torsdag, mai 2, 2024

UDI-da oo dalbatay inay xirto kiisaska jinsiyad ka celinta ee 1000 qof iyo dowlada oo ka aamustay.

Hey adda arrimaha qoxootiga iyo soo galootiga ee UDI-da, ayaa bilowga sanadkii 2022 codsatay inay laasho(xirto) ka shaqeynta kiisaska ilaa 600 qof oo ah dadka looga shakisanyahay inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed ee lagu furay kiisaska dib ugala noqoshada baasaboorka Norway. Balse wasaaradda cadaaladda Norway ayaan soo dhaweyn soo jeedinta UDI-da.


Sida ku xusan warbixin uu maanta qoray wargeyska Klassekampen, hey adda UDI-da ayaa xiligan gacanta ku heyso ilaa 2875 kiis oo la xiriira dad lagu soo eedeeyay inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed markii ay magangalyada codsanayeen, laguna furay kiis ku saabsan dib ugala noqoshada jinsiyada ama baasaboorka Norway. 289 kiis oo dadkan kamid ah ayaa waxaa baaritaankoodu bilowday sanadkii 2017, xiligaas oo ay xilka heysay wasiiradii hore ee cadaaladda Norway, Sylvi Listhaug oo katirsaneyd xisbiga Frp.

Ka shaqeynta kiisaska iyo go aan ka gaaristooda ayaa qaata xili aad u dheer oo sanado ah, waxeyna UDI-du ku isticmaashaa waqti, qarash iyo aqoon tiro badan. Taas oo hey´addu ay sheegtay inay ka mashquulisay ama culeys ka galisay shaqooyinkii maalinlaha caadiga ah ee hey´adda.

Arrinta kale oo culeyskeeda leh ayaa ah in kiisaska sharci kala noqoshada aysan ku koobneyn oo kali ah qofka markaas kiiska lagu soo oogay, balse ay kusii xirnaan karaan dhowr kiis oo kale oo kiiska qofka la heysto ku xiriirsan. Tusaale ahaan ilmo uu qofkaas dhalay oo codsaday baasaboorka Norway, xaas ama ilmo uu qofkaas codsaday in loo keeno Norway, ama tobanaan kiis oo kale oo ka farcama kiiska qofka koowaad. Taas oo tirada dadka ay saameynta ku leedahay arrintan ka dhigeyso mid kumanaan gaareyso, kana badan tirada lasoo bandhigay.

UDI: 1000 kiis aan iska xirno, si culeysku u fududaato.

Sida uu maanta qoray wargeyska Klassekampen, madaxda hey adda UDI-da ayaa bishii february ee sanadkii 2022 waraaq qeylo dhaan ah u diray wasaaradda cadaaladda Norway oo sharciyad ahaan ay hey addu hoos tagto. Waxa ayna soo jeedisiyeen in heyaddu ay dib u habeyn iyo kala rasteyn ku sameyso kiisaska noocan ah, gaar ahaan kuwa ay mudadda dheer qaadatay in go aan laga gaaro.

UDI-da ayaa waraaqda ay wasaaradda ku sheegtay in inkasta oo waqti badan loo adeegsado ka shaqeynta kiisaska, hadana ay inta badan kusoo gaba-gaboobaan in qofkii aan sharciga laga helin, hadii laga celinaya uu helo sharci kale oo uu dalka ku joogo. Xitaa dadka sharciga laga celiyay ee lagu amray inay dalka isaga baxaan, ayaa intooda badan dalka sii joogo sanado badan oo dheeraad ah, maadaama ay siyaabo kala duwan dalka xiriir ula yeesheen..

Hey adda ayaa soo jeedisay in la xiro( la laalo) kiisaska ka shaqeyntooda la bilaabay sanadkii 2018 iyo wixii ka horeeyay, walina aan go aanka laga gaarin. Kiisaskaas oo tiro ahaan gaarayo ilaa 600 kiis, marka kiisaska kasii farcamay lagu darana gaari kara ilaa 1000 kiis.

UDI-da ayaa sidoo kale soo jeedisay in qofka shakiga laga qabo aqoonsigiisa shaqsiyadeed, lagu xiro xujo ah inuu cadeeyo aqoonsigiisa, lana mariyo baaritaano kala duwan oo sahlaya in hal aqoonsi loo diiwaangaliyo gudaha dalka Norway, sida uu qabo sharciga soo galootiga ee Norway.

Wasaaradda soo jeedintaas dhabarka u jeedisay:

Wasaaradda cadaaladda Norway ayaa sida uu qoray Klassekampen dhabarka u jeedisay soo jeedinta hey adda ay u xilsaaratay arrimaha soo galootiga ee UDI-da. Waxeyna sheegtay in wasaaraddu aysan munaasab u aheyn jiheynta soo jeedinta UDI-da, marka la fiiriyo siyaasadda soo galootiga Norway ama mida ku saabsan kahortagista in qaab qaldan loo adeegsado nidaamka qoxootiga iyo magangalyada Norway.

Wasaaradda ayaa dhanka kale UDI-da u ogolaatay inay laasho ama xirto kiisaska jinsiyad ku celinta ku saabsan ee khuseeya waalidka heysya ilmo buuxiyay shuruudaha uu ku heli karo sharci kale oo uu dalka kusii joogo.

SV: Baarlamaanka ayaan soo jeedin geyn doonaa.

Grete Wold oo ah afhayeenka arrimaha soo galootiga ee xisbiga SV ayaa jawaabta ay wasaaradda cadaaladda ka bixisay codsiga UDI-da ku tilmaantay mid aan liidato. Waxeyna sheegtay in xisbigeedu uu baarlamaanka geyn doono soo jeedin looga hadli doono arrintan, taas oo gundhig looga dhigi doono codsiga ay UDI-du u dirtay wasaaradda cadaaladda.

Xigasho/kilde: NEKTET UDI Å HENLEGGE TILBAKE­KALLSSAKER.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x