fredag, mai 3, 2024

700 qof oo reer Afgaanistaan ah ayaa halis ugu jiro in sharciyada iyo dhalashada Norway laga celiyo.

Sida uu qoray wargeyska Klassekampen, dad gaaraya 700 qof oo kasoo jeedo dalka Afgaanistaan ayaa halis ugu jiro inay lumiyaan sharciyada dal ku jooga, degenaanshaha iyo dhalashada Norway, kadib markii ay hey adda qoxootiga Norway ee UDI-du ay dadkaas ku eedeysay inay ka been-sheegeen macluumaadkooda shaqsiyeed.

410 qof oo dadkan kamid ah ayaa lumin kara sharciyada yar-yar ama degenaanshaha rasmiga ah ee Norway, halka 288 qof ay halis ugu jiraan in dib looga celiyo jinsiyada ama baasaboorka Norway oo horey loo siiyay. Isku dar dadkan ayaa gaaraya 700 qof, waxaana tirada laga soo xigtay hey adda ka shaqeysa arrimaha qoxootiga ee NOAS.

Dadkan ayaa intooda badan lagu heystaa arrimo isku wada eg oo la xiriira inay ka been-sheegeen macluumaadkooda shaqsiyeed, markii ay codsanayeen magangalyada qoxootinimo ee Norway. Waxaa tusaale ahaan kamid ah in qof kasoo jeedo dalalka Pakistan, Iran iyo dalalka kale ee dariska la ah Afgaanistaan uu sheegtay inuu kasoo jeedo dalka Afgaanistaan, sidaasna oo sharciga uga helay Norway. Markii ay xili danbe soo baxaan macluumaad sheegayo in qofkaas uusan kasoo jeedin Afgaanistaan, ayaa waxaa lagu furaa kiis cusub ah oo dib looga celin karo magangalyadii uu ku lahaa Norway.

Arrimaha kale ee dadkan lagu heysto ayaa waxaa kamid ah in qofku uu sheegtay inuu kasoo jeedo qawmiyadaha iyo qabiiladda laga tiro badanyahay ee Afgaanistaan, Tusaale qawmiyada shiicada ah ee laga tiro badanyahay ee Hazara.. laakiin gadaal danbe ay kasoo baxday inuu kasoo jeedo qawmiyad kale oo kamid ah qawmiyadaha waaweyn ee suniyiinta ah ee kunool Afgaanistaan iwm.

Arrinta hada ku bilaabataya dadka kasoo jeedo Afgaanistaan, ayaa mid ay horey ula kulmi jireen soomaalida kunool Norway iyo falastiiniyaanta.

Xigasho/kilde: Mange afghanere kan bli kastet ut av Norge.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x