torsdag, mai 2, 2024

Oslo: Goobahan & xiliyadan ayaa la tukan doonaa salaada ciida ee Beri.

Dhamaan akhristeyaasha iyo daawadayaasha warbaahinta NorSom Media, waxaan marka hore u direynaa hambalyo la xiriirta farxadda munaasabadda ciidul-fidriga. Allah ha naga wada aqbalo cibaadadii bisha Ramadaan, ciidan ciideeda kalena hanagu gaarsiiyo caafimaad qab.

Si lamid ah muslimiinta kunool dunida inteeda kale ee caalamka, waxaa maalinta beri ah oo ku aadan 21-ka bisha April laga ciidi doonaa muslimiinta kunool Norway.

Maadaama habeenkan oo kale ay dad badan isweydiiyaan meesha lagu ciidi doono iyo xiliyada salaadda ciida la tukan doono, ayaan Waxaan la xiriirnay maamulka masaajidka Tawfiiq oo ah kan ugu weyn ee kulmiyada bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaana weydiinay su aal arrintaas la xiriirta.

Maamulka masaajidka TIS ayaa noo sheegay in la qorsheeyay in berito lagu ciido sadex (3) meelood oo kala duwan, lana tukan doono xiliyada hoos ku xusan:

  1. Goobta Koowaad Masaajidka Tawfiiq: Waxaa la tukan doonaa labo goorood oo kala ah 09:30 am iyo 10:30 am aroornimo.
    • Goobta Labaad: Sørli gata: Waxaa la tukan doonaa laba goorood oo kala ah 09:30 iyo 10:30 aroornimo.
  2. Goobta Sadexaad: Rømmensleta: Waxaa la tukan doonaa hal mar oo ah 10:00 aroornimo.

Marka laga tago sadex goobood oo ay soo agaasimeen masaajidka Tawdiiq, waxaa iyagana jiro masaajido, mawlacyo meelo kala duwan oo lagu tukanayo, kuwaas oo ay soo agaasimeen ururadda iyo masaajida islaamiga ah ee ka dhisan Oslo ama deegaamadda kale ee Norway.

Wixii faah-faahin ah ee ku saabsan qaabka ciidaha iyo howlaha farsamo ee la xiriira, waxaad kala xiriiri kartaa maamulka masaajida aad xubinta ka tahay ama kuyaal magaaladda ay beri ku ciidi doonto.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x