torsdag, april 25, 2024

Dagsavisen: Soomaalida oo ah dadka ugu badan ee ka talaaba xuduuda u dhaxeeya Canada iyo Mareykanka

Wargeyska Dagsavisen ee kasoo baxa dalkan Norway ayaa cadadkiisa maanta warbixin dheer ka qoray qoxootiga kasoo qaxaya Mareykanka, isla markaana magangalyada soo weydiisanayo Canada. Qoxootigan ayaa badankooda kasoo jeedo wadamada Afrika, iyada oo soomaaliduna ay kujirto kaalinta koowaad, sida uu qorayo Dagsavisen.

241 qof oo soomaali ah ayaa kasoo gudbay xuduudka u dhaxeeyo Canada iyo Mareykanka, mudadii u dhaxeysay April ilaa Desember ee sanadkii hore. Waxaana soo raaca 46 Djabutiyan ah, 46 Ereteriyaan ah iyo 26 qof oo kasoo jeedo wadanka Ghana.

Ilaalada xuduudka u dhaxeeyo Canada iyo Mareykanka ayaa sheegay inay filayaan in tirada dadkaas ay laba jibaarmaan, maadaama hada uu soo bilaabanayo xiligii kuleylka, isla markaana ay bilaabaneyso in barafka dhulka yaalo uu dhalaalo.

Xigasho/kilde: Dagsavisen-papiravis-(30-03-2017, side 23)

[adsenseyu2]

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x