fredag, mai 3, 2024

Norway: Nin dad jiirsiiyay baabuur oo qofna dilay, 2 qofna dhaawacay.

Magaaladda Steinkjer ee gobolka Trøndeland waxaa caawa ka dhacay fal argagax leh, kadib markii nin sodomeeyo jir ah oo baabuur jiirsiiyay dad marayay wadada dhinaceeda. Waxaana falkan oo ka dhacay senterka Steinkjer ku dhintay qof dhalinyaro ah, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale.

Booliska ayaa falkan usoo qabtay nin sodomeeyo jir ah oo la sheegay inuu heyso dhalashada Norway, booliskuna ay horey aqoon ugu lahaayeen. Booliska ayaa ka shakisan in ninkan uu daroogeysnaa marka uu falkan geysanayay, waxeyna wadaan baaritaan la xiriira dhacdadan.

Ninka falka geystay ayaa markii hore ka baxsaday goobta uu falka dhacay, balse gadaal danbe ayaa lasoo qabtay, isaga oo ku jiro baabuurka uu falka ku geystay.

Sida uu NRK qoray, ninka falka loo qabtay ayaa horey waxaa dabagal ugu hayay booliska Norway, isaga oo ay kor-joogteyn joogto ah ay ku sameyn jireen hey addaha sirdoonka Norway.

Booliska ayaa dhawaan qaban doono shir jaraa´id oo ay uga hadlayaan dhacdadan oo sida ay sheegeen ay xaleyba bilaabeen baaritaankeeda hordhaca ah.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x