torsdag, mai 2, 2024

8000 qof oo sheegay in saameyn xoogan uu kaga tagay talaalkii corona.

Hey adda daawada dalka Norway ee Legemiddelverket ayaa sheegtay inay soo gaareen cabashooyin ka yimid ku dhawaad 8000 qof, kuwaas oo ka shaki qaba in talaalkii corona uu kaga. tagay saameyn halis badan.

Warbixin ay soo saartay hey adda daawadda ayaa sheegtay in guud ahaan ay soo gaareen ku dhawaad 62.000 oo fariimood, kuwaas oo ka yimid dad ka cabanayo ama ka shaki qabo in talaalka corona uu kaga tagay saameyn xoogan.  7818 oo kamid ah cabashooyinkan ayaa ah kuwa halis ama khatar ah, sida warbixinta hey adda lagu sheegay.

Warbixinta hey adda daawada waxaa lagu sheegay in fariimaha ay dadkan soo gudbiyeen ay yihiin kuwa ku saabsan shaki qofka ku yimid, kadib markii uu qaatay talaalka corona, uuna isku arkay calaamadaha shaki ku keenay. Arrintaas ayaa sida hey addu sheegtay ka dhigneyn in talaalku uu sabab u yahay calaamadaha ama xanuunadda ay dadkaasi isku arkeen.

Calaamaddaha ay dadkaasi isku arkeen waxaa kamid ah( ugu badan) caado-wareer( dumarka ah), dhiig-furan, xubnaha jirka qaarkood oo sidii la rabay aan u shaqeyn, madax xanuun, murqo xanuun, daal joogto ah iyo tabar-yari.

Hey adda ayaa dhamaan dadka ka shaki qaba in talaalka corona uu kaga tagay saameyn ku wargalineyso inay isa soo diiwangaliyaan ama xiriir la sameeyaan hey addaha ay khuseyso.

Xigasho/kilde: Nesten 8000 meldinger om alvorlige bivirkninger etter koronavaksinen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x