torsdag, mai 2, 2024

Dowlada oo rabta in la dhimo lacagta la siiyo waalidka ilmaha guri jooga ah.

Waalidiinta dhalay caruurta ay da´doodu u dhaxeyso hal(1) ilaa labo(2) sano ee aan dhigan xarumaha xanaanadda(barnehage), ayaa xaq u leh inay codsadaan lacagta kontantstøtte oo la siiyo waalidka dhaley ilmaha guri jooga ah ee da´daas jiro. Lacagtan oo ah mid aad looga doodo siyaasad ahaan faa´iidadda iyo khasaaraha ay ilmaha iyo qoyska u leedahay ayaa cadad(tiro) ahaan gaari karto ilaa 7500 kr bishii.

Waalidka ayaana sida caadiga ah lacagtaas qaadan kara ilaa 11 bilood oo u dhaxeyso marka uu ilmuhu gaaro hal(1) sano ilaa labo(2) sano, hadii uusan ilmuhu bilaabin goobaha xanaanadda caruurta.

Dowlada ayaa rabto in lasoo dhimo bilaha ay waalidku xaqa u yeelan karaa qaadashada lacagta kontantstøtte, lagana dhigo 7 bilood, halkii ay hada tahay 11 bilood. Arrintan ayaa la micno ah in lacagta kontantsøtte ay heli karaan kali ah waalidka heysta ilmo ay da´diidu u dhaxeyso 13 bilood ( Sanad iyo bil) ilaa 19 bilood( Sanad iyo 7 bilood).

Waxaana qorshahan ku heshiiyay xisbiyada Ap iyo Sp ee bahwadaagta ku ah xukuumada uu hogaamiyo reysulwasaare Jonas Gahr Støre. Xisbiga Ap ayaa markii hore qabay iyo guud ahaanba lacagtan la joojiyo, balse waxaa arrintaas kasoo horjeedo xisbiga Sp oo aan rabin in taageeradda dhaqaale ee waalidka ilmaha guri joogo ah la siiyo meesha laga saaro. Qorshahan cusub ayaa ah mid ay labadda xisbi ay isku soo dhawaadeen, mid walbana uu wax qaatay waxna ka tagay.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil avvikle kontantstøtten for barn mellom 20 og 23 måneder.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x