mandag, oktober 21, 2024

Hadii 3 mar uu baasaboorku kaa lumo, waa lagu diidi karaa cusbooneysiinta.

Sida caadiga ah hadii qofka uu ka lumo ama laga xado baasaboorkiisa, wuxuu xaq u leeyahay in loo cusbooneysiiyo oo la siiyo baasaboor cusub. Laakiinse hadii uu qofku dhowr mar oo isku xigxigto uu lumiyo baasaboorka mudo cayiman gudaheed, waxaa dhici karto in loo diido cusbooneysiinta baasaboorka ama la ganaaxo mudo dhowr sano ah.

In qofka loo diido cusbooneysiinta baasaboorka sababo la xiriira dhowr mar oo uu lumiyay ayaa lagu go´aamiyaa qiimeyn lagu sameeyay sababta uu qofka baasaboorka uga lumay, sharaxaada loo qaateenka ah, iyo macluumaadka kale ee markaas qofkaas laga hayo. Arrintan ayaana timid kadib markii isbadal lagu sameeyay sharciga baasaboorka Norway.

Sadex mar: 10 sano gudahood.

Hadii 2 mar aad baasaboorka lumiso 10 sano gudahood, laguuna cusbooneysiiyo, waxaa heleysaa fariin qoraal ah oo laguugu sheegayo in marka sadexaad hadii aad lumiso laguu diidi karo qiimeynta cusbooneysiinta ama ganaax lagu saari saro.

Hadii marka sadexaad aad lumiso 10 sano gudaheed, waxaad markaas aad buuxisay shuruudihii keeni karay in lagu diido cusbooneysiinta baasaboorka, waxaana kiiskaada loo dirayaa qiimeyn.

Qiimeynta booliska ayaa keeni karto in lagu siiyo baasaboor mudo cayiman shaqeynayo, in lagu ganaaxo mudo cayiman ama in laguu diido cusbooneysiinta baasaboorka mudo cayiman. Waxaana arrintan qiimeynaya booliska oo waxyaabo badan isku cel-celinaya, kahor inta aysan gaarin go aanka.

Waxyaabaha ay boolisku qiimenayaan waxaa kamid ah in horey aad baasabooradda u lumin jirtay, iwm.

Xigasho/kilde: Politiet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x