lørdag, mars 15, 2025
Home Blog Page 25

Jawaab: Maalinta ciida ah qofkii shaqada fasax ka qaato, mushaar ma leeyahay?

Waxaa lagu gudo jiraa, maalintii afaraadna mareyso bisha barakeysan ee Ramadaan. Dalkan Norway waxaa kunool kumanaan soomaali iyo muslimiin kale ah, kuwaas oo ka shaqeeyo dhamaan qeybaha kale duwan ee shaqooyinka dalkan Norway.

Su aal marar badan soo noq-noqotay ayaa ah, in qofka muslimka ah ee shaqeeyo uu xaq u leeyahay in shaqada fasax laga siiyo maalinta ciida ah, si uu waqti ula qaato qoyskiisa, saaxiibadiisa iyo bulshada inteeda kaleba. Iyo in qofka fasaxa la siiyay uu xaq u leeyahay inuu helo mushaarkiisii maalintaas fasaxa la siiyay.

Qofku xaq ayuu u leeyahay in la fasaxo, balse mushaarku goobta shaqada ayay ku xirantahay:

Su aal arrintaas ku saabsan ayay NorSom News weydiisay gudoomiyaha Golaha islaamka Norway( IRN) oo marti noogu ahaa Studio-yaha NorSom TV ee Oslo. Wuxuuna madaxa IRN ku jawaabay in sida caadiga ah qofka muslimka ah ee shaqeeyo uu xaq u leeyahay in fasax uu helo maalmaha ciidaha, balse ay muhiim tahay inuu sii sheego xili hore oo munaasab ah, si goobta shaqadu ay u hesho qofkii badali lahaa maalintaas shaqada.

Caqabadda dad badan qabsan jirtay ayaa ah inaysan ogeyn maalinta ay ciida ku beegantahay, arrintaas oo ah in maalin ama 2 maalin kahor ay sheegaan inay shaqada fasax uga baahanyihiin. Arrintaas oo keeneyso in mararka qaarkood ay adkaato in qofka fasax laga siiyo shaqada, xitaa asaga oo xaq u leh.

Arrinta in qofku uu xaq u leeyahay inuu helo mushaarkiisa maalintaas fasaxa, ayaa ah mid ku xiran goobta shaqada, iyo nooca shaqada, sidoo kale xiriir wanaaga ka dhaxeeyo goobta shaqada iyo qofka shaqeeyo.

Goobaha shaqooyinka qaarkood ayaa qofka fasaxa u helay maalinta ciida siiya mushaarkiisa oo buuxo maalintaas, balse gadaal ka codsado inuu sameeyo shaqooyin dheeri kale, si uu u kabo maqnaanshihii maalintaas. Halka kuwa qaarkoodna aysan qofka siin mushaar maalintaas uu fasaxa ku maqanyahay.

Hoos ka daawo wareysiga buuxa oo ku saabsan duruufaha soonka iyo soomaalida Norway.

Dowlada: Waxaan wax ka badali doonaa qaabka looga shaqeeyo dhalinyarada danbiyada geysata.

WAsiiradda cadaaladda Norway Emilie Enger Mehl ayaa shaacisay in dowladu ay ka shaqeyneyso hindise sharciyeed fududeynayo in qaab ka duwan sida hada loola dhaqmo loo galo kiisaska la xiriira dhalinyarada geysata danbiyada.

Wasiiradda oo ka jawaabeysay kulan su aalo lagu weydiinayay, ayaa iyada oo u jawaabeyso xildhibaan katirsan baarlamaanka qirtay in ay kasii tireyso xaaladda la xiriirta dhalinyarada ka yar 18-ka sano ee geysata danbiyada ciqaabta lagu muteysan karo.

Wasiiradda ayaa dhanka kale sheegtay in dowladu ay ka shaqeyneyso hindise sharciyeed wax ka badal looga sameynayo sharciyadda arrintan la xiriirta, si wax looga qabto.

Xigasho/kilde: Justisdepartementet vil endre straffer for unge kriminelle.

Xusuusin: Waqtiga hal saac ayaa horey loo dhigi doonaa.

Caawa oo ay soo galeyso habeen axad ah, ahna Axadda ugu danbeyso ee bisha Ramadaan, waxaa waqtiga Norway horey loo dhigi doonaa hal saac. Isbadalkan ayaa ka dhigan in laga baxay xiligii qaboobaha ee winterka, lana galay xiliga kuleylaha ee xagaaga.

Inta badan saacaddaha digitalka ah ee ku xiran mobilada, computerada iyo baabuurta ayaa si toos ah( Automatisk ah) isku badalo. Laakiin saacaddaha batteriga ku shaqeeyo ee ku xiran guryaha iyo xafiisyadda, ayaa u baahan in lagu sameeyo badal, horeyna loo dhigo hal saac.

Suxuurta iyo Afurka:

Maadaama bisha Ramadaan ay sanadkan kusoo aaday dhamaadka bisha Maarso, waxaa iyadana muhiim ah in la xusuusto in isbadalka lagu sameynayo saacadda, uu saameyn ku yeelan doono xiliyada afurka iyo suxuurta. Waxaana xiligii horey loo suxuuran jiray, ama loo afuri jiray ku darsami doono hal saac, wixii laga bilaabo suxuurta caawa iyo afurka beri ee axadda ah.

ciyaartoyda muslimiinta ah oo la siin doono waqti ay ku afuraan-

Guddiga garsoorayaasha ayaa madaxda horyaalka Premier League iyo xiriirka kubbadda cagta Ingriiska u gudbiyay in garsooreyaashu si ku meel gaar ah ay u joojin doonaan ciyaarta, si ciyaartoyda sooman ay u afuraan inata lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, sida uu sheegay Sky Sports Talaadadii.

Garooreyaasha ayaa la siiyay tilmaamo ah in ciyaartooyda muslimiinta ah ay qaadan doonaan wakhti kooban oo ay ku afuraan, waxaana garooreyaasha loo sheegay inay diiwaangeliyaan ciyaartooyda soomman kahor inta aysan ciyaartu billaaban.

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante iyo garabka Manchester City Riyad Mahrez ayaa ka mid ah ciyaartoyda la filayo inay afuraan inta ay socoto ciyaartu.

Sanadkii 2021, ciyaar dhexmartay Leicester City iyo Crystal Palace ayaa waxaa hakiyay garsoore Graham Scott, si Wesley Fofana iyo Cheikhou Kouyate ay u afuraan.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

Dadka u shaqeeyo degmooyinka Oslo iyo Bergen oo lagu amray inay Tiktok tir-tiraan.

Waxaa soo badanayo hey addaha dowliga ah ee dadka u shaqeeyo ka mamnuucayo adeegsiga app-ka caanka ah ee Tiktok. Xubnaha golaha wasiiradda Norway ayaa maalin kahor lagu amray inay telefoonadda iyo aaladaha kale ee shaqada ka tirtiraan app-ka caanka ah ee Tiktok oo laga leeyahay dalka Shiinaha. Halkan kasii akhri.

Mamnuucista waxaa lagu daray app-ka Telegram ee laga leeyahay dalka Ruushka.

Degmooyinka Oslo iyo Bergen ayaa maanta dadka u shaqeeyo ku amray inay telefoonadda iyo aaladaha kale ee shaqada ka tirtiraan, aysana kusoo degsan karin App-ka Tiktok iyo telegram, kadib talo soo jeedin kasoo baxday hey adda amniga qaranka Norway.

Degmooyinka Stavanger iyo Trondheim ayaa iyagana wada qiimeyn arrintaas ku saabsan.

Baarlamaanka Norway ayaa xildhibaanadda iyo shaqaalaha xarunta iyo maamulka baarlamaanka Norway ka mamnuucay adeegsiga app-kaa tiktok.

Sidoo kale shirkaddaha ganacsiga ayaa iyagana bilaabay in shaqaalaha u shaqeeyo ay ka mamnuucaan adeegsiga App-kan oo shaki weyn laga muujiyay. Shirkadda Telenor ayaa shaqaalaheeda ka mamnuucay adeegsiga tiktok.

Kalenderka: Ramadaanka oo maalinta khamiista ah ka bilaaban doono Norway.

Maalinta Khamiista ah waxaa inta badan caalamka oo dhan, gaar ahaan dunidda muslimka laga wada sugayaa bilaabashada bisha barakeysan ee Ramadaan ama soon-qaad.

Wali lama xaqiijin dal kamid ah dunidda muslimka oo caawa oo arbaco ay soo galeyso laga arkay bisha Ramadaan, waxaana sidaas darteed ay u badantahay( hadii aysan caawa wax isbadalin) in maalinta Khamiista ah ay noqon doonto maalinta koowaad ee bisha bakareysan ee Ramadaan.

Norway: Habraac iyo Jaantus-taariikheed(Kalender) gaar ah:

Inta badan Ururadda, xarunaha diimaha iyo masaajidadda muslimiinta dalkan Norway ayaa sanado kahor isku raacay in la mideeyo waqtiyadda salaadda iyo soonka. Waxeyna soo saareen jadwal mideynayo xiliga sanad walba oo bilaabanayo soonka, iyo maalinta ciida ah.

Hadaba hadii la tixraaco jaantus-taariikheedka ay ku heshiiyeen ururadda islaamka Norway ee magaciisa yahay HIJRIKALENDER(HALKAN KA FIIRI), Maalinta khamiista ah ee bisha Maarso ay tahay 23, ayaa ah maalinta koowaad ee bisha Barakeysan ee Soonqaad.

Ururadda iyo xarumaha diimaha ee ku midoobay jadwalkan ayaa sheegay in arrintan ay u sameeyeen, si looga badbaado kala duwanaanshaha soo noq-noqday ee muslimiinta Norway ay ku kala duwanyihiin xiliyaddaha salaadaha, soonka iyo ciidaha. Taas oo qofka Muslimka ah ee Norway kunool u keenta caqabado dhanka shaqada, waxbarashada iyo u fasax-qaadista caruurta ee xarumaha xanaanadda ah.

Wasiiradda dowlada iyo agaasimeyaasha oo laga mamnuucay App-ka Tiktok.

Wareegto kasoo baxday xafiiska reysulwasaaraha Norway ayaa dhamaan wasiiradda, wasiiru-dowlayaasha, agaasimayaasha iyo la taliyeyaasha ka tirsan dowlada looga mamnuucay in mobilkooda gacanta iyo aaladaha kale ee shaqada ay u adeegsadaan ay ka adeegsadaan app-ka Tiktok.

App-kan oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa waxaa aad usoo badanayay wel-welka laga muujinayo keydinka xogta shaqsiga ah ee qofka, iyo xiriirka ay shirkada iska leh app-kan la yeelan karto hey addaha amniga dalka Shiinaha.

Amarka kasoo baxay xafiiska reysulwasaaraha oo isla maantaba dhaqan-galay, ayaa yimid kadib markii hey adda amniga qaranka ay soo saartay warbixin ay ku talineyso in laga fogaado adeegsiga app-kan.

Xigasho/kilde: SMK: Tiktok-forbud får umiddelbar virkning.

Daawo Barnaamij gaar ah oo ah macluumaad ku saabsan waraaqda canshuur celinta ee( skatte-melding)

Dhamaadka bisha Maarso iyo bilowga bisha Apri waxaa qof walba oo Norway kunool usoo dhacdo waraaqda canshuur-celinta ee loo yaqaano Skattemeldinka. Waraaqdan oo ah mid ay waaxda canshuuraha ugu tala-gashay in qofku uu ku hubiyo in sanadkii lasoo dhaafay uu bixiyay canshuur sax ah, iyo inay ka dhimantahay macluumaad ay muhiim tahay inaad ku darto.

Muuqaalkan hoose waxaad kaga bogan kartaa dhamaan macluumaadka muhiimka ah ee la xiriira waraaqda canshuur-celinta, iyo waxyaabaha ay qof walba ay muhiim tahay inuu ogaado kahor inta uusan dirin waraaqda.

Norway oo ah dalka dadkiisu ugu qanaacaad yaryihiin dalalka Nordica.

Sanad walba Qaramadda midoobay ayaa qiimeyn ku sameysa dalalka dadkiisu ugu qanacsanyihiin aduunka ama ugu ay faraxsanyihiin nolosha. Waxaa inta badan boosaska koowaad gala dalalka Nordica ee dhaca cirifka woqooyi ee dunidda.

Waxyaabaha la qiimeeyo qanacsanaanta ayaa waxaa kamid ah heerka nolosha dadweynaha dalkaas, helitaanka adeegyadda aas-aasiga ah ee nolosha sida waxbarasho, caafimaad, amni, howlgabka iyo isgaarsiinta. Sidoo kale fursaddaha helitaanka shaqooyinka iyo adeegyadda kale ee la xiriira

Finland ayaa markii lixaad(6) oo isku xigta noqotay dalka ku jira booska koowaad ee dadkiisu ugu qanacsanyihiin, halka Norway ay gashay booska todobaad(7) oo ah booska ugu danbeeyo dalalka Nordica. Norway ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay hoos usii dhaceysay qiimeynta, waxaana arrintaas lagu fasiray isbadalo bulsho iyo dhaqan-dhaqaale oo ka jira ama ka dhacay Norway.

Sababaha hoos u dhaca u keenay Norway, ayaa waxaa lagu sheegay inay kamid yihiin dhaqaale xumi soo wajahday qeybo kamid ah qeybaha bulshada Norway, iyo feyruskii korona.

Dalalka Denmark ayaa ku jira booska labaad(2) ee dalalka dadkiisu ugu qanacsanyihiin aduunka, halka Sweden ay ku jirto booska lixaad. Dalalka kale ee ku jira waxaa kamid ah: Finland(1), Denmark(2), Island/3), Israel(4), Holland(6), Sweden(6), Norway(7) Switzerland(8), Luxembourg(9) iyo New-Zealand(10).

Sideed(8) kamid ah tobanka(10) dalk ee ugu horeeyay liiskan ayaa ku yaal qaaradda Yurub, marka laga reeyo Israeil iyo New-Zealand.

Xigasho/kilde: Norge er det minst lykkelige landet i Norden – Finland topper listen

Turkiga oo kala reebay Finland iyo Sweden: Finland oo ogolaansho heshay.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay inay dawladdiisu ay taageeri doonto ansixinta xubinimada Finland ee Isbahaysiga NATO, taasoo u fududaynaysa in dalkaasi uu xubin buuxda ka noqdo NATO.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyada oo uu dalka Turkiga ku sugan yahay madaxweynaha Finland Sauli Niinisto, isaga oo la kulmay madaxweyne Erdogan. Sweden iyo Finland ayaa hore u codsaday ka mid noqoshada isbahaysiga NATO, muddo haatan laga joogo toban bilood, iyaga oo tobanaan sano ku soo dhaqmayey siyaasado dhexdhexaad ah.

Xubnaha cusub ee ku biiraya NATO ayaa looga baahan yahay inay ansixiyaan dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah, waxaana codsigooda ka horyimi dalalka Hungary iyo Turkey, iyada oo dalalka kale ay ogolaadeen.

Turkiga ayaa labadan dal ku eedeeyey inay gabbaad siiyaan ururo uu Turkigu u arko inay argagixiso yihiin, isaga oo si gaar ah farta ugu sii fiiqay dalka Sweden.

Ogolaanshaha xukuumadda Turkiga ka dib, haatan waxaa la filayaa in baarlamaanka dalka Turkigu inuu ansixiyo arjiga Finland, waxaana la filayaa in tallaabadani ay dhammaato ka hor doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga ee dhacaysa bisha May 14-keeda.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in ogolaanshaha Turkiga ee arjiga Sweden inay ku xidhan tahay, tallaabooyinka ay qaaddo xukuumadda dalkaasi.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

Sweden: Meydka haweenay Norwiiji ah oo talaagad laga helay.

Sida ay xaqiijiyeen booliska dalka Sweden, waxaa guri kuyaal deegaanka Bergslagen ee dalka Sweden laga helay meydka haweenay Norwiiji ah oo la weysanaa mudo aad u dheer. Qeybo kamid ah jirka haweeneyda geeriyooday ayaa waxaa laga dhex helay qaboojiye dhexyaal guriga, sida ay boolisku xaqiijiyeen.

Falkan waxaa xabsiga loo dhigay ninka guriga degenaa, oo la sheegay in isaguna uu yahay nin Norwiiji ah. Haweeneyda meydkeeda la helay in ninka loo xiray falkan ayaa Norway ka wada guuray sanado kahor, waxeyna degeen dalka Sweden.

Booliska ayaa sheegay inay heleen xogta ku saabsan in meydka haweeneydan la weysanaa uu ku dhex jiro qaboojiyaha guriga yaalo. Booliska oo xogtaas ku howlgalay ayaana qaboojiyaha kasoo dhex saaray meydka haweeneyda oo sanado badan meeshaas ku jiray.

Hey addaha amnigu ma xaqiijin nooca xiriir ee ka dhaxeeya ninka rasmi ahaan falka loogu eedeeyay iyo haweeneyda meydkeeda la helay, balse boolisku waxey sheegeen in ninka la qabtay uu yahay nin ay horey boolisku aqoon ugu lahaayeen.

Xigasho/kilde: Aftonbladet: Norsk kvinne funnet død i fryser i Sverige – var forsvunnet i åtte år.

Tilbudka bisha Ramadaan: Ma rabtaa inaad gurigaada ku daawato Tv-yada soomaalida, ciyaaraha, diiniga iyo Sportiga.

Maalmo kadib waxaa bilaaban doonto bisha kheyriga ah ee Soon-qaad ama Ramadaan. Bishaas oo ah bil cibaado oo dad badan ay xiiseynayaan inay sameeyaan wax kasta oo kor u qaadi kara ajarkooda xiliga soonka.

Smart TV Box waa TV Online ah, kaas oo kuu sahlaya inaad gurigaada dhexdiisa si fudud uga daawato TV-yada quraanka, kuwa diiniga ah oo af soomaali iyo Carabi isugu jiro, ciyaaraha , ciyaaraha horyaaladda dalalka waaweyn, dhamaan Tv-yada soomaalida, adiga oo isticmaalaya internetka oo kali ah(Saxan/Dish iyo Anteeno la´aan). Waxaana ka heleysaa in ka badan kun Kanal.

Smart TV ayaa bisha Ramadaan dadka xiiseynaya iibsiga u sameynayo qiimo-dhimis wanaagsan.

Soomaali: Somali-TV BOX waxaad ka daawan kartaa 600 canal oo ay kamid yihiin kuwa soomaalida, sida SNTV, SNLTV, HORNCABLE, UNIVERSAL, SOMALI-CABLE, Kalsan TV, ESTN, RTD-Jabuuti IWM.
Diini: Sidoo waxaad ka heleysaa boqolaal kanal oo Carabi iyo diini isugu jiro, isla markaana ay caruurtaadu ka baran karaan quraanka iyo diintooda islaamka ah ee suuban.
Carabi: Aljazeera, Sports, MBC 1,2,3 MAX, BOLYWOOD iyo 230 kanal kale oo carabi ah.
Ciyaaro: Waxaad sidoo kale ka daawan kartaa dhamaan horyaalada kubada cagta ee waaweyn, sida Champions league, Premier League, Laliga(Spanish League), Serie A, Bunderliga(Germany), France-ligue 1 iyo dhamaan ciyaaraha qaramada iyo kuwa saaxiibtinimada. .
Hadii aad rabto inaad iibsato ama wax ka ogaato Smart Box TV, fadlan kala xiriir whatsupp:  +90 555 195 89 53.

Taariikh: Xildhibaan Maryan oo noqotay gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV.

Maryan Cabdi Xuseen oo ah xildhibaanadda asal ahaan soomaali ah oo katirsan baarlamaanka Norway, ayaa caawa loo doortay gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV oo kamid ah xisbiga siyaasaddeed ee ugu waaweyn Norway.

Maryan oo horey u aheyd xildhibaankii ugu horeeyay ee asal ahaan kasoo jeedo Afrika, ayaa caawa mar kale dhigtay taariikh cusub oo ku saabsan inay noqoneyso gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV oo xiligan ah xisbiga kursiga ku haya xukuumadda uu hogaamiyo Reysulwasaare Jonas Garh Støre.

Tartan booska gudoomiye ku xigeenka ayaa wuxuu ka dhaxeeyay Maryan iyo Lars Haltbrekken oo ah siyaasi rug cadaa ah oo katirsan xisbiga SV, waxaana shirweynuhu uu cod aqlabiyad leh ku doortay Maryan oo 2 sano kahor loo doortay xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway.

Guusha Maryan ee caawa ayaa mar kale noqoneyso taariikh sumcadeed iyo mid siyaasadeed oo si gaar ah oo usoo hoyotay bulshada soomaalida ah ee kunool Norway.

Trump: Waa la i xiri doonaa ee isku soo baxa oo i difaaca.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu filayo “in la xiro” Talaadada, sababo la xiriira lacag la tuhunsan yahay inuu siiyey gabar jirkeeda ka ganacsata kahor doorashadii 2016.

Trump ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay dibad-baxaan si ay u difaacaan.

Isaga oo soo xiganaya “xog” uu ka helay xafiiska xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan ee New York, ayuu Trump wuxuu maanta kusoo qoray barta Truth, “Musharaxa hoggaaminaya Jamhuuriga iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka waxaa la xiri doonaa Talaadada toddobaadka dambe. Dibad-baxa oo dalkiina dib usoo ceshada.”

Baaritaanka lagu hayo Trump ayaa waxaa xuddun u ah lacag $130,000 ah oo toddobaadyo kahor doorashadii 2016 uu siiyey Stormy Daniels, oo magaceeda dhabta uu yahay Stephanie Clifford, si aysan u shaacin xiriir ay sanado kahor la laheyd Trump.

Dacwad-oogayaasha ayaa ka tashanaya inay Trump kusoo oogaan dacwado ku saabsan kiiskaas, waxaana la hadal hayaa inay u badan tahay inay dacwad kusoo oogaan.

Haddii xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan uu dacwad kusoo oogo Trump, 76 jirkan ayaa noqon doona madaxweyne hore kii ugu horreeyey ee dambi lagu soo oogo.

Tani waxay sidoo kale meesha ka saari kartaa damaciisa ah inuu u tartamo magacaabista xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024.

Qareenka Trump ayaa habeenkii Jimcaha wuxuu taleefishinka CNBC u sheegay in madaxweynihii hore uu is-dhiibi doono si uu u wajaho dacwadaha dambi, haddii ay kusoo oogaan xeer beegtida Manhattan.

Trump waa uu beeniyey inuu xiriir la lahaa Daniels, wuxuuna baaritaanka ugu yeeray mid dano siyaasadeed laga leeyahay.

Qoraalka uu maanta soo dhigay barta Truth, Trump wuxuu ku macneeyey “dusin ka timid xafiiska sharci-darrada iyo musuqa ah ee xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan.”

Daniels ayaa Arbacadii la kulantay dacwad-oogayaasha, waxayna “ogolaatay inay marqaati-fur sameyso haddii loo baahdo baaritaan dheeri ah,” sida uu sheegay qareenkeeda Charles Brewster.

Bishan horraanteeda, Trump ayaa waxaa fursad loo siiyey inuu kahor marqaati furo kooxda xeer-liaaliye Alvin Bragg, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu diido, si uu uga fogaado inuu dambi is geliyo.

Khubarada ayaa sheegaya in casuumadda marqaati-fur ay astaan u tahay in Trump dacwad lagu soo oogi doono.

Talaadadii, qareenkii hore ee Trump balse markii dambe cadowgiisa noqday Michael Cohen ayaa ka-hor marqaati furay xeer-beegtida New York. Lacagta la siiyey Daniels ayaa waxaa bixiyey Cohen, oo sheegay in markii dambe dib loogu soo celiyey.

Lacagta ayaan haddii si sharci ah loogu darin xisaabaadka, waxaa ka dhalan kara dambi la xiriira ka been-sheegidda diiwaan-ka ganacsiga.

Waxaa sidoo kale ka dhalan kara dambi, haddii xisaab ka been-sheegidda looga dan lahaa in lagu qariyo dambi labaad oo ah ku xadgudub ka dhan ah xeerka maal-gelinta ololaha doorashada.

Trump ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo isugu jira heer gobol iyo heer federaal, kuwaasi oo isugu jira khaladaad uu sameeyey intii uu madaxweynaha ahaa iyo inta aanu noqon ka horba.

Xigasho/kilde: C.O

Maryan oo beri noqon karto mid kamid ah siyaasiyiinta ugu awooda badan Norway.

Xisbiga SV ayaa berito oo sabti ah yeelan doono shirweynaha guud ee xisbiga, halkaas oo lagu dooran doono gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenadda xisbiga SV. Maryan Cabsi Xuseen oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway ayaa kamid ah dadka ugu cad-cad inay ku guuleystaan kursiga awooda badan ee gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV.

Kirsti Bergstø ayaa sida hadaba cad noqon doonto gudoomiyaha xisbiga gudoomiyaha badali doono Audun Lysbakken oo xilka gudoomiye baneynayo. Booska gudoomiye ku xigeenka koowaad waxaa iyadana sidoo kale loo doortay Torgeir Knag Fylkesnes oo waa lagu kala baxay, Balse wuxuu wali tartan adag ka jiraa kursiga gudoomiye ku xigeenka oo ay tartan ugu jiraan Xildhibaan Maryan Xuseen iyo Lars Haltbrekken oo isagana ka tirsan baarlamaanka.

Gudiga doorashada oo todobo qof ka kooban ayaa ku kala qeybsan qofka noqon doono gudoomiye ku xigeenka xisbiga labaad ee xisbiga, waxaana afar(4) ay doorteen Lars Haltbrekken, halka sadex(3) kamid ah ay doorteen Maryan Cabdi Xuseen.

Inkasta oo Lars uu da´ahaan iyo khibrad-siyaasadeed ahaanba ka weynyahay Maryan, hadana dad badan oo xisbiga katirsan ayaa aad u rabo in Maryan ay ku guuleysato booskaas. Xildhibaan Maryan ayaa ah qofkii ugu horeeyay ee dal Afrikan ah kasoo jeedo ee kamid noqdo baarlamaanka Norway.

Maryan oo wareysi siisay warbaahinta ayaa sheegtay inay niyad-wanaag ku qabto inay ku guuleysan karto booska gudoomiye ku xigeenka oo aad muhiim ugu ah xisbiga, saameyn siyaasadeed oo fiicana ku leh xisbiga oo xiligan taageero u ah xukuumadda talada heysa.

Dadkii ugu horeeyay ee isbuucan helay warqadda canshuur-celinta.

Waaxda canshuuraha ayaa isbuucan dadkii ugu horeeyay usoo diray warqadda canshuur celinta. Warshaqadda canshuur celinta oo sida caadiga ah lasoo diro bartammaha bisha Maarso ilaa bilowga bisha April ayaa ah mid loogu talagalay in qofka lagu siiyo fursad uu ku hubiyp inuu bixiyay cashuur sax ah sannadkii hore. Dad badan ayaa lacag dib loogu celiyaa, halka kuwa kalena ay tahay inay bixiyaan cashuur ku baaqi ahayd.

Dadka qaar ayaa waxa laga yaabaa inay kasoo dib dhacdo waraaqda cashuur celinta, waxaana marka ay warqadu diyaar tahay uu qofka dowladda ka heli doonaa fariin wargalin ah. Warqaddu ma ahan mid buuxda oo dhamaystiran marka qofku helo, waxaana qofka laga rabaa inuu buuxiyo\macluumaadka ka maqan si u udhamaystiranto, qofkana looga qaado canshuur u qalanta mushaarkii/dakhligii soo galay.

Waaxda canshuuraha ayaa ka warqaba xog badan oo ku saabsan dhaqaalaha qofka soo galay, waxayna macluumaadka ka helaan meelo badan oo ay ka mid tahay maamulka halka qofku u shaqo tago, bangiyada iyo iwm. Sidaas oo ay tahay waxa muhiim ah inaad hubiso macluumaadka ay kaa hayaan.

Waaxda canshuuraha “ skatteetaten” waxay soo dirtaa foomka canshuur celinta laga bilaabo 16ka Maarso ilaa 4ta Abriil.
“Qaar badan oo cashuur bixiyaasha ka mida ayaa raba in ay si degdeg ah dowladu ugu celiso lacagta ay dowladda ku leeyihiin. Si ay taas ay u suurto gasho waxa muhiim ah in canshuur bixiyuhu gudbiyo foomka canshuur celinta. Haddii qofku foomka celin waayo, Ma heli doono lacagtiisa bisha juun ka hor” ayuu tiri agaasimaha waaxda canshuuraha Norway.

Lacag cashuur ah hadii lagugu yeesho waxaad lagu so diri doona waraqadda bixinteeda “ faktura” bisha August. Qof walba waxa masuuliyad ka saarantahay inuu hubiyo in macluumaadka ku xusan foomka sax yihiin iyo buuxinta waxa maqan. Gaar ahaan hadii sanadkii lasoo dhaafay ay noloshaada ku imaadeen isbadalo waaweyn oo dahkhligaaga saameyn ku lahaa.

“Isbeddellada noloshaada waxay saameenayaan canshuurtaada” ayay tiri Funnemark oo katirsan skatte-etaten.

Xilliga kama dambaysta ah ee soo gudbinta canshuur celinta waa 30 Abriil. Tani waxay khusaysaa dadka qaata mushaharka iyo kuwa hawlgabka ah. Ganacsatadu waxay leeyihiin waqtigooda kama dambaysta ah waa Waa 31-ka May Sannadkan, foomka ayaa elektaroonig ahaan lagu diri doona, dadka qaar baa sidoo kale weli ku heli doona warqad ahaan.

Xigasho/kilde: Nå kommer skattemeldingen.

Mid kamid walaalihii ku eedeysnaa dilka Xamse Xaashi oo Turkiga laga soo qabtay.

Sida ay shir jaraa´id shaley ku xaqiijiyeen booliska Oslo, waxaa dalka Turkiga laga soo qabtay mid kamid ah labadii nin ee walaalaha ahaa ee ku eedeysnaa dilka Allah ha u naxariistee Xamse Xaashi Aadan oo ahaa wiil dhalinyaro soomaali ah oo bishii Oktober ee sanadkii 2021 lagu dilay xaafada Mortensrud ee Oslo.

Xamse oo ahaa wiil aad looga yaqaanay xaafadda uu ku noolaa ee Mortensrud iyo aageeda, saameyna ku lahaa dadka deegaan ayaa waxaa Todobadda(7) bishii November ee sanadkii 2021 xili fiidnimo ah lagu dilay meel barxad ah, isaga oo markaas la joogay dhalinyaro kale. Wuxuuna dilkiisu argagax weyn ku abuuray dadka deegaanka, oo boqolaal isugu soo baxay duugiitiisii.

Booliska ayaa maalmo kadib marka uu dilka dhacay, waxa ay falka dilka ah ee Xamse ku eedeeyeen inay ka danbeeyaan labo(2) nin oo walaalo ah oo u dhalatay dalka Kosovo, balse heysta dhalashada Norway. Labaddan nin ayaana labo maalin kadib markii uu dilka dhacay ka baxsaday Norway, waxeyna u safreen dalka Kosovo. Halka kasii akhri. Booliska ayaana ilaa xiligaas ku guuleysan soo qabashada raggan oo maxkamadda Oslo ay amartay in lasoo qabto, si loogu maxkamadeeyo dilka Xamse.

Midkii weynaa ayaa lasoo qabtay:

Booliska ayaa shir jaraa´id oo ay qabteen Talaadadii isbuucan xaqiijiyay in ugu danbey ay gacanta kusoo dhigeen mid kamid ah walaalahii ku eedeysnaa dilka Xamse, kaas oo laga soo qabtay dalka Turkiga. Waxaana loo soo wareejiyay dalka Norway, iyada oo maalintii Talaadadda ay Oslo kasoo degtay diyaaradda waday eedeysanaha.

Ninka ay boolisku soo qabteen ayay sheegeen inuu yahay midka da´ahaan weynaa walaalaha ku eedeysnaa dilka Xamse. Waxaana laga qabtay dalka Turkiga, halkaas oo uu ku joogay qaab sharci daro ah. Booliska Norway ayaana ninkan horey warbixintiisa ugu gudbiyay hey addaha booliska kale ee caalamka.

Booliska ayaa wali ku raad-jooga ninka kale ee ku eedeysan falka dilka ah ee xamse loo geystay.

Xigasho/kilde: Politiet bekrefter pågripelse av siktet etter drap på Mortensrud i 2021

Sweden-tii loo adeeg doonan jiray, oo markan Norway usoo adeeg doonato.

Intii ay xusuustaado gaartaba, waxaa maqli jirtay dad badan oo Norway ka baxa, iyaga oo u adeeg doonto dukaanadda Swedishka ah ee kuyaal xuduuda Norway iyo Sweden, halkaas oo ay kasoo iibsan jireen cuntooyin iyo cabitaano sicir ahaan ka raqiisan kuwa Norway.

Balse wixii ka danbeeyay bishii February ee sanadkan, waxaa aad sare ugu kacay sicirka cuntada Sweden. Arrintan ayaa sida ay soo warinayan dukaamadda Norwiijiga ah ee kuyaal xuduuda Sweden, waxa ay sababtay in dad badan oo Sweden kunool ay Norway usoo adeeg doontaan.

Anders Fjellstad oo dukaan cuntada lagu iibiyo ku leh xuduudka Sweden iyo Norway ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in dukaankiisa uu ku dhex arko dad xuduudka Sweden kasoo talaabay oo adeeg doon ah.

Svenskene strømmer til Norge

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.