Duqa magaalada Oslo oo bilad sharafta ugu sareyso xaafada Stovner gudoonsiisay Maxamed Xaaji Kheyre

0
98
Foto: Stovner Frivillighetsentral

Maxamed Xaaji Kheyre oo kamid ah wax-garadka bulshada soomaaliyeed ee Oslo, gaar ahaan xaafada Stovner ayaa sanadkan la gudoonsiiyay bilada Årets Ildsjel, qeybta dadka waaweyn. Biladan ayaa ah bilad sharafta ugu sareyso ee laga bixiyo xaafadaas, lana siiyo dadka howlaha bulsho ka shaqeeyo.

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso dad xog ogaal ah, waxaa biladan Kheyre kula tartamayay labo qof oo Norweejiyaan ah, balse waxaa ku guuleystay oo la gudoonsiiyay Mohamed Xaaji Kheyre. Waxeyna noqoneysaa markii ugu horeeyay ee qof ajnabi ah uu ku guuleysto biladan, sida aan kasoo xiganeyno dad xaafada degan oo NorSom News ay la hadashay.

Duqa magaalada Oslo Marianne Borgen ayaa Kheyre gudoonsiisay biladan.

Kheyre ayaa loo aqoonsaday inuu qeyb weyn ka qaatay howlaha bulshada ee ka socdo xaafada, isaga oo sida iskaa wax u qabso ah(muwatacnimo ah) ku shaqeeyo. Sidoo kalena wuxuu kamid yahay Eldre rådet oo ah gudi siyaasadeed xaafada ka dhisan, kuwaas oo wax laga weydiiyo ama talo ku darsado waxyaabaha xaafada ka socdo.

Xaafada Stovner ee magaalada Oslo, ayaa kamid ah xaafadaha ay soomaalidu ugu badantahay deegaan ahaan magaalada Oslo. Iyada oo soomaalida degan xaafadaas lagu qiyaaso 3000 ilaa 3500 qof.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments