torsdag, mai 2, 2024

Ogow xogta labadda gabdhood ee soomaalida ah ee Oslo lagu xiray.

Habeenimadda Arbacadii lasoo dhaafay waxaa magaaladda Oslo laga soo dajiyay labo(2) gabdhood oo heysta dhalashada dalkan Norway, balse asal ahaan soomaali ah. Labaddan gabdhood oo caan ka ah warbaahinta Norway, ayaa waxaa garoonka ku sugayay oo xabsiga u kaxeeyay booliska gaarka u tababaran ee hey adda sirdooka Norway ee PST.

Labadda gabdhood ee soomaalida ah iyo caruur ay dhaleen ayaa waxaa laga soo kaxeeyay xero qoxooti oo kutaal dalka Siiriya, waxaana keenistooda Norway gacan ka geysatay wasaaradda arrimaha dibadda Norway.

Gabdho Norway ka tagay iyaga oo dhalinyaro ah:

Labaddan gabdhood oo horey kiiskooda aan marar badan wax uga qornay ayaa Norway ka tagay iyaga oo dhalinyaro ah , da ahaan kala jira 16 sano iyo 19 sano. Waxeyna u safreen dalka Siiriya oo xiligaas ay ka arrimin jirtay ururkii burburay ee Daacish.

Sida marar badan ay xaqiijiyeen hey addaha amniga Norway, labaddan gabdhood ayaa sanadihii ugu danbeeyay ku noolaa xeryo qoxooti oo kuyaal Siiriya, waxaana halkaas ku weheliyay caruuro ay dhaleen intii ay Siiriya ku sugnaayeen.

Hey addaha amniga Norway ayaa wareysiyo la yeelan doono labaddan gabdhood, iyada oo eegi doono inay jirto sababo loogu soo oogo dacwado, loona geeyo maxkamadd ama in kale.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x