fredag, mars 29, 2024

Lacag intee le´eg ayaa kasoo xarooday magaalooyinka kala duwan, yaase ugu lacag badnaa gurmadka abaaraha

Waxaa shaley lasoo gaba-gabeeyay howshii gurmadka abaaraha oo soomaalida Norway ay sanadkan si wadajir ah oo baaxad weyn ay uga wada qeybqaateen.

Waxaan halkan kusoo gudbineynaa lacagihii kala duwanaa oo ay soo uruuriyeen jaaliyadaha magaalooyinka. Liiskan waxaan kasoo xiganay gudiga gurmadka abaaraha, waxey u kala horeeyaan sida ay ukala lacag badnaayeen.

FG: Magaalooyinka hoos ku xusan waa magaalooyinkii ay howsha lacag uruurinta ah ka dhacday 25-kii Maarso, sida ay gudiga gurmadka abaaraha noo sheegeen.

  • 1)Oslo= 341.414 NOK.

  • 2)Bærum= 74.517 NOk

  • 3)Arendal/Risør=70.000 NOK

  • 4)Drammen/Buskurud:65.425 NOK

  • 5)Asker= 49.339 NOK

  • 6) Lillehamar=48.385 NOK

  • 7)Hamar= 32.413 NOK

  • 8)Trondheim= 32.700 NOK

  • 9)Lunde/Ulefos=26.774 NOK

  • 10)Gran/luner=25.653 NOK

  • 11) Molde= 21.400 NOK

  • 12)Bergen= 16.400 NOK

  • 13) Kristiansund= 15.709 NOK

  • 14)Brummundal= 11.662 NOK

  • 15) Horten= 10.060 NOK

  • 16) Melbu= 10.000 NOK

  • 17) Tromsø=9.127 NOK

  • 18) Ålesund: 8523 NOK
  • 19)Moss= 6.909 NOK

  • 20)  Ås= 6.157 NOK

  • 21) Hønnefos= 5268 NOK

  • 22)Kopervik= 1950 NOK

  • 23)Fredrikstad 0 NOK

  • 24) Sarsborg 0 NOK

Meelaha ay lacagaha kasoo galeen:

Lacagta soo xarootay ayaa isku dar dhan 1.026.025 NOK.  81% lacagtan waxey kasoo xarootay koombooyinkii la qaaday 25-kii Maarso, halka 10% ay tahay lacag Vips ahaan loogu soo diray acounka Hanaano. 

Ganacsatada Oslo ayaa lacagta gurmadka abaaraha kulahaa 6%, halka takaasileyda Oslo iyo Romerike ay 3% ku lahaayeen lacagihii gurmadka abaaraha.

FG: Xisaabtan waxaan kasoo xiganay gudiga gurmadka aabaaraha.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x