lørdag, april 20, 2024

Wasiirad katiran dowlada Denmark oo shacabka ka codsatay inay soo sheegaan dadka sida sharci darada ah uga shaqeeyo maqaaxiyaha soo galootiga

Wasiirada arimaha soo galootiga dalka Denmark, haweeneyda lagu magacaabo Inger Støjberg ayaa dadweynaha reer Denmark ka codsatay inay dowlada kusoo wargaliyaan, hadii ay arkaan dadka ka shaqeeyo maqaaxiyaha iyo meelaha lagu iibiyo Pizada, ee sida sharci darada ah ku shaqeynayo.

Wasiiradan oo ka hadashay TV2 dalkaas ayaa si toos ah shacabka Denmark uga codsatay inay dowlada gacan ka siiyaan arintaas, iyada oo codsatay inay dowlada kusoo wargaliyaan hadii ay arkaan dad aan luuqada Danish ku hadlin, kuwaas oo ka shaqeynayo meelaha Pizada lagu iibiyo, ayna uga shakiyaan inay sharci ku shaqeynayaan.

Waxeyna raacisay in dowlada aysan wax walba ogaan karin, meel walbana aysan joogi karin, sidaas darteed ay gacan uga baahantahay shacabweynaha.

Arintan ayaa waxaa canbaareyn usoo jeediyay qeybo badan oo kamid ah siyaasiyiinta xisbiyada Denmark, iyaga oo wasiirada ku eedeeyay inay abuureyso xaalad jawi colaadeed oo dadka soo galootiga ah galin karto cabsi iyo kalsooni daro. Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in hadii uusan qofku aqoon luuqada Danishka, aysan ka micno aheyn inuu wadanka sharci daro ku joogo ama ku shaqeynayo.

Baraha bulshada ayaa waxaa sidoo kale ka socdo hadalo jees-jees ah oo lagu durayo hadalka kasoo yeeray islaantan wasiirada ah.

Xigasho/kilde: Avisen-agder/NTB, politiken.dk

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x