torsdag, mai 2, 2024

Sweden oo sheegtay inay sharciyada qoxootiga ka celineyso dadka dalkoodii ku noqday.

Dowlada dalka Sweden ayaa sheegtay inay bilaabeyso inay sharciyada iyo magangalyada qoxootiga dib ugala noqoto dadka qoxootinimadda dalkaas kusoo galay, balse hadana dib ugu noqday dalkii ay sheegteen inay markii hore kasoo qaxeen.

Arrinta ayaa sida ay wasiiradda socdaalka dalka Sweden Maria Malmer Stenergard sheegtay, waxa ay sidoo kale khuseyn doontaa dadka qaababka kale ee qiyaanadda ama wax isdaba-marinta ku helay sharciga qoxootiga ama dal ku galka dalka Sweden. Sida tusaale dad dalkaas kusoo galay qaab ardeynimo iyo waxbarasho, balse howlo kale ka shaqeeyo gudaha Sweden.

Wasiiradda ayaa sheegtay in arrinta loo xilsaaray gudo khuburo ah, kuwaas oo kusoo sameyn doonaa baaritaan dheeri ah, waxaana baaritaano lagu sameyn doonaa dadka laga shakisanyahay qaabka ay ku heleen sharciga qoxootiga, iyo sharciyada kale ee ku dalka Sweden.

Ujeedka arrintan ayay dowlada Sweden ku sheegtay in sharciyada laga celin doono qofkii ay soo baxdo inuu qaab sharci daro ah ku helay sharciga qoxootiga ama magangalyada. Waxeyna dowladu sheegtay inay jiri karaan dad qoxootinimo kusoo galay Sweden, balse hadana dib ugu noqday dalkii ay ka imaadeen, markii uu qofku helay sharciga qoxootiga.

Dowladaha Norway iyo Denmark ayaa horey usoo rogay talaabooyin noocan oo kale ah, waxeyna saameyn ku yeelatay boqolaal qoxooti ah oo isugu jiro soomaali iyo ajaaniib kale.

Xigasho/kilde: M: Utred dem som åker till sitt hemland på semester

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x