbarasho aadaan.

[adsenseyu2]

In qofku uusan ceyr qaadan ayaa ka dhigan, in 12-kii bilood ee ugu danbeeyay uu qaadan jiray mushaar caadi ah oo shaqo, ama uu ahaa ardey stipend ka qaata lånekassen(sanduuqa kaalmada ardada), ama inuu sidoo kale ahaa qof aan awoodin inuu shaqeysto ama lacag kale oo aan ceyr aheyn ka qaata Nav.

Shardigan cusub oo ay soo jeedisay dowlada ayaan qaban doonin caruurta, ardeyda dhigata dugsiga sare, dadka waaweyn 67-sano ama dadka aan waligood awoodin inay shaqeeyaan. Sidoo kale waxaa jirto karto in mararka qaarkood siyaabo kale loogu qiimeeyo dadka qaata ceyrta.

Baarlamaanka Norway ayaa soo jeedinta dhageysi ka yeelan doono ugu danbeyn 9-ka bisha May ee sanadkan.

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments