fredag, mars 14, 2025
Home Blog Page 24

Ma xusuusatay ka jawaabista warqada canshuur-celinta: Maalmo ayaa ka dhiman.

Ku dhawaad 5 milyan oo Norway kunool ayaa bilowga bishan April ama bartammaha bishii Maarso helay warqadda hordhaca ah ee canshuur-celinta sanadkii lasoo dhaafay ee 2022. Waxeyna waaxda canshuuruhu qofka fursad u siisaa inuu soo gudbiyo wixii macluumaad ee ka dhiman xogta ay dowladu ka heyso qarashaadka iyo dakhliga qofka, si uu u bixiyo canshuur ku jaan-go an dakhligiisa iyo qarashaadkiisa saxda ah.

Sida laga soo xigtay waaxda canshuuraha 1,4 milyan qof oo reer Norway ah ayaan wali furin waraaqdii usoo dhacday, inkasta oo waqtiga kama dambeysta ah ee waraaqdaas dowlada loo celinayo ay ka dhimantahay maalmo oo qura.

Waaxda canshuuraha ayaa dhamaan dadka ay usoo dhacday waraaqda canshuur-celinta ka codsanayo inay inta uusan waqtigu dhamaan, ay si fiican u hubiaan macluumaadka ku xusan warqadda canshuur-celinta, kadibna ay kasoo jawaabaan kahor labadda(2) bisha Mai.

Qofkii aan awoodin inuu xiligaas kusoo jawaabo, wuxuu codsan karaa in dib loogu dhigo xiliga kasoo jawaabista(frist), wuxuuna qofku heli karaa 30 maalmood oo dib u dhigis ah. Sidaas waxaa sheegay Rolf Lothe oo katirsan hey adda canshuuraha Norwa.y.

Hey adda saadaasha: Baraf beri laga filan karo magaalooyinka qaarkood.

Inkasta oo maalmihii ugu danbeeyay ay inta badan goboladda Norway ka jirtay qorax lagu diirsaday, hadana hey adda saadaasha ayaa sheegeyso in barafkii iyo qabowgii uusan wali dhamaan.

Caawa oo isniin ah ilaa beri oo talaado ah goboladda koonfurta qaarkood, ayaa laga saadaalinayaa inuu ka di´i doono baraf baraf roobab xili dheer di kara. Meelaha aadka looga saadaalinayo, ayaa waxaa kamid deegaanadda ku xeeran Oslo iyo nawaaxigeeda.

hey adda ayaa dadweynaha, gaar ahaan baabuurleyda kula talineyso inay kusii xisaabtamaan barafka di´i kara, ayna isku diyaariyaan inay la macaamilaan xaaladda isbadal ee ku imaan karto cimiladda.

SV: Waxaan baarlamaanka geyn doonaa soo jeedin ku saabsan baasaboor ka celinta.

Sida uu maanta qoray wargeyska klassekampen, hey adda arrimaha qoxootiga iyo soo galootiga Norway ee UDI-da, ayaa wasaaradda cadaaladda Norway u dirtay codsi ay ku dalbaneyso inay joojiso(laasho) ka shaqeynta ilaa 1000 kiis oo la xiriira kiisaska baasaboor dib ula noqoshada ee lagu furay dadka looga shakisanyahay inay aqoonsigooda shaqsiyeed ka been-sheegeen. Halkan kasii akhri.

Hey adda ayaa waraaqdeeda qeylo dhaanta ah ku sheegtay in ka shaqeynta kiiisaskaas oo aad u cul-culus ay qaataan waqti iyo awood tiro badan, ay shaqada saareen culeys shaqo oo ka mashquuliyay shaqooyinkooda maalinlahaa ah. Waxeyna codsadeen in la siiyo ogolaanshaha ay ku xirayaan kiisaska ka shaqeyntooda la bilaabay sanadkii 2018 iyo wixii ka horeeyay, balse aan wali jawaabta laga gaarin.

Wasaaradda cadaaladda Norway oo ay wasiir ka tahay Emilie Enger Mehl oo katirsan xisbiga Sp ayaan dhaweyn codsiga UDI-da, iyaga oo sheegtay in wasaaradu aysan u habooneyn inay ogolaato codsiga hey adda qoxootiga.

SV: Baarlamaanka ayaan soo jeedin geyn doonaa.

Xisbiga SV oo xulufo la ah labadda xisbi ee ku mideysan xukuumadda uu hogaamiyo reysulwasaare Jonas Gahr Større ayaa si adag uga fal-celiyay jawaabta wasaaradu cadaaladda ay ka bixisay codsiga hey adda qoxootiga.

Xildhibaanadda Grete Wold oo ah afhayeenka arrimaha soo galootiga ee xisbiga SV ayaa sheegtay inay baarlamaanka geeyeen dalab ay dowlada uga dalbanayaan inay ogolaadaan codsiga ka yimid hey adda UDI-da. SV ayaana soo jeedinayo in UDI-du ay xirto kiisaska ka shaqeyntooda la bilaabay wixii ka horeeyay sadex(3) sano, walina aan jawaabta laga gaarin.

Grete oo Klassekampen la hadashay ayaa sheegtay: Marka ay UDI-du laftirkeedu ay qabto in waqti iyo qarash tiro badan lagu adeegsanayo kiisas aan waxna soo kordhineyn, meelna u socon. Hadii kalena keenayo inay kusoo dhamaadaan go aan kala geynayo qoysas hada Norway ku wada nool. Markas wa in la maqlaa codsiga UDI-da ee ku saabsan xiritaanka kiisaska, gaar ahaan kuwa ay ku xiranyihiin kiisaska kale, sida tusaale codsiyada isku imaanshaa qoxootiga oo kale.

Xildhibaanadda oo hadalkeeda sii wadata ayaa ku dartay: Dadka kiisaska ay khuseeyaan waa dad dalka degenaa 10 bano iyo wax badan, mana ahan dad halis ku ah Norway. Waana wax lala yaabo in xisbiyada Ap iyo Sp ay sii wadaan fulinta siyaasadii xisbiyada Høyre iyo Frp.

Soo jeedinta xisbiga SV ee arrintan ku saabsan ayaa baarlamaanka la geyn doonaa bisha may ee sanadkan.

Afhayeenka arrimaha soo galootiga ee ayaa dhanka kale sheegtay: Markasta oo ay wasiiradda soo galootiga timaado hoolka baarlamaanka, waxey sheegtaa inay kalsooni buuxdo ku qabto hey addaha soo galootiga. Waxaan qabaa markana waa inay dhageystaan, lana maqlo waxa ay hey addaha noo sheegayaan.

Xigasho/kilde: Klassekampen

– Hver gang hun kommer i stortingshallen så sier statsråden at hun har full tillit til utlendingsmyndighetene. Da synes jeg faktisk også at hun skal lytte til hva de har å si.

UDI-da oo dalbatay inay xirto kiisaska jinsiyad ka celinta ee 1000 qof iyo dowlada oo ka aamustay.

Hey adda arrimaha qoxootiga iyo soo galootiga ee UDI-da, ayaa bilowga sanadkii 2022 codsatay inay laasho(xirto) ka shaqeynta kiisaska ilaa 600 qof oo ah dadka looga shakisanyahay inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed ee lagu furay kiisaska dib ugala noqoshada baasaboorka Norway. Balse wasaaradda cadaaladda Norway ayaan soo dhaweyn soo jeedinta UDI-da.


Sida ku xusan warbixin uu maanta qoray wargeyska Klassekampen, hey adda UDI-da ayaa xiligan gacanta ku heyso ilaa 2875 kiis oo la xiriira dad lagu soo eedeeyay inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed markii ay magangalyada codsanayeen, laguna furay kiis ku saabsan dib ugala noqoshada jinsiyada ama baasaboorka Norway. 289 kiis oo dadkan kamid ah ayaa waxaa baaritaankoodu bilowday sanadkii 2017, xiligaas oo ay xilka heysay wasiiradii hore ee cadaaladda Norway, Sylvi Listhaug oo katirsaneyd xisbiga Frp.

Ka shaqeynta kiisaska iyo go aan ka gaaristooda ayaa qaata xili aad u dheer oo sanado ah, waxeyna UDI-du ku isticmaashaa waqti, qarash iyo aqoon tiro badan. Taas oo hey´addu ay sheegtay inay ka mashquulisay ama culeys ka galisay shaqooyinkii maalinlaha caadiga ah ee hey´adda.

Arrinta kale oo culeyskeeda leh ayaa ah in kiisaska sharci kala noqoshada aysan ku koobneyn oo kali ah qofka markaas kiiska lagu soo oogay, balse ay kusii xirnaan karaan dhowr kiis oo kale oo kiiska qofka la heysto ku xiriirsan. Tusaale ahaan ilmo uu qofkaas dhalay oo codsaday baasaboorka Norway, xaas ama ilmo uu qofkaas codsaday in loo keeno Norway, ama tobanaan kiis oo kale oo ka farcama kiiska qofka koowaad. Taas oo tirada dadka ay saameynta ku leedahay arrintan ka dhigeyso mid kumanaan gaareyso, kana badan tirada lasoo bandhigay.

UDI: 1000 kiis aan iska xirno, si culeysku u fududaato.

Sida uu maanta qoray wargeyska Klassekampen, madaxda hey adda UDI-da ayaa bishii february ee sanadkii 2022 waraaq qeylo dhaan ah u diray wasaaradda cadaaladda Norway oo sharciyad ahaan ay hey addu hoos tagto. Waxa ayna soo jeedisiyeen in heyaddu ay dib u habeyn iyo kala rasteyn ku sameyso kiisaska noocan ah, gaar ahaan kuwa ay mudadda dheer qaadatay in go aan laga gaaro.

UDI-da ayaa waraaqda ay wasaaradda ku sheegtay in inkasta oo waqti badan loo adeegsado ka shaqeynta kiisaska, hadana ay inta badan kusoo gaba-gaboobaan in qofkii aan sharciga laga helin, hadii laga celinaya uu helo sharci kale oo uu dalka ku joogo. Xitaa dadka sharciga laga celiyay ee lagu amray inay dalka isaga baxaan, ayaa intooda badan dalka sii joogo sanado badan oo dheeraad ah, maadaama ay siyaabo kala duwan dalka xiriir ula yeesheen..

Hey adda ayaa soo jeedisay in la xiro( la laalo) kiisaska ka shaqeyntooda la bilaabay sanadkii 2018 iyo wixii ka horeeyay, walina aan go aanka laga gaarin. Kiisaskaas oo tiro ahaan gaarayo ilaa 600 kiis, marka kiisaska kasii farcamay lagu darana gaari kara ilaa 1000 kiis.

UDI-da ayaa sidoo kale soo jeedisay in qofka shakiga laga qabo aqoonsigiisa shaqsiyadeed, lagu xiro xujo ah inuu cadeeyo aqoonsigiisa, lana mariyo baaritaano kala duwan oo sahlaya in hal aqoonsi loo diiwaangaliyo gudaha dalka Norway, sida uu qabo sharciga soo galootiga ee Norway.

Wasaaradda soo jeedintaas dhabarka u jeedisay:

Wasaaradda cadaaladda Norway ayaa sida uu qoray Klassekampen dhabarka u jeedisay soo jeedinta hey adda ay u xilsaaratay arrimaha soo galootiga ee UDI-da. Waxeyna sheegtay in wasaaraddu aysan munaasab u aheyn jiheynta soo jeedinta UDI-da, marka la fiiriyo siyaasadda soo galootiga Norway ama mida ku saabsan kahortagista in qaab qaldan loo adeegsado nidaamka qoxootiga iyo magangalyada Norway.

Wasaaradda ayaa dhanka kale UDI-da u ogolaatay inay laasho ama xirto kiisaska jinsiyad ku celinta ku saabsan ee khuseeya waalidka heysya ilmo buuxiyay shuruudaha uu ku heli karo sharci kale oo uu dalka kusii joogo.

SV: Baarlamaanka ayaan soo jeedin geyn doonaa.

Grete Wold oo ah afhayeenka arrimaha soo galootiga ee xisbiga SV ayaa jawaabta ay wasaaradda cadaaladda ka bixisay codsiga UDI-da ku tilmaantay mid aan liidato. Waxeyna sheegtay in xisbigeedu uu baarlamaanka geyn doono soo jeedin looga hadli doono arrintan, taas oo gundhig looga dhigi doono codsiga ay UDI-du u dirtay wasaaradda cadaaladda.

Xigasho/kilde: NEKTET UDI Å HENLEGGE TILBAKE­KALLSSAKER.

Dowlada oo rabta in la dhimo lacagta la siiyo waalidka ilmaha guri jooga ah.

Waalidiinta dhalay caruurta ay da´doodu u dhaxeyso hal(1) ilaa labo(2) sano ee aan dhigan xarumaha xanaanadda(barnehage), ayaa xaq u leh inay codsadaan lacagta kontantstøtte oo la siiyo waalidka dhaley ilmaha guri jooga ah ee da´daas jiro. Lacagtan oo ah mid aad looga doodo siyaasad ahaan faa´iidadda iyo khasaaraha ay ilmaha iyo qoyska u leedahay ayaa cadad(tiro) ahaan gaari karto ilaa 7500 kr bishii.

Waalidka ayaana sida caadiga ah lacagtaas qaadan kara ilaa 11 bilood oo u dhaxeyso marka uu ilmuhu gaaro hal(1) sano ilaa labo(2) sano, hadii uusan ilmuhu bilaabin goobaha xanaanadda caruurta.

Dowlada ayaa rabto in lasoo dhimo bilaha ay waalidku xaqa u yeelan karaa qaadashada lacagta kontantstøtte, lagana dhigo 7 bilood, halkii ay hada tahay 11 bilood. Arrintan ayaa la micno ah in lacagta kontantsøtte ay heli karaan kali ah waalidka heysta ilmo ay da´diidu u dhaxeyso 13 bilood ( Sanad iyo bil) ilaa 19 bilood( Sanad iyo 7 bilood).

Waxaana qorshahan ku heshiiyay xisbiyada Ap iyo Sp ee bahwadaagta ku ah xukuumada uu hogaamiyo reysulwasaare Jonas Gahr Støre. Xisbiga Ap ayaa markii hore qabay iyo guud ahaanba lacagtan la joojiyo, balse waxaa arrintaas kasoo horjeedo xisbiga Sp oo aan rabin in taageeradda dhaqaale ee waalidka ilmaha guri joogo ah la siiyo meesha laga saaro. Qorshahan cusub ayaa ah mid ay labadda xisbi ay isku soo dhawaadeen, mid walbana uu wax qaatay waxna ka tagay.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil avvikle kontantstøtten for barn mellom 20 og 23 måneder.

Reysulwasaare ku xigeenkii UK oo si yaab leh xilka uga tagay.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Britian Dominic Raab ayaa iska casilay xilkii uu hayey, kadib markii baaritaan lagu sameeyey, kaas oo la xariira habka uu ula dhaqmay dadka la shaqeeya.

Warqadda is-casilaadda oo galabta la soo dhigay barta Twitter-ka ee ra’iisal wasaare ku xigeen Dominic ayuu ku caddeeyey is-casilaadaan.

Waxaa la sheegay in is-casilaadaan ay daba socoto baaritaan la xiriiray cago-juglayn la sheegay in shaqaalaha xafiiskiisa qaar uu kula kacay.

Ninkaan ayaa horay u balan qaaday inuu is casili doono, hadii ay ku soo baxaan markii la baaro kadib fadeexadda lagu eedeeyey, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay muhiimadda ay leedahay inuu erayadiisa ilaaliyo.

Is-casilaada masuulkaan ayaa noqoneysa mid kamid ah fadeexadihii ugu dambeeyey ee la soo gudboonaata mid ka mid ah wasiirrada ugu sareeya Xukuumadda UK.

Dominic Raab ayaa noqonaya wasiirkii seddaxaad oo shaqada uga tegay habdhaqankiisa shaqsiga ah, kadib markii ay ka soo dacwoodeen xubno ay ula dhaqmeen si ka baxsan habdhaqanka shaqada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Ra’iisul Wasaaraha UK u cadeeyey inuu qaatay go’aanka shaqo ka tegidda, ka hor inta aan la shaacin natiijada baaritaankii lagu sameeyey fadeexadda lagu eedeeyey Dominic Raab.

Arrinkaan ayaa dib u dhac ku keenaya doorashada xisbiga muxaafidka, waxaana laga cabsi qabaa in guul darro weyn ay ku muteystaan.

Dominic Raab ayaa warqadii uu isku casilay wuxuu ku cadeeyey in isagu uu dalbay in baaritaan la sameeyo, isagoo xiligaas balan-qaaday in hadii lagu helo dembi cagajugleyn ah uu is-casili doono.

“Waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay inaan qowlkeyga ka rumeeyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii is casilay ee dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dalkaas aqbalay warqadda is-casilaadda ah ayaa sheegay inuu ka xunyahay arrinkaan, balse ay muhiim tahay in anshaxa wasiirradiisa uu gaarsiisnaado heerka ugu sareeya.

Xigasho: C.O

700 qof oo reer Afgaanistaan ah ayaa halis ugu jiro in sharciyada iyo dhalashada Norway laga celiyo.

Sida uu qoray wargeyska Klassekampen, dad gaaraya 700 qof oo kasoo jeedo dalka Afgaanistaan ayaa halis ugu jiro inay lumiyaan sharciyada dal ku jooga, degenaanshaha iyo dhalashada Norway, kadib markii ay hey adda qoxootiga Norway ee UDI-du ay dadkaas ku eedeysay inay ka been-sheegeen macluumaadkooda shaqsiyeed.

410 qof oo dadkan kamid ah ayaa lumin kara sharciyada yar-yar ama degenaanshaha rasmiga ah ee Norway, halka 288 qof ay halis ugu jiraan in dib looga celiyo jinsiyada ama baasaboorka Norway oo horey loo siiyay. Isku dar dadkan ayaa gaaraya 700 qof, waxaana tirada laga soo xigtay hey adda ka shaqeysa arrimaha qoxootiga ee NOAS.

Dadkan ayaa intooda badan lagu heystaa arrimo isku wada eg oo la xiriira inay ka been-sheegeen macluumaadkooda shaqsiyeed, markii ay codsanayeen magangalyada qoxootinimo ee Norway. Waxaa tusaale ahaan kamid ah in qof kasoo jeedo dalalka Pakistan, Iran iyo dalalka kale ee dariska la ah Afgaanistaan uu sheegtay inuu kasoo jeedo dalka Afgaanistaan, sidaasna oo sharciga uga helay Norway. Markii ay xili danbe soo baxaan macluumaad sheegayo in qofkaas uusan kasoo jeedin Afgaanistaan, ayaa waxaa lagu furaa kiis cusub ah oo dib looga celin karo magangalyadii uu ku lahaa Norway.

Arrimaha kale ee dadkan lagu heysto ayaa waxaa kamid ah in qofku uu sheegtay inuu kasoo jeedo qawmiyadaha iyo qabiiladda laga tiro badanyahay ee Afgaanistaan, Tusaale qawmiyada shiicada ah ee laga tiro badanyahay ee Hazara.. laakiin gadaal danbe ay kasoo baxday inuu kasoo jeedo qawmiyad kale oo kamid ah qawmiyadaha waaweyn ee suniyiinta ah ee kunool Afgaanistaan iwm.

Arrinta hada ku bilaabataya dadka kasoo jeedo Afgaanistaan, ayaa mid ay horey ula kulmi jireen soomaalida kunool Norway iyo falastiiniyaanta.

Xigasho/kilde: Mange afghanere kan bli kastet ut av Norge.

Oslo: Goobahan & xiliyadan ayaa la tukan doonaa salaada ciida ee Beri.

Dhamaan akhristeyaasha iyo daawadayaasha warbaahinta NorSom Media, waxaan marka hore u direynaa hambalyo la xiriirta farxadda munaasabadda ciidul-fidriga. Allah ha naga wada aqbalo cibaadadii bisha Ramadaan, ciidan ciideeda kalena hanagu gaarsiiyo caafimaad qab.

Si lamid ah muslimiinta kunool dunida inteeda kale ee caalamka, waxaa maalinta beri ah oo ku aadan 21-ka bisha April laga ciidi doonaa muslimiinta kunool Norway.

Maadaama habeenkan oo kale ay dad badan isweydiiyaan meesha lagu ciidi doono iyo xiliyada salaadda ciida la tukan doono, ayaan Waxaan la xiriirnay maamulka masaajidka Tawfiiq oo ah kan ugu weyn ee kulmiyada bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaana weydiinay su aal arrintaas la xiriirta.

Maamulka masaajidka TIS ayaa noo sheegay in la qorsheeyay in berito lagu ciido sadex (3) meelood oo kala duwan, lana tukan doono xiliyada hoos ku xusan:

  1. Goobta Koowaad Masaajidka Tawfiiq: Waxaa la tukan doonaa labo goorood oo kala ah 09:30 am iyo 10:30 am aroornimo.
    • Goobta Labaad: Sørli gata: Waxaa la tukan doonaa laba goorood oo kala ah 09:30 iyo 10:30 aroornimo.
  2. Goobta Sadexaad: Rømmensleta: Waxaa la tukan doonaa hal mar oo ah 10:00 aroornimo.

Marka laga tago sadex goobood oo ay soo agaasimeen masaajidka Tawdiiq, waxaa iyagana jiro masaajido, mawlacyo meelo kala duwan oo lagu tukanayo, kuwaas oo ay soo agaasimeen ururadda iyo masaajida islaamiga ah ee ka dhisan Oslo ama deegaamadda kale ee Norway.

Wixii faah-faahin ah ee ku saabsan qaabka ciidaha iyo howlaha farsamo ee la xiriira, waxaad kala xiriiri kartaa maamulka masaajida aad xubinta ka tahay ama kuyaal magaaladda ay beri ku ciidi doonto.

Dadka NAV ka qaata lacagta AAP oo sii kordhay.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hey adda NAV, waxaa sanadkan kordhay tirada dadka qaata kaalmadda lacageed ee loo yaqaan arbeidsavklaringspenger (AAP). Lacagtan ayaa ah mida la siiyo dadka xanuun ama dhaawac shaqo awgeed uga fadhiya shaqadii ay ka shaqeyn jireen.

Tirokoobka ayaa waxaa lagu sheegay inay sii bateen dadka daal, tabar daro iyo xanuunadda maskaxeedku awgood uga fariista shaqada.

Warbixinta NAV ayaa lagu sheegay in sida caadig ah bilaha hore ee sanadkan ay bataan dadka shaqooyinkooda ka qaata fasax la xiriira xanuunadda aan jasadiga(jirka) la xiriirin, balse la xiriira maskaxda.

Xigasho/kilde: Nav: Betydelig økning i AAP-mottakere hittil i år.

Norway oo dalkeeda ka ceyrisay 15 qof oo Ruush ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa maanta soo saartay waraaq dalka looga ceyrinayo 15 qof oo ruush ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka shaqeynayeen arrimo sirdoon.

15 qofkan oo ka shaqeeya safaaradda Ruushka ee Norway, heystayna xasaanad diblomaasiyadeed ayaa sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda, waxa ay ka shaqeynayeen uruurinta xogo sirdoon oo ka dhan amniga qaranka Norway.

15-ka qof oo sirdoonka Norway ay mudo dagabal ku hayeen, ayaa lagu eedeeyay in xasaanadda diblomaasinimo ay ka dhiganayeen gabaad, iyaga oo hoosta ka waday shaqooyin kale oo sirdoon iyo xog uruurin la xiriira.

Dadkan ceyrinta loo jaray ayaa heysta waqti yar oo ay kaga baxaan dalka, waxaana loo diray warqada dal ka bixista.

Norway oo xuduud dheer la leh dalka Norway ayaa waxaa uu xiriir adag oo ku dhisan kala shaki iyo cabsi-galin laba dhinac ah kala dhaxeeyaa dalka Ruushka.

8000 qof oo sheegay in saameyn xoogan uu kaga tagay talaalkii corona.

Hey adda daawada dalka Norway ee Legemiddelverket ayaa sheegtay inay soo gaareen cabashooyin ka yimid ku dhawaad 8000 qof, kuwaas oo ka shaki qaba in talaalkii corona uu kaga. tagay saameyn halis badan.

Warbixin ay soo saartay hey adda daawadda ayaa sheegtay in guud ahaan ay soo gaareen ku dhawaad 62.000 oo fariimood, kuwaas oo ka yimid dad ka cabanayo ama ka shaki qabo in talaalka corona uu kaga tagay saameyn xoogan.  7818 oo kamid ah cabashooyinkan ayaa ah kuwa halis ama khatar ah, sida warbixinta hey adda lagu sheegay.

Warbixinta hey adda daawada waxaa lagu sheegay in fariimaha ay dadkan soo gudbiyeen ay yihiin kuwa ku saabsan shaki qofka ku yimid, kadib markii uu qaatay talaalka corona, uuna isku arkay calaamadaha shaki ku keenay. Arrintaas ayaa sida hey addu sheegtay ka dhigneyn in talaalku uu sabab u yahay calaamadaha ama xanuunadda ay dadkaasi isku arkeen.

Calaamaddaha ay dadkaasi isku arkeen waxaa kamid ah( ugu badan) caado-wareer( dumarka ah), dhiig-furan, xubnaha jirka qaarkood oo sidii la rabay aan u shaqeyn, madax xanuun, murqo xanuun, daal joogto ah iyo tabar-yari.

Hey adda ayaa dhamaan dadka ka shaki qaba in talaalka corona uu kaga tagay saameyn ku wargalineyso inay isa soo diiwangaliyaan ama xiriir la sameeyaan hey addaha ay khuseyso.

Xigasho/kilde: Nesten 8000 meldinger om alvorlige bivirkninger etter koronavaksinen

Sweden oo sheegtay inay sharciyada qoxootiga ka celineyso dadka dalkoodii ku noqday.

Dowlada dalka Sweden ayaa sheegtay inay bilaabeyso inay sharciyada iyo magangalyada qoxootiga dib ugala noqoto dadka qoxootinimadda dalkaas kusoo galay, balse hadana dib ugu noqday dalkii ay sheegteen inay markii hore kasoo qaxeen.

Arrinta ayaa sida ay wasiiradda socdaalka dalka Sweden Maria Malmer Stenergard sheegtay, waxa ay sidoo kale khuseyn doontaa dadka qaababka kale ee qiyaanadda ama wax isdaba-marinta ku helay sharciga qoxootiga ama dal ku galka dalka Sweden. Sida tusaale dad dalkaas kusoo galay qaab ardeynimo iyo waxbarasho, balse howlo kale ka shaqeeyo gudaha Sweden.

Wasiiradda ayaa sheegtay in arrinta loo xilsaaray gudo khuburo ah, kuwaas oo kusoo sameyn doonaa baaritaan dheeri ah, waxaana baaritaano lagu sameyn doonaa dadka laga shakisanyahay qaabka ay ku heleen sharciga qoxootiga, iyo sharciyada kale ee ku dalka Sweden.

Ujeedka arrintan ayay dowlada Sweden ku sheegtay in sharciyada laga celin doono qofkii ay soo baxdo inuu qaab sharci daro ah ku helay sharciga qoxootiga ama magangalyada. Waxeyna dowladu sheegtay inay jiri karaan dad qoxootinimo kusoo galay Sweden, balse hadana dib ugu noqday dalkii ay ka imaadeen, markii uu qofku helay sharciga qoxootiga.

Dowladaha Norway iyo Denmark ayaa horey usoo rogay talaabooyin noocan oo kale ah, waxeyna saameyn ku yeelatay boqolaal qoxooti ah oo isugu jiro soomaali iyo ajaaniib kale.

Xigasho/kilde: M: Utred dem som åker till sitt hemland på semester

Dokumentiyo sir ah oo ay leedahay dowladda Mareykanka oo la dusiyey.

Dowladda Mareykanka ayaa qiimeyneysa sida dokumentiyo sir xasaasi ah oo la dusiyey ay u saameyn karaan amniga qaranka, waxaa sidaas Axaddii sheegay Pentagon-ka.

Dokumentiyada la dusiyey — oo ay baareyso Waaxda Cadaaladda — ayaa u muuqda inay ku jiraan qiimeyn iyo warbixino sirdoon oo qarsoodi ah, oo aan taabaneyn kaliya Ukraine iyo Ruushka, balse fallanqeynaya xulufada Mareykanka.

Inkasta oo Waaxda Difaaca ay weli baareyso sax ahaanshaha dokumentiyada oo wareegaya baraha bulshada, haddana “waxay u muuqdaan inay ku jiraan xogo aad sir iyo xasaasi u ah,” waxaa sidsaas tiri Xoghayaha Warbaahinta ee Pentagon-ka Sabrina Singh oo bayaan soo saartay.

“Waxaa la billaabay dadaal hay’adda gudaheeda ah, oo diiradda saaraya qiimeynta saameynta ay dokumentiyada ku yeelan karaan amniga qaranka Mareykanka, xulufadeena iyo saaxiibadeena,” ayey tiri Singh.

Waaxda Cadaaladda ayaa Sabtidii sheegtay inay arrintan xiriir kala sameysay Waaxda Difaacca, islamarkaana la furay baaritaan.

Dokumentiyada ayaa lagu baahiyey Twitter, Telegram, Discord iyo baraha kale ee bulshada maalmihii tegay, waxaan weli soo shaac baxaya kuwa cusub.

Saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay Wasington Post in qaar ka mid ah dokumentiyada ay u muqudaan kuwa wax laga beddelay, balse badankood ay waafaqsan yihiin warbixinada qiimeynta dunida ee CIA-da ee lala wadaagay Aqalka Cad, Pentagon-ka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Dadka fallanqeeya arrimaha difaaca ayaa sheegaya in dusinta caynkan oo kale ah ee dokumentiyada sirta ah ay waxyeelo iyo ceebeyn weyn gaysan karaan.

Waxay sidoo kale kuwa aad u qiimo badan u noqon karaan Moscow, oo ay tusin karaan sida qotada dheer ee sirdoonka Mareykanka ay u dhex-galeen madaxda militariga Ruushka.

Dokumentiyada qaar ayaa sidoo kale waxaa ku jira akhbaar ku saabsaan doodaha ka dhexjira dowladaha xulufada la ah Mareykanka.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI

Booliska Norway oo lagu amray inay hubka qaataan.

Xaley waxaa degmadda Steinkjer lagu dilay hal qof, halka mid kalena lagu dhaawacay, kadib markii uu nin heysta dhalashada Norway uu baabuur jiirsiiyay dad marayay wadada dhinaceeda. Falkan ayaana ka dhacay bartamahha senterka magaaladaas.

Booliska Norway ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid halis ah, inkasta oo aan wali la xaqiijin sababta ka danbeysay in ninkaas uu baabuurka jiirsiiyo dadka. Booliska ayaa falkan usoo qabtay nin sodon jir ah, kaas oo ahaa mid ay boolisku horey aqoon ugu lahaayeen dabagalna ku hayeen.

Hey adda maamusha booliska Norway ayaa hada amar ku bixisay in dhamaan booliska Norway ay hubkooda qaataan si kumeel gaar ah, waxeyna xaalad heegan ah galiyeen laamaha kale ee amniga.

Norway: Nin dad jiirsiiyay baabuur oo qofna dilay, 2 qofna dhaawacay.

Magaaladda Steinkjer ee gobolka Trøndeland waxaa caawa ka dhacay fal argagax leh, kadib markii nin sodomeeyo jir ah oo baabuur jiirsiiyay dad marayay wadada dhinaceeda. Waxaana falkan oo ka dhacay senterka Steinkjer ku dhintay qof dhalinyaro ah, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale.

Booliska ayaa falkan usoo qabtay nin sodomeeyo jir ah oo la sheegay inuu heyso dhalashada Norway, booliskuna ay horey aqoon ugu lahaayeen. Booliska ayaa ka shakisan in ninkan uu daroogeysnaa marka uu falkan geysanayay, waxeyna wadaan baaritaan la xiriira dhacdadan.

Ninka falka geystay ayaa markii hore ka baxsaday goobta uu falka dhacay, balse gadaal danbe ayaa lasoo qabtay, isaga oo ku jiro baabuurka uu falka ku geystay.

Sida uu NRK qoray, ninka falka loo qabtay ayaa horey waxaa dabagal ugu hayay booliska Norway, isaga oo ay kor-joogteyn joogto ah ay ku sameyn jireen hey addaha sirdoonka Norway.

Booliska ayaa dhawaan qaban doono shir jaraa´id oo ay uga hadlayaan dhacdadan oo sida ay sheegeen ay xaleyba bilaabeen baaritaankeeda hordhaca ah.

Kumanaan qof oo sheegay inay Kansar ka qaadeen bootorka ilmaha.

Kumanaan qof oo daafaha caalamka ku nool ayaa maxkamad la fuulay shirkada sameysa bootarka caruurta ee Johnson & Johnson, iyaga oo sheegay in ay cudurka kansarka ka qaadeen bootarka ay shirkadan sameyso.

Shirkada Johnson & Johnson oo ah mid kamid ah shirkadaha wax soo saarka ee ugu waaweyn caalamka, ayaa rabta inay bixiso 8,9 bilyan dollar, si magdhow kiis-xirid ah loo siiyo kumanaanka qof ee dacwada kusoo oogay shirkada.

Lacagta ayaa loogu talagalay ama a shirkadu u qoondeysay in la siiyo dadka hada shirkada dacweeyay, iyo kuwa mustaqbalka soo gudbin kara magdhow la xiriira xanuunka ay sheegeen inay ka qaadeen bootarka ay shirkadu sameyso.

Ilaa hada 60.000 qof ayaa ogolaaday inay qaataan lacagta ay shirkadu soo bandhigtay.

Shirkada Johnson & Johson ayaa wali ku adkeysaneyso in aysan sameyn wax qalad ah, ayna hada suuqa ka saareen noocii bootarka ahaa ee dadku ay dacwadaha kasoo gudbiyeen.

Xigasho/kilde: Legemiddelgiganten får et kursløft etter nyhet om milliardforlik..

Ogow xogta labadda gabdhood ee soomaalida ah ee Oslo lagu xiray.

Habeenimadda Arbacadii lasoo dhaafay waxaa magaaladda Oslo laga soo dajiyay labo(2) gabdhood oo heysta dhalashada dalkan Norway, balse asal ahaan soomaali ah. Labaddan gabdhood oo caan ka ah warbaahinta Norway, ayaa waxaa garoonka ku sugayay oo xabsiga u kaxeeyay booliska gaarka u tababaran ee hey adda sirdooka Norway ee PST.

Labadda gabdhood ee soomaalida ah iyo caruur ay dhaleen ayaa waxaa laga soo kaxeeyay xero qoxooti oo kutaal dalka Siiriya, waxaana keenistooda Norway gacan ka geysatay wasaaradda arrimaha dibadda Norway.

Gabdho Norway ka tagay iyaga oo dhalinyaro ah:

Labaddan gabdhood oo horey kiiskooda aan marar badan wax uga qornay ayaa Norway ka tagay iyaga oo dhalinyaro ah , da ahaan kala jira 16 sano iyo 19 sano. Waxeyna u safreen dalka Siiriya oo xiligaas ay ka arrimin jirtay ururkii burburay ee Daacish.

Sida marar badan ay xaqiijiyeen hey addaha amniga Norway, labaddan gabdhood ayaa sanadihii ugu danbeeyay ku noolaa xeryo qoxooti oo kuyaal Siiriya, waxaana halkaas ku weheliyay caruuro ay dhaleen intii ay Siiriya ku sugnaayeen.

Hey addaha amniga Norway ayaa wareysiyo la yeelan doono labaddan gabdhood, iyada oo eegi doono inay jirto sababo loogu soo oogo dacwado, loona geeyo maxkamadd ama in kale.

Trump oo ugu danbeyn maxkamad lasoo taagayo.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta kasoo duulo Florida oo uu yimaado New York, halkaasi oo uu ku wajahayo dacwad dambiyeed.

Trump ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag aamusin ah oo la siiyey gabar sameysa aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016.

Trump, oo ah madaxweyne hore oo Mareykan ah kii ugu horreeyey ee wajaha dacwado dambi, ayaa Talaadada hortagaya maxkamadda Manhattan kadib marka faro iyo sawirro laga qaado, xilli aad loo adkeeyey ammaanka.

Qareenada Trump ayaa sheegay inuusan dambi qiran doonin. Eedaha ku jira dacwadda ay xeer-beegtida kusoo oogtay Trump ayaan weli la caddeyn, balse la shaacin doonaa Talaadada.

Sarkaal ka tirsan maxkamadda Manhattan ayaa sheegay in Trump uu maxkamadda hor iman doono 2:15pm Talaaada. Trump ayaa kadib ku laaban doona Florida, wuxuuna hadal ka jeedin doonaa Mar-a-Lago abaare 8:15 p.m Talaadada.

Booliska New York ayaa dhammaadkii toddobaadka billaabay inay jidgooyooyin ka sameeyeen agga sarta Trump Tower iyo Maxkamadda Dambiyada ee Manhattan.

Waxaa la filayaa inay halkaas ka dhacaan dibad-baxyo, waxaana booliska ay wacad ku mareen inay diyaar u noqon doonaan.

“Saraakiisha waxaa la geliyey heegan, islamarkaana waaxda waxay diyaar u tahay inay u jawaabto sida loogu baahdo, waxayna xaqiijin doontaa in qof kasta uu si nabad ah u adeegsado xuquuqdiisa,” waxaa sidaa bayaan ku tiri Waaxda Booliska New York.

Kahor inta aan dacwadda lasoo oogin, xeer-beegtida ayaa maqashay caddeymo la xiriira lacag $130,000 oo la siyey Stormy Daniel, oo jisha aflaanta galmada, intii lagu guda jiray ololihii doorashada 2016.

Daniels ayaa sheegtay in lacagta loo siiyey inaysan ka hadlin xiriir galmo oo ay Trump kula sameysay Hotelka Lake Tahoe sanadkii 2006. Trump waa uu beeniyey inuu xiriir jiray.

Trump oo 76 jir ah ayaa madaxweyne soo noqday 2017 illaa 2021, wuxuuna bishii November billaabay isku day uu dib ugu laabanayo Aqalka Cad 2024.

Dacwadda Trump ayaa ka dhalatay baaritaan uu sameeyey xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan, Alvin Bragg oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga.

Trump ayaa sheegay inuusan dambi gelin, waxaana xulufadiisa ay dacwadaha ugu yeereen kuwo siyaasado ay dhiiri-geliyeen.

Reuters + VOA Somali

Hadii 3 mar uu baasaboorku kaa lumo, waa lagu diidi karaa cusbooneysiinta.

Sida caadiga ah hadii qofka uu ka lumo ama laga xado baasaboorkiisa, wuxuu xaq u leeyahay in loo cusbooneysiiyo oo la siiyo baasaboor cusub. Laakiinse hadii uu qofku dhowr mar oo isku xigxigto uu lumiyo baasaboorka mudo cayiman gudaheed, waxaa dhici karto in loo diido cusbooneysiinta baasaboorka ama la ganaaxo mudo dhowr sano ah.

In qofka loo diido cusbooneysiinta baasaboorka sababo la xiriira dhowr mar oo uu lumiyay ayaa lagu go´aamiyaa qiimeyn lagu sameeyay sababta uu qofka baasaboorka uga lumay, sharaxaada loo qaateenka ah, iyo macluumaadka kale ee markaas qofkaas laga hayo. Arrintan ayaana timid kadib markii isbadal lagu sameeyay sharciga baasaboorka Norway.

Sadex mar: 10 sano gudahood.

Hadii 2 mar aad baasaboorka lumiso 10 sano gudahood, laguuna cusbooneysiiyo, waxaa heleysaa fariin qoraal ah oo laguugu sheegayo in marka sadexaad hadii aad lumiso laguu diidi karo qiimeynta cusbooneysiinta ama ganaax lagu saari saro.

Hadii marka sadexaad aad lumiso 10 sano gudaheed, waxaad markaas aad buuxisay shuruudihii keeni karay in lagu diido cusbooneysiinta baasaboorka, waxaana kiiskaada loo dirayaa qiimeyn.

Qiimeynta booliska ayaa keeni karto in lagu siiyo baasaboor mudo cayiman shaqeynayo, in lagu ganaaxo mudo cayiman ama in laguu diido cusbooneysiinta baasaboorka mudo cayiman. Waxaana arrintan qiimeynaya booliska oo waxyaabo badan isku cel-celinaya, kahor inta aysan gaarin go aanka.

Waxyaabaha ay boolisku qiimenayaan waxaa kamid ah in horey aad baasabooradda u lumin jirtay, iwm.

Xigasho/kilde: Politiet.

Soomaalida oo lumisay xildhibaankii ay ku lahaayeen Baarlamaanka Finland.

Waxaa xaley fiidkii lagu dhawaaqay natiijadda kasoo baxday doorashadii madaxtinimo ee shaley ka qabsoontay dalka Finland. Waxaana ku guuleystay isbaheysiga xisbiyada midigta ee siyaasadda Finland.

Petteri Orpo ayaa noqon doono reysulwasaaraha cusub ee Finland, isaga oo xilka kala wareeji doono reysulwasaarihii dhalinyarada aheyd ee Sanna Marin oo ku guuldareysatay inay xajisato booskeeda reysulwasaare.

Xisbiga National Coalition ee Patteri Orpo , ayaa helay 48 xildhibaan oo ka mida 200 ee mudane ee Baarlamaanku ka koobanyey, laakiin waxa uu dawlad wadaag ah la soo dhisi doonaa xisbiyada kale ee mucaaradka ah ee kuraas ku guuleystay.

Soomaalida oo weyday kursigii kali ahaa ee xildhibaanka:

Kadib natiijadda doorashada, waxaa cadaatay in soomaalidu ay lumiyeen kursigii kali ah ee ay ku lahaayeen baarlamaanka dalka Finland. Waxaana sanadkan ku guuleysan waayay inuu soo baxo Suldaan Said Ahmed oo ahaa xildhibaan dhalinyaro soomaali ah oo kursigan ku fadhiyay mudo afar sano ah. Suldaan oo sidoo kale ahaa ergeyga gaarka ah ee dowlada Finland u qaabilsan arrimaha geeska Afrika, ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta rajadda fiican iyo mustaqbalka siyaasadeed ku dhex leh xisbigiisa.

Marka laga tago Xildhibaan Suldaan, waxaa iyagana jiray dhowr musharax kale oo soomaali ah, kuwaas oo dhamaantood u tartamayay kamid noqoshada baarlamaanka Finland, balse midna kuma uusan guuleysan inuu helo codad ku filan oo uu xildhibaan ku noqdo. Arrintan ayaa keentay is-garab orod iyo tartan laga maarmi karay uu ka dhex dheshay siyaasiyiinta soomaalida ah, sida ay sheegeen qaar kamid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee Finland.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.