torsdag, mars 13, 2025
Home Blog Page 23

Norway oo lagu helay inay jabisay xuquuqda bini-aadanimo ee ilmo qoxooti ah.

Gudiga qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka ayaa dowlada Norway ku heshay eedeyn aheyd inay jabisay xeerka xuquuqda aadanaha, markii ilmo qar oo qoxooti ah lagu xareeyay xerada-xabsiyeedka Trandum ee la galiyo qoxootiga wadanka laga saarayo. Arrintan ayaa sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda cadaaladda Norway dhacday sanadkii 2014.

Gudiga ayaa go aankiisa ku sheegay in NORWAY ay jabisay qodobka 24.aad ee xeerka xuquuqul insaanka aadanaha, waxeyna dowlada Norway ku xukumeen inay magdhow dhameystiran siiso wiilka falkaas la kulmay.

Dowlada Norway ayaa horey magdhow gaarayo 70.000 u siisay qoyska wiilkaas qoxootiga ahaa, balse gudiga Qaramadda Midoobay ee xuquuqul insaanka ayaa hada Norway ku amray inay bixiso magdhow dhameystiran.

Wasaaradda cadaaladda Norway ayaa sheegtay inay aqriyeen go aanka gudiga, balse aysan dowlada Norway waajib ku aheyn inay raacaan amarka kasoo baxay qaramadda midoobay ee ku saabsan kiiskan. Waxeyna sheegeen in Norway aysan ku qasbaneyn in magdhow buuxo la siiyo wiilkaas, uusana gudigaas xaq u laheyn inay amar ka bixiyaan kiis-magdhow oo kaligiis u taagan.

Xigasho/kilde: Norge uenig med FNs menneskerettskomité.

Askari tirtiray muuqaal mobil lagu duubay oo 12.000 kr lagu ganaaxay.

Askari boolis ah oo katirsan booliska Norway ayaa lagu ganaaxay 12.000 kr, kadib markii lagu helay eedeyn ah inuu tirtiray muuqaal laga duubay askari kale oo booliska ka tirsan, xili uu tacadi jirdil ah u geysanayay qof shacab ah.

Muuqaalka la tirtiray ayaa ku jiray mobilka gacanta ee qofka lagu tacadiyay ee boolisku markii danbe ay xireen. Waxaana askartii falkan sameysay kusoo baxday fadeexad weyn oo abuurtay dood badan, kadib markii muuqaalo kale oo laga duubay goobta uu falkaas ka dhacay ay muujiyeen in askartu ay qof shacab ah u geysteen xad-gudub jireed oo aad u daran.

Askarigan ayaa aqbalay eedeynta lagu helay iyo ganaaxa 12.000 ee kr ah. Wuxuuse ku andacooday inuu muuqaalka u tirtiray, si uu uga hortago in lagu faafiyo baraha bulshada. Isaga oo raaciyay in ujeedkiisu aysan aheyn inuu tirtiro ama qariyo cadeyn muhiim ah oo booliska ka dhan.

Xigasho/kilde: Politimann godtar bot for videosletting i politivoldssaken.

Dowlada Sweden: Waxaan rabnaa inaan qoxootiga «nacsiino» imaanshaha Sweden.

Dowlada Sweden ayaa sheegtay inay sameyn doonto warbixino kala duwan oo laga sii deyn doono warbaahinta dalalka caalamka iyo baraha bulshada, kuwaas oo qoxootiga iyo magangaldoonka kusoo socdo Yurub looga digayo imaanshaha dalka Sweden.

Maria Malmer Stenergard oo ah wasiiradda soo galootiga dalka Sweden ayaa sheegtay in dad badan oo qoxooti ah lagu soo qaldo imaanshaha Sweden, iyaga oo warbixino aan sax aheyn oo xaqiiqadda ka fog la siiyo. Loogana dhigo in wax walba ay si fudud ku heli karaan, marba hadii ay cagaha soo galiyaan Sweden. Waxeyna sheegtay in dowladeedu ay sameyn doonto waxyaabo kala duwan oo qoxootiga lagu nacsiinayo imaanshaha iyo kusoo gadsoomida dalka Sweden.

Wasiiradda oo maqaalo kala duwan ku qortay warbaahinta dalal kala duwan ayaa sheegtay in isbadal uu ka imaaday siyaasadii qoxootiga iyo ajaaniibta ee dalka Sweden, ayna Sweden dhawaan shuruudo kala duwan kusoo rogi doonto qoxootiga dalkaas kunool, ayna kamid tahay inay si dhaqso ah u bartaan luuqadda Swedishka. sidaas darteed ay qorsheynayaan in fariintaas la gaarsiiyo meelo kala duwan, si ay u yaraato tirada dadka qoxootiga ah ee Sweden iska soo dhiibayo. I

Tan iyo markii ku dhawaad sanad kahor ay xukuumadda cusub ee xisbiyada midigta la wareegeen awooda dalka Sweden, waxaa isbadal weyn uu ku yimid siyaasadii qoxootiga dalka Sweden. Iyada oo dowlada Sweden ay dhawaan meelmarisay xeerar badan oo u muuqdo kuwo laga soo minguuriyay dalalka Norway iyo Denmark ee dariska la ah Sweden.

Xigasho/kilde: Ny kampanje skal gjøre Sverige mindre attraktivt for asylsøkere og andre migranter.

Reysulwasaarihii Finland oo ninkii iyo xilkiiba bilo kooban ku weyday.

Ra’iisul Wasaaraha xilka ka dageysa ee Finland Sanna Marin iyo seygeeda saddexda sano Markus Raikkonen ayaa saxiixay warqadaha furriinka, sida ay Arbacadii ku sheegeen Instagram.

«Waxaan ka mahad-celineynaa 19-kii sano ee aan wada joognay iyo gabadheena aan jecelnahay. Waxaan ahaan doonnaa saaxiibada ugu wanaagsan,» ayay ku yiraahdeen laba qoraal oo kala gooni ah oo ay soo dhigeen Instagram.

Marin iyo Raikkonen, oo ka shaqeynayey shirkad maalgashi illaa dhowaan, ayaa wadaaga gabar 5 sano jir ah. Waxay ay isguursadeen 2020, xilligaas oo Marin ay aheyd ra’iisul wasaare lana tacaaleysay saameynta cudurkii COVID-19.

“Waxaan soo wada qaadanay caruurnimadeena, waan wada kornay illaa aan waalid uga noqono gabadheena qaaliga ah,” ayey Marin ku qortay Instagram kadib markii ay is mehersadeen Raikkonen bishii August ee 2020.

Marin iyo xisbigeeda Social Democratic Party (SDP) ayaa looga adkaaday doorashadoo baarlamanka ee Finland ka dhacday bishii tagtay, ayada oo ay ka hormareen isbaheysiga midigta fog ee National Coalition Party iyo xisbiga waddaniga ee Finns Party.

Marin, oo ah 37 jir noqotay ra’iisul wasaaraha ugu da’da yar markii ay xafiiska la wareegtay 2019-kii, ayaa taageerayaasheeda caalamka waxay u arkaan inay tusaale u tahay hoggaamiyeyaasha da’da yar ee siyaasadda bidix, inkasta oo shacabka dalkeeda ay doorbideen dowlad cusub.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

Dowlada oo 300 qof oo Ciraaqi ah u fududeysay qaadashada jinsiyada Norway.

Dowlada Norway ayaa soo gaba-gabeysay barnaamij mudo socday oo aqoonsigooda shaqsiyeed lagu xaqiijiyo ku dhawaad 300 qof oo u dhashay dalka Ciraaq, kuwaas oo hada loo fududeeyay inay codsan karaan jinsiyada Norway. Kooxdan oo lagu heystay arrimo la xiriira inaysan cadeyn aqoonsigooda, ayaa dalkan ku noolaa wax badan 20 sano iyo dheeraad.

Baarlamaanka Norway ayaa sanadkii 2016 ansixiyay barnaamij lagu xaqiijiyo aqoonsiga kooxdan, waxaana la bilaabay shaqooyin kala duwan oo lagu xaqiijiyo inay isleeyihiin macluumaadka la xiriira aqoonsigooda shaqsiyeed. Waxaana hawshaas loo xilsaaray dowlada oo baarlamaanku uu shaqada u meelmariyay fulinteeda.

Guruubkan reer ciraaq a ayaa u badan dad kasoo jeedo gobolka iskiis isku maamula ee Kurdistaan. Waxaa shaqooyin lagu xaqiijinayay qeyb ka qaatay maamulka gobolka kurdida oo ay xiriir la sameeyeen hey adda dowlada Norway.

Afhayeen u hadlay guruubkan ayaa sheegay in mudo badan uu sugayay inuu qaato jinsiyada Norway, si uu u awoodo inuu u safro ama uga baxo dalka dibadiisa oo uu qoyskiisa fasax geeyo. Isaga oo sheegay in maadaama hada la xaqiijiyay aqoonsigiisa, ay u fududaan doonto inuu codsado baasaboorka Norway.

Waxaa xusid mudan in ururka magangalyo-doonka ee NOAS uu qeyb lixaad ah ka qaatay fududeynta iyo fulinta howshan. Waxeyna madaxda NOAS ku tilmaamay arrin aad loogu guuleystay.

Soomaalida ayaa kamid ah qawmiyadaha ugu badan ee Norway lagu qabsado aqoonsigooda shaqsiyeed, waxeyna hadii talaabaddan oo kale la sameeyo fursad siin kartaa boqolaal soomaali ah oo shaki la galiyay ama su aal ay ka taagantahay aqoonsigooda shaqsiyeed. Waase hadii la helo abaabul wanaagsan iyo talaabo-qaad sax ah oo lagu wajahayo caqabaddan, lala-na kaashado ururadda ka shaqeeya arrimaha qoxootiga.

Xigasgo/kilde: Identitetsavklaringsprogrammet for irakiske statsborgere nærmer seg slutten

Nin soomaali ah oo lagu dilay caasimadda Denmark.

Sida ay xaqiijiyeen booliska magaaladda caasimadda ah ee denmark, waxaa habeen hore magaaladda Copenhagen lagu dilay nin soomaali ah oo dilkiisa loo adeegsaday mindi.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Rabiile Shire Xuseen, waxeyna Saraakiisha Booliska sheeeen in ay laba qof u soo xireen kiiskan dilka ah.

Liibaan Shire Xuseen oo la dhashay marxuumka ayaa laanta afka soomaaliga ee idaacadda VOA u sheegay in walaalkii uu deganaa Magaalada Odense, markii la dilayayna uu Caasimadda Copenhagen ku booqanayay qeybo kamid ah xubnaha qoyskiisa oo magaaladaas degan.

“Rabiile da’diisu waxay ahayd 48 sano, wuxuu deganaa magaalo la yiraahdo Odense, wuxuuna ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Copenhagen.” Ayuu yiri Liibaan Shire oo VOA la hadlay.

Liibaan Shire ayaa sheegay inaanay garanayn sababta ka dambeysa dilka walaalkii, balse ay boolisku xaqiijiyeen in ay laba nin u soo xireen falkaasi.

“Illaa hadda annaga ma ogin sababta loo dilay, laakiin booliska siday xaqiijiyeen, waxay sheegeen in ay laba nin kiiskaasi u soo xireen, maadaama ninkani mindi la geliyay, annagana sida aan naqaano dadkan caddaanka mindi ma isticmaalaan, oo Soomaalidaa isticmaasho, sida aniga aan ku tuhmayo in ay Soomaali yihiin.” Ayuu yiri Liibaan Shire.

Liibaan Shire ayaa intaa ku daray “Marxuumka hadda meydkiisu wuxuu yaallaa Isbitaalka Kaiser, waa Isbitaalka Weyn ee Copenhagen, berri wixii ka dambeeyo ayaana la fasixi doonnaa, oo annagana aan arki doonnaa, hadduu Ilaahay yiraahdo.”

Ma cadda cidda dhabta ah ee ka dambeyso dilkaasi, waxaase la fahamsan yahay in dilalka Soomaalida dhexdooda ah ay intii muddo ahba ku soo badanayeen dalalka woqooyiga Yurub.

(Wargalin): Kasoo qeybgal kulanka soo dhaweynta iyo dhiirigalinta ciyaaryahanka xulka qaranka Soomaaliya.

Dhamaan soomaalida kunool Norway, gaar ahaan Oslo iyo nawaaxigeeda, waxaa lagu wargalinayaa inay kasoo qeybgalaan kulanka taageero iyo soo dhaweyn loogu sameyn doono xulka 17-jirada ah ee xulka qaranka Soomaaliya. Gaar ahaan ciyaaryahan Yasin Abdirahman Abdelqadir oo reer Norway ah, kana mid ah ciyaaryahanadii sida fiican uga dhex-muuqday kulamadii ay ciyaareen xulka Soomaaliya.

Kulanka oo ujeedadii yahay in taageero, soo dhaweyn iyo dhiirigalin loogu sameeyo Yaasiin iyo ciyaaryahanadda kale ee xulka dhalinyaradda qaranka Soomaaliya, ayaa waxaa dhamaan bahda ciyaaraha iyo dhalinyaradda lagu casuumayaa inay kasoo qeybgalaan.

Kulanka ayaa dhici doono maalinta jimcahha ah ee isbuucan( 12-05-2023), wuxuuna ka dhici doonaa hoolka shirarka madxafka Grønland ee Interkulturelt Museum ( kasoo horjeedka suuq-yaraha Bazar). Macluumaadka kale ee kulanka ka fiiri sawirka hoose:

Reysulwasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan oo xabsiga la dhigay.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xiray Talaadada maanta ah, sida ay booliisku sheegeen, wax yar kadib markii uu kasoo muuqaday maxkamadda, halkaas oo ay ka billaabaneysay dhageysiga mid ka mid ah kiisas dhowr ah oo lagu soo eedeeyay.

Muuqaal laga soo duubay gudaha maxkamadda sare ee Pakistan ayaa muujinayay tobannaan ka tirsan ciidamada ammaanka oo sitay qalabka rabshadaha looga hortago oo Khan ku riday gaari.

Xisbiga Khan ayaa ku baaqay dibad-baxyo looga soo horjeedo xariggiisa. «Dadka Pakistan, waa markii aad badbaadin lahaydeen dalkiinna, ma heli doontaan fursad kale,» ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay twitterka xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI).

Qareen xisbiga PTI Ali Bukhari ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in jirdil lagu sameeyay Khan.

Xariga Khan ayaa kusoo beegmaya xilli dadka caadiga ah ee Pakistan ay la daalaa dhacayaan xaalad dhaqaale xumo tii ugu xumayd ee soo marta tobannaan sano, iyadoo sicir-barar heerkiisu sarreeyo.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan Rana Sanaullah ayaa u sheegay warfidiyeenka in Khan ay xireen Xafiiska la xisaabtanka Qaranka (NAB) kadib markii ka baaqaday inuu horyimaado xaafiiska «inkastoo ay jireen ogeysiisyo loo diray».

339 qof oo Ukraine u dhashay ayaa codsaday inay dalkoodii ku noqdaan.

Sanad iyo barkii ugu danbeeyay, 339 qof oo u dhashay dalka Ukraine, qoxootinimadda kusoo galay Norway, ayaa codsaday in dhaqaale ahaan laga caawiyo sidii dalkoodii ay ugu noqon lahaayeen.

Norway ayaa dhamaan qoxootiga ka imaaday dalka Ukraine siisay magangalyo wadareed, taas oo ka dhigan in qof kasta oo Ukraine ka yimid uu si toos ah u heli karo magangalyo qoxootinimo isaga oo aan sheegin sabab gaar ah oo shaqsiyeed oo uu magangalyo ugu baahanyahay. Taas oo jirto ayay dad badan oo Ukraine kasoo jeedo doorbidayaan inay dalkoodii ku noqdaan, sida ay idaacadda P4 u sheegtay Nataliya Yeremeyeva oo katirsan ururka jaaliyadda Ukraine ee Norway.

Sabab ugu weyn ee dadkan ay u doorteen inay ku noqdaan dalkoodii hooyo ayaa ah arrimo la xiriiro qoys iyo wel-wel ay ka qabaan ka maqnaanshaha dheer ee dhulkoodii.

Dad badan ayaa dareemay in xaaladda Ukraine aysan isbadali doonin dhawaanahan, sidaas darteed ayay qaarkood go aansadeen inay ku noqdaan dalkoodii hooyo, si ay ula joogaan xubnaha kale ee qoysaskooda oo hada ay kasoo maqanyihiin. Waxaa sidaas sheegtay Natalie oo katirsan ururka jaaliyadda reer Ukraine ee Norway.

Xigasho/kilde: Hundrevis av ukrainere vil returnere.

Haweenay ku eedeysan isku dey dil, kadib markii uu ilmo-yar daaqad guri ka dhacay.

Booliska magaaladda Nessoden ee dalkan Norway ayaa xabsiga dhigey haweeney, kadib markii ilmo yar uu ka dhacay daaqad guri. Haweeneydan oo sida ay boolisku sheegeen qaraabo la aheyd ilmaha daaqada ka dhacay, ayaa ku eedeysan isku dey dil.

Xaaladda caafimaad ee ilmaha daaqada ka dhacay ayay boolisku ku sheegeen mid halis ah, inkasta oo aysan raacin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan dhacdadan.

Haweeneydan eedeysanaha ay oo da´deedu ay boolisku ku sheegeen kontomeeyo jir, ayaa laftirkeeda isbitaalka la dhigay. Walina kama aysan warbixin qaabkii ay wax u dhaceen, iyo inay boolisku ku raacsantahay eeda loo soo jeediyay ee ah isku deyga dilka cunuga daaqada ka dhacay.

Xigasho/kilde: Barn alvorlig skadd i fall på Nesodden – siktet kvinne innlagt på sykehus.

Fawzi: Waxaa la gaarey waqtii la joojin lahaa kala noqoshada passport-ka dadka qaata dhalashada Norway!

Waxaa isbuucan socdo shirweynaha guud ee xisbiga shaqaalaha( Ap), kaas ah sida caadiga ah ay xisbiyadu ku go aamiyaan ajendaha siyaasadeed ee xisbiga, kuna go aamiyaan kiisaska iyo qadiyaha xisbiga dhexdiisa lagu kala aragti duwanyahay.

Fawzi Abdirashid Warsame oo katirsan golaha deegaanka magaaladda Oslo ee xisbiga shaqaalaha, ayaa wargeyska Aftenposten kusoo qoray maqaal uu uga hadlay arrin dad badan oo soomaali iyo ajaaniib kaleba ah wel-wel ku heyso oo ah jinsiyasad iyo baasaboor kala noqoshada oo ah arrin in mudo ah soo socotay, saameyn badana reebtay.

Fawzi oo sidoo kale katirsan golaha dhexe ee garabka dhalinyarada ee xisbiga Ap ee AUF, ayaa cadeeyay in AUF ay shirweynaha keeni doonaan kiis ku saabsan in xisbigu uu u codeeyo in waqti xadidan loo sameeyo xiliga qofka laga celin karo jinsiyada Norway, si lamid ah danbiyada ama qaldaad kale ee qofku uu gali karo. Isaga oo cadeeyay in arrintan ay wel-wel badan iyo negaansho la aan ku abuurtay dad badan oo aan ku xasiloonaan karin Norway, iyaga oo qaba dareen ah in qalad farsamo ama macluumaad isdaba-maray sanado badan kahor ay saameyn ku yeelan karto nolosha jiilal dhan oo aan qaladkaas hore waxbo ka ogeyn..

Hoos ka akhri maqaalka oo AFTENPOSTEN LAGU DAABACAY:

Maanta waxaa furmaya Shirwaynihii Xisbiga Shaqaalaha (AP), waxaanna rajaynaynaaaa in Shirwaynuhu aqbali doono tala soo jeedintayada haddaan nahay garabka dhallinyada ee Xibiga Shaqaalah (AUF) taas oo la xiriirta la noqoshada dhalashada ee Soo-galootiga. Waa maxay sababtu? Waayo dad badan oo qaatay dhalashada dalkan ayaa maanta ku nool xaalad hubanti la’aan ah iyo cabsi joogto ah taas oo ka dhalatay qatar ku aaddan ay helaan caddalad buuxda kuna noolaadaan xorriyad buuxda.


Waa in aan wax ka beddelnaa nidaamkii hore. Tusaale ahaan, waa qalad wayn in dhalashada lagala laabto qof ku dhashay Norway oo aan weligiis dhalasho kale qaadan, isla markaasna qofkaas laga fogeeyo asxaabtiisa, ehelkiisa iyo meeshii uu ku barbaaray.


Xibiga Shaqaaluhu wuxuu la il-daran yahay kalsoonida ay ku qabaan dadka aan asalkoodu Norwgianka ahayn, siiba kuwa ku nool magaalooyinka waawawayn waana sababta inta badan Soomaalida-Norway ay dhabarka ugu jeediyeen Xisbiga Shaqaalaha. Waa dadkii aan taagerada badan ku lahaan jirnay. Waxaan taagero ka haysanay markii hore illaa 70% codbixiyayaasha Soomaalida-Norway, maantana taageeradaas waxay maraysaa 29% keliya. Waa muhiim in aan dhagaysanno tabashadooda iyo duruufaha haysta
.

Xigasho/kilde: Det er på tide med en foreldelsesfrist for asylsaker

Yaasiin A.A: Mid kamid ah ciyaartoyda ugu ciyaar fiican xulka qaranka oo reer Oslo ah.

Dalka Algeria waxaa ka socdo tartanka kubadda cagta qaaradda Afrika ee dhalinyarada ay da´doodu ka hooseyso 17-ka sano. Waxaana sanadkan kasoo qeybgalay xulka qaranka dhalinyarada Soomaaliya oo ciyaartoodii koowaad soo bandhigay ciyaar ay dad badan la dhaceen, aana horey looga baran kubadda cagta Soomaaliya.

Inkasta oo xulka Soomaaliya ay ciyaartoodii koowaad la kulmeen guul-daro 2-0 ah, hadana dad badan ayaa ku amaanay ciyaar wanaag iyo kubad tayo sareyso, marka laga reebo qaladaad iyo kala daadsanaan dhanka daafaca ah oo sababay in labo gool si sahlan looga dhaliyo. Saas oo ay tahay ciyaartoyda soomaalida ah ayaa garoonka ku awood badnaa marka la fiiriyo kubad heysashada, baas-ka saxda ah iyo weerar celis ahaanba.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa caawa wajahayo xulka Congo, taas oo ay hadii ay ka badiyaan ay fursad fiican u heystaan inay u gudbaan wareega kale ee kooba

Xidig reer Oslo ah: Yasiin Abdirahman Abdelqadir

Mid kamid ah ciyaartoyda ciyaarta wanaagsan ee tayada leh kusoo bandhigay kulankii koowaad ee ciyaarta, ayaa ah Yasin Abdirahman Abdelqadir ah oo xiran numberka 17. Yaasiin oo reer Oslo ah ayaa khadka dhexe ee baalka garabka midig(Baal midig) uga ciyaarayo xulka qaranka 17-jirada Soomaaliya. Wuxuuna kamid ahaa ciyaartoydii soomaalida ahaa ee khalkhalka galiyay daafaca xulka Algeria ciyaartii koowaad ee ay ku wajaheen xulka Soomaaliya, isaga oo nasasho u diiday daaficii kasoo horjeeday ee ilaalinayay.

Yaasiin oo 16 sano jir ah ayaa xiligan u ciyaara kooxda dhalinyarada ee ee kooxda LYN ee horyaalka heerka labaad ee Norway, wuxuuna Yaasiin u muuqdaa laacib xirfad wanaagsan leh, kaas oo mustaqbal ku dhex leh ciyaaraha kubadda cagta Norway/Yurub iyo xulka qaranka Soomaaliya.

Ciyaarta xulka 17-jirada qaranka Soomaaliya iyo dhigooda Congo ayaa caawa soo gali doonto 21:00(9 pm) xiliga Norway.

Ganacsade soomaali ah oo ku guuleystay ganacsadaha sanadka ee USA

Cabdiraxmaan Ciise Kaahin oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa ku guuleysto abaal-marinta ganacsadaha sannadka ee Maryakanka, abaalmarintaas oo ay bixiso waaxda ganacsiga yar-yar ee dowladda Mareykanka.

Kaahin ayaa dabayaaqada bishii hore ku guuleystay ganacsadaha sanadka ee gobolka Minneasota. Wuxuu dhowr makhaayadood ku leh gobolka Minnesota.

Sharaf iyo karaamo ayay ii tahay in aan aqbalo abaal-marinta shakhsiga ganacsiga yar-yar ee qaranka ee sanadka. Runtii tani waa sharaf weyn, waana ka mahadcelinayaa» ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kadib guushan.

Kaahin ayaa iska leh makhaayadaha Afro Deli, kuwaas oo dhammaan cuntooyinka lagu kariya ay yihiin kuwa xalaal ah, oo qaarkood ay ka turjumaan dhaqanka Soomaaliga iyo kan Afrikada kale.

Booliska oo 3 qof oo dhalinyaro ah u qabta dilkii Lørenskog.

Booliska magaaladda Oslo ayaa maanta shaaciyay inay soo qabteen, xabsigana dhigeen sadex(3) qof oo lala xiriirnayo dilkii habeenkii jimcaha aheyd deegaanka Lørenskog loogu geystay wiilka dhalinyarada soomaaliga ah. Soo qabashadan ayaa habeenkii xaley aheyd ee axadda, waxaana sadexda qof laga soo qabtay sadex goobood oo kala duwan oo kuyaalo magaaladda Oslo.

Sadexda qof ee lasoo qabtay ayay boolisku sheegeen inay ahaayeen sadex qof oo aqoon ay u lahaayeen booliska. Waxaana hada lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen ama lug ku lahaayeen falka dilka ah ee loo geystay wiilka dhalinyarada soomaaliga ah.

Booliska ayaa horey falkan ugu soo qabtay qof kale oo lagu eedeeyay inuu lug ku lahaa falkan, balse waxaa lasii daayay maalinimadii shaley, inkasta oo wali aysan boolisku ka noqon eedeyntii hore ee loo jeediyay tuhmanaha lasii daayay.

Wali boolisku warbixin faah-faahsan kama aysan bixin qaabka uu u dhacay dilka, sababta ka danbeysay iyo macluumaadka kale ee la xiriira. Balse waxey sheegeen inay wadaan baaritaano xoogan oo laga xaqiijiniyo arrintan, iyaga oo baaraya muuqaalo, cadeymo iyo warbixino aad u badan oo ay boolisku sheegeen inay heleen.

Dilka loo geystay wiilka dhalinyarada soomaaliga ah, ayaa ku biirayo liiska dilal hore loogu geystay ama ay isugu geysteen dhalinyarada soomaaliyeed ee kunool Norwa, gaar ahaan Oslo.

Xigasho/kilde: Tre nye personer siktet i Lørenskog-drapet.

Sweden: Waxaan rabnaa inaan noqono sida Denmark siyaasadda qoxootiga.

Reysulwasaaraha dalka Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay in dalkiisu uu rabo inuu wax ka badan kaga deydo dowladda Denmark, marka laga hadlayo siyaasadda arrimaha qoxootiga iyo soo galootiga. Hadalkan ayuu reysulwasaaraha Sweden sheegay xili uu socdaal shaqo ku joogay dalka Denmark, uuna arrimahan kala shirayay dhigiisa Denmark, Mette Frederiksen.

Reysulwasaaraha Sweden ayaa isaga oo qodobkan ka hadlayo sheegay: Howlo badan ayaa na sugaya, waxaana denmark xaqiiqdii ka danbeynaa 10 ilaa 15 sano marka aan daacad u hadalno. Waxaan qabaa in arrintaasi tahay lagama maarmaan, waa suurtogal, laakiin waqti ayay qaadan doontaa. Markaas waa inaan u sameynaa si xoog leh oo go aan culusu ii ka danbeeyo.

Ulf Kristersson ayaa booqasho ku tagay xarunta lagu xareeyo qoxootiga diidmadda ka helay codsiga magangalyada, halkaas uu mudo kadib qofkii diidmo kama dambeys ah helo laga tarxiilo dalka.

Xigasho/kilde: Sverige vil bli mer som danskene i innvandringspolitikken.

Booliska oo sii daayay qof ay u qabteen dilkii wiilka soomaaliga ah ee Lørenskog.

Fiidnimadii habeenkii jimcaha aheyd, waxaa magaaladda Lørenskog lagu dilay wiil labaatameeyo jir soomaali ah, kaas oo meydkiisa laga helay meel u dhow iskuulka Løkenåsen ee lørenskog. Booliska ayaan xalay kiiskaas u qabtay nin dhalinyaro ah, kaas oo boolisku ay ku eedeeyeen inuu falkaas ka danbeeyay ama uu lug ku lahaa.

Booliska ayaa maanta xabsiga ka sii daayay qofkii ay shaley u xireen ku lug lahaanshaha falka dilka ah, kadib markii ay dhowr mar la yeesheen wareysiyo kala duwan, sida uu VG u xaqiijiyay qareenka qofka la qabtay ee hadana lasii daayay.

Qareenka qofka eedeysanaha ah oo da´diisa lagu sheegay labaatameeyo jir, ayaa sheegay inuu iska fogeynayo eeda boolisku usoo jeediyeen ee ah inuu ku lug leeyahay ama qeyb ka yahay falkaas. Wuxuuna sheegay in dhawaan uu booliska ka dalban doono warbixinta guud ee galka eeda dacwaddaha, uuna codsan doono in eedaas la laalo.

Booliska ayaa dhankooda sheegay in ilaa hada ay wadaan baaritaanadda la xiriira kiiskan, ayna uruurinayaan xogta iyo macluumaadka xiriirka la leh dhacdooyinkan.

Xigasho/kilde: Sikta etter drap i Lørenskog blir sett fr.

qoxootiga oo lacag la aan ku raaci doono gaadiidka dadweynaha

Dhamaan dadka qoxootiga ah ee Norway kunool, ayaa laga bilaabo labadda(2) bisha may lacag la aan( bilaash) ku raaci karto gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeyo goboladda Oslo iyo Viken.

Horey qoxootiga u dhashay dalka Ukraine ayaa bilaash ku raaci jiray gaadiidka dadweynaha, balse waxaa hada bilaash looga dhigay dadka heysta kaarka qoxootinimadda ee dhamaan dalalka caalamka kasoo jeedo. Waxeyna arrintan socon doontaa mudo hal bil ah oo ka bilaabata labadda bisha Mai.

Arrintan ayaa ka dhigan in qoxootiga kunool( ku sugan) Oslo iyo Viken ay si bilaash ku raaci karaan gaadiidka dadweynaha ee ka kooban Busska, tareenka, T-bane, doonta iyo trikk). Fursadan ayaa khuseysa gaadiidka ay leeyihiin shirkadaha Ruter, Brakar iyo Østfold Kollektivtrafikk.

Sida lagu sheegay warbixinta warkan lagu soo saaray, qoxootiga aan waraaqaha sharciga ah ku joogin Norway, ayaan fursaddan ka faa´iideysan karin. Waxaana qofkii raacayo gaadiidka dadweynaha ee guruubkan kamid ah laga rabaa inuu tusiyo waraaqda qoxootinimadda ee sharciga ah.

Wiil soomaali ah oo lagu dilay Lørenskog.

Sida ay xaqiijiyeen boolisku, waxaa xalay fiidkii meydkiisa goob baabuurta la dhigto(parkering) oo kutaal deegaanka Lørenskog laga helay meydka wiil dhalinyaro 20-meeyo sano jir ah oo ay boolisku sheegeen in la dilay. Wuxuuna falkan ka dhacay agagaarka iskuulka Løkenåsen skole oo dhaca duleedla bari ee magaaladda Oslo.

Booliska ayaa sheegay inay fikir ka heysteen qaabka uu falkan u dhacay, iyo sababta ka danbeyn karo, balse ma aysan faah-faahin sababta ka danbeysa dilka wiilkan, iyo waliba cida ku lug leg. Sida ay laamaha amnigu sheegeen, ilaa hada laguma guuleysan in cidna loo soo qabto kiiskan dilka ah, waxaana boolisku ay maanta baaritaano ka sameeyaan guri oo kuyaal magaaladda Oslo.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay inay sii wadi doonaa baaritaanadda la xiriira falkan.

Sida ay NorSom News ka xaqiiqsatay ilo xogogaal ah, wiilka la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyaro soomaali ah. Wuxuuna falkan dilka wiilka soomaaliga ah ku biirayaa liiska dilal hore oo magaaladda Oslo iyo agagaarkeeda loogu geystay wiilal dhalinyaro soomaali ah.

Wixii kiiskan kasoo kordha, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Politiet: Mann i 20-årene drept i Lørenskog

Ma xusuusatay ka jawaabista warqada canshuur-celinta: Maalmo ayaa ka dhiman.

Ku dhawaad 5 milyan oo Norway kunool ayaa bilowga bishan April ama bartammaha bishii Maarso helay warqadda hordhaca ah ee canshuur-celinta sanadkii lasoo dhaafay ee 2022. Waxeyna waaxda canshuuruhu qofka fursad u siisaa inuu soo gudbiyo wixii macluumaad ee ka dhiman xogta ay dowladu ka heyso qarashaadka iyo dakhliga qofka, si uu u bixiyo canshuur ku jaan-go an dakhligiisa iyo qarashaadkiisa saxda ah.

Sida laga soo xigtay waaxda canshuuraha 1,4 milyan qof oo reer Norway ah ayaan wali furin waraaqdii usoo dhacday, inkasta oo waqtiga kama dambeysta ah ee waraaqdaas dowlada loo celinayo ay ka dhimantahay maalmo oo qura.

Waaxda canshuuraha ayaa dhamaan dadka ay usoo dhacday waraaqda canshuur-celinta ka codsanayo inay inta uusan waqtigu dhamaan, ay si fiican u hubiaan macluumaadka ku xusan warqadda canshuur-celinta, kadibna ay kasoo jawaabaan kahor labadda(2) bisha Mai.

Qofkii aan awoodin inuu xiligaas kusoo jawaabo, wuxuu codsan karaa in dib loogu dhigo xiliga kasoo jawaabista(frist), wuxuuna qofku heli karaa 30 maalmood oo dib u dhigis ah. Sidaas waxaa sheegay Rolf Lothe oo katirsan hey adda canshuuraha Norwa.y.

Hey adda saadaasha: Baraf beri laga filan karo magaalooyinka qaarkood.

Inkasta oo maalmihii ugu danbeeyay ay inta badan goboladda Norway ka jirtay qorax lagu diirsaday, hadana hey adda saadaasha ayaa sheegeyso in barafkii iyo qabowgii uusan wali dhamaan.

Caawa oo isniin ah ilaa beri oo talaado ah goboladda koonfurta qaarkood, ayaa laga saadaalinayaa inuu ka di´i doono baraf baraf roobab xili dheer di kara. Meelaha aadka looga saadaalinayo, ayaa waxaa kamid deegaanadda ku xeeran Oslo iyo nawaaxigeeda.

hey adda ayaa dadweynaha, gaar ahaan baabuurleyda kula talineyso inay kusii xisaabtamaan barafka di´i kara, ayna isku diyaariyaan inay la macaamilaan xaaladda isbadal ee ku imaan karto cimiladda.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.