tirsdag, mars 11, 2025
Home Blog Page 289

Abdisalaan Cadaay oo shalay dhaawac uga maqnaa kulankii Viking gurigeeda looga badiyay

Kooxda Viking ee ka dhisan magaalada Stavanger ayaa shalay guuldaro kala kulantay Brann oo sanadkan kasoo laabatay horyaalka labaad ee wadanka. Brann ayaa goolka kali ah ee ciyaarta lakala dhaliyay la timid daqiiqadii 90-aad.Viking oo martii loo ahaa ayaa awoodi weyday in ay soo gudo goolkaas laga dhaliyay xiliga dhimashada.

Abdisalaam Ibrahim Cadaay oo ka tirsan kooxda koowaad ee Viking ayaa ciyaarta uga maqnaa dhaawac kasoo gaaray kulankii hore. Cadaay oo sanadkan bilowgiisa kusoo noqday Norwey, kadib sanado dhowr ah oo isku badalayay naadiyo kala duwan oo ka ciyaara qaarada yurub, ayaa hada heshiis sadex sano ah kula jooga kooxda viking.  Kana mid ah laacibada muhiimka ee kooxda. Kooxda Viking ayaa ku jirta kaalinta 7-aad, waxa ayna 4 dhibcood ka hooseysaa kooxda haysa hogaanka ee Odds ballklubb

 

 

Wasiirkii shaqada Norwey oo shaqo la,aan weyn haysato.

Robert Eriksson oo ahaa wasiirkii shaqada inta u dhaxaysay october 2013 ilaa december 2015 ayaa waxaa intii laga badalay shaqada wasiirnimada ku dhacday shaqo la aan .Erikson oo ka tirsan xisbiga FRP ayaa wuxuu soo rogay go aano tiro badan oo nolosha ciriiri looga dhigo qofka aan shaqeyn, si loogu cadaadiyo inuu shaqo helo.

  1. Wuxuu soo jeediyay go aan ah in qofka aan shaqeyn uu aroortii hore uu soo kaco uu is keeno xafiiska Nav, si uu dhibka iyo jarmaadada ula dareemo dadka shaqada u kalaho.
  2. wuxuu kalo oo uu soo jeediyay in dadka shaqada aan ka helin kommunaha ay daganyihiin ay u guuraan meel kale oo shaqo ka helayaan. oo aysan ku eed-sheegan inay shaqo waayeen.
  3. Inta uu wasiirka ahaa waxaa kor u kacday canshuurta laga qaado lacagta lasiiyo dadka aan shaqeyn ama kuwa ceyrta qaata.
  4. Lacagta ay qaataan dadka howlgabka ah ayaa la dhimay, isla markaana wuxuu soo jeediyay go aan ah in dadka ajnabiga ee aan ka shaqeyn wadanka waqti dheer lagu adkeeyo in ay helaan lacagta howlgabka
  5. Robbert ayaa soo jeediyay in dadka ajnabiga ah ee aan hela jaanis ay ku shaqeeyaan, balse diida ama ka cudur-daarta loo diido lacagta shaqada ama ceyrta

Si kadis ah ayaa shaqada looga badalay desember 2015, waxa uuna isla markiiba noqday shaqo-laawe. inkastoo uu wali qaadanayay lacagta lasiiyo wasiirada marka shaqada laga ceyriyo, wuxuu ku jiray liiska nav ee shaqo-laawayaasha. Isla markiiba journaalada localka ayaa daba dhigtay, si ay wax uga waydiiyaan xaaladiisa maadaama uu kamid noqday dadkii uu rabay inuu nolosha ku adkeeyo, waxaana laga hayaa sidan oo uu journaalka Dagbladaha uu siiyay:

Sida dadka intiisa kale magaranayo sida wax noqon doonaan iyo waxa aan ku noolaan waqtiga soo socdo iyo waliba inta ay qaadanayso inta aan shaqo kale oo cusub ka helayo. Kama duwani dadka intiisa kale ee shaqada waayay, oo waxaana dareemayaa sidooda oo kale.

Eriksson ayaa hada sameystay shirkada talo bixin ah, balse journaalada wadanka qaarkood ayaa sheegay inuu u samaynayo si ay wali ugu socoto lacagta kaalmada ah ee dowlada ay siiso.

Les saken på Norsk 

Soomaalida oo kamid ah dadka midabtakoor(faquuqa) ugu badan kula kulma Norwey

Warbixin ay soo saartay hay-ada qaabilsan tirokoobka iyo iyo ixsaa-iyaadka ee SSB( statisk sentralbyrå) ayaa sheegtay in soomaalida, Ciraaqiyiinta iyo Iiraaniyiinta ay yihiin sadexda qowmiyadood ee ajnabiga ah ee cunsuriyada ugu badan kala kulma Norwey. Inkastoo ay arintan la wadaagaan dhamaan dadka ajnabiga ah, hadana sadexdan guruub ayaa si gooni ah ula kulma faquuq iyo loola dhaqmo si ka gadisan sida dadka kale loola dhaqmo.

Meelaha ugu badan ay kala kulmaana ay kamid tahay suuqa shaqada, guryaha, meelaha lagu kulmo, goobaha waxbarashada iyo caafimaadka. Baaritaan ay sameysay SSB ayay sheegtay in ajaanibta ka timid Afrika iyo Aasiya ay bixiyaan lacag ka badan tan ay bixiyaan dadka intiisa kale, marka ay guri kireysanayaan.

Horey ayaa waxaa dhowr jeer oo kala duwan la cadeeyay in hadii uu magacaagu yahay Henrikson aad laba jibaar ka jaanis fiicantahay inaad shaqo hesho, hadii uu magacaagu yahay Cabdi ama Mohamed.

les saken på norske her:

http://www.vl.no/innvandrere-vi-blir-diskriminert-i-norge-1.49124

 

Banaanbax looga soo horjeedo barnevern-ka oo ka dhacay 20 wadan

Banaanbaxan oo si abaabulan isku mar uga dhacay 20 wadan oo caalamka ah ayaa looga soo horjeeday hab-dhaqanka hay-ada xanaanada caruurta ee barnevern-ka. waxaana arinta ka danbaysey markii ay shan caruur ka qaateen qoys kasoo jeeda Romania. Ilaa 50 000 qof oo kale ayaa saxiixday olole internetka ka socdo oo lagu codsanayo in caruurta loo celiyo qoyskii dhalay. Koox maafiyo oo u dhalatay wadanka Romania ayaa iyadna sheegtay inay gubi doonaan safaarada Norwey ee wadankaas, ama ay sameyn doonaan wax kasta oo ku aargudan karaan hadii aan loo soo celin caruurta waalidkooda

Sumcada hay-adan ay ku leedahay caalamka ayaa hoos u dhacday, sababtuna ay tahay hab dhaqankooda ku aadan qoysaska dhalay caruurta ay qaataan. Hay-adan oo asal ahaan loo aas-aasay inay caruurta waalidkooda dayacay xanaanayso ayaa markii danbe isku badashay hay-ad kala jabiso qoysas badan. Waxaa marar badan adag in la fahmo qiimayntooda iyo xeerka ay cuskanayaan marka ay qoys caruurta kala wareegayaan. Waxa oo kale oo lagu eedayaa in aysan tixgalin dadka aan u dhalan Norwey, kana dhaqan gadisan dadka u dhashay wadanka. 

Ma ahan markii ugu horeysay oo banaanbax sidan oo kale oo looga soo horjeedo barne-vernka oo ka dhaco meel ka baxsan wadanka. sanado kahor ayay ahayd markii ay banaanbax looga soo horjeedo barne-verka uu gilgilay Hindiya, Markii qoys u dhashay Hindiya oo shaqo u joogay Norwey lagala wareegay cunug ay dhaleen. Ugu danbeyn  wasaarada arimaha dibada Norwey iyo safaarada Norwey ee wadankaas ayaa ku qasbanaatay inay arinta soo faro-galiyaan si loo ilaaliyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada wadan. Shirkada Telenor ayaa suuq fiican waagaas ku haysatay Hindiya. ugu danbeyn ilmihii waxaa loo soo celiyay qoyskiisii, waxaana masuuliyadiisa loo dhiibay adeerkii.

 

23-jir soomaali ah oo qirtay inuu ku biiray una soo dagaalamay Daacish

Wiilkan oo ay sirdoonka Norwey qabteen July 2015 asagoo kasoo noqday siiriya ayaa qirtay inuu usoo dagaalamay uunana ka tirsanaa ururka la baxay khilaafada islaamiga ah ee Daacish. Waxa uuna sheegay inuu rabay inuu ku hoos noolaado dowlad iyo xukun islaami ah. Waxa uuna Norwey ka tagay oktober 2014

Hay-ada Sirdoonka Norwey ee PST ayaa ka shikasan inuu wiilkan maskixayan dheelitaranyahay, sidaas darteed codsatay baaritaan-maskaxeed. Sidoo kale maxkamadeyntiisa ayaa dib loo dhigayaa ilaa laga ogaanayo jawaabta baaritaanka oo saameyn ku yeelan doonto qaabka loo maxkamadeyn doono. Hadii ay cadaato inuu maskaxiyan dhimanyahay, waxaa dhici karta in lagu qasbo in la dhigo meelaha loogu talagalay dadka danbigu ku cadaaday, balse aanay xukun xabsi caadi ah uusan qabin karin.

Wiilkan ayaa xirnaa ilaa markii lasoo qabtay, waxuuna sii xirnaan doonaa inta go aan laga gaarayo qaabka maxkadeyntiisa. 

Les saken på norske her:

http://www.vg.no/nyheter/innenriks/krim/pst-kan-vaere-psykisk-syk/a/23660058/

 

Soomaalida oo turjumaan ka dhigato caruurta yar-yar.

In turjumaan laga dhigto caruurta yar-yar waa arin ay ka wada simanyihiin ajaaniibta wadanka oo dhan, balse waxaa si gaar ay arintan ugu baahsantahay soomaalida. Luuqada norwiijiga oo ay waaliduunta aysan sifiican ugu hadli karin iyo in ay ku kalsoonyihiin caruurtooda ayaana kamid ah sababaha ugu waaweyn ee sababta arintan. Waxa ay waaliduunta caruurta u wadaan xafiisyada nav, iskuulada, dhakhtarada iwm.

In caruurta ay u turjumaan waa arin aan habooneyn, ilmuhu waxay helayaan macluumaad aysan habooneyn inay ogaadaan, waxayna wax u dhimi kartaa xiriirka ka dhexeeya ilmaha iyo waalidka. 

Ka waran hadii macalinka iskuulka uu rabo inuu fariin u gudbiyo waalidka ilmaha, fariintaas oo uusan jecleysan ilmaha. ma u maleenaysaa inuu ilmahaas fariinta iyo hadalka macalinka sida ay tahay u gudbinayo, mise wax ayuu ka badalayaa si uu u qanciyo waalidka?

Les mer om saken på norsk her:

http://www.nrk.no/vestfold/bruker-barn-som-tolk-1.12898353

 

 

 

Malik Yusuf(wiil soomaali ah) oo loo xiray dil uu gaystay 14 sano kahor

14-kii November 2001 laba wiil oo soomaali ah(Malik Yusuf iyo Ali Ahmed Addi) ay ka codsadeen dadkii kale ee kula jiray klasska inay qolka u baneeyaan si ay gooni ugu wada hadlaan. Waxyar kadib ayaa Malik uu sadex toori galiyay Ali Ahmed, taas oo keentay inuu u nafbaxo ugu danbeyntii. Arintan ayaana ka dhacday dugsiga sare ee Nordreisa ee deegaanka Storlett oo ka tirsan gobalka Troms.

Malik oo markaa da’diise ahayd 16 sano ayaa sheegay inuu arimo qabiil darteed noloshiisa uga cabsanayay wiilka uu dilay oo da’ ahaan ka weynaa ku dhawaad labo sano. sidaas darteedna uu ku qasbanaa inuu is difaaco. Sanadkii 2002 dhexdiisa ayay maxkamada aqbashay is difaacii Malik, isla markaana ay ka fasaxday xabsiga. Laakiin dacwad oogayaasha dowlada ayaa arintaas ka biyo diiday, isla markaana qaatay rafcaan, codsanayna in la siiyo fursad ay si dhamaystiran ugu baaraan dhacdadan.

November 2002, Maalmo ka kahor inta ay maxkamadu guda galin racfaanka dacwad oogayaasha dowlada, ayuu Malik ka baxsaday meel ay barnevernku dajiyeen asaga oo markaas da,diisu ahayd 17 sano, wadankana ka baxay. ilaa markaasna booliska ayaa ku raad-joogay.

Isbuucyo kahor ayaa lagu xiray England, loona soo gudbiyay Norwey. Isla markaana la xiray, laguna soo oogay dacwadii uu ka fakaday 14 sano kahor.

Les saken på norske her:

http://www.nrk.no/troms/drapstiltalt-tilbake-i-norge-etter-14-ar-pa-rommen-1.12898898

http://www.nordlys.no/nyheter/han-er-ettersokt-for-drap/s/1-79-6267974

(Foto: Politiet)
                                                    (Foto: Politiet)

Dowlada Norwey oo 345.8 milyan NOK ugu deeqday Somalia sanadkii 2015.

Soomaaliya oo kamid ah 109-ka wadan ee mucaawinada joogtada ka hela wadanka Norwey ayaa sanadkii lasoo dhaafay deeq mucaawino ahaan ah u heshay lacag dhan 345.8 milyan oo gaaraysa ilaa ilaa 40 milyan oo dollar. wax ayna 18 milyan ka yartahay lacagtii ay soomaaliya heshay sanadkii 2014 oo dhameyd 364 oo milyan NOK.

92 % Lacagtan waxaa Soomaaliya loo soo marsiiyaa heyadaha aan dowliga aheyn NGO -yada ka howlgala Soomaaliya iyo wadamada dariska la ah. NGO-yadan oo isugu jira kuwa laga leeyahay Norwey, kuwa hoostaga qaramada midoobey, kuwa wadamo laga leeyahay iyo waliba kuwa maxali ah oo wadanka gudahiisa laga leeyahay.Lacagta u badana waxaa soomaaliya loo sii mariyay NGO-yada laga leeyahay Norwey ee ka howlgala Soomaalia sida Flyktninghjelpen, Kirkens Nødhjelp, Norges Røde Kors, ADRA, Redd Barna iyo Digni.

Sida aan kasoo xiganay hayada Norwey u qaabilsan mucaawinada ee Norad, lacagtan ayaa loogu talagalay howlahan hoos ku qoran:

  1. Wax ka qabashada Maamulwanaaga =( 132 milyan)
  2. Gar-gaarka bini aadinimo( 87 milyan)
  3. Waxbarashada iyo tacliinta=( 65 milyan)’
  4. Horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga=( 44 milyan)
  5. Caafimaadka iyo arimaha bulshada=( 9 milyan)
  6. Deegaanka iyo tamarta/energi =3 milyan
  7. howlaha soo haray=5 milyan

Su aasha meesha ku jirta ayaa ah in lacagtan oo aad u badan marka laga eego xaalada uu wadanku ku suganyahay,  loo soo isticmaalay sidoo loogu talagalay. Ama la marsiiyay wadadii saxda ahayd. Marar badan ayay hay-adaha soomaaliya ka howlgala ee dowliga ahayd ey ka cowdeen in lacagta ay soo dhaafin xafiisyada NGO-yada ee Nairobi, in badan oo kamid ah lagu isticmaalo safar iyo dulmeer ay madaxda NGO-yada ku meeraan  gudaha iyo dibada Soomaalia.

se hele oversikten her:

https://www.norad.no/landsider/afrika/somalia/

Nin soomaali ah oo loo xiray fal dil ah oo 2008-dii ka dhacay Oslo

Ninkan oo 33 sano jir ah ayaa boolisku raadinayeen ilaa 2008 markaas oo uu  ka fakaday meeshii uu dilka ka dhacay ee xaafada Grünerløkka ee Oslo. Shalay ayay boolisku Germanku u qabteen ninkan fal danbiyeed kale, markii danbana ay ogaadeen una soo gudbiyeen kuwa Norwey.

Falkan oo dhacay 24-tii bishii Maarso ee 2008 ayaa ku nafwaayay wiil somali ah, halka mid kalena uu kasoo gaaray dhaawac. waxaana falkan ka danbeeyay labo nin, mid kamid ah ayaa booliska isku soo dhiibay 25.mars, halka ninka hada la qabteyna uu wadanka ka cararay.

Frode Sulland oo ah qareenka(forsvar-advokat) ninkan ayaa  sheegay inuu qirtay danbigiisa, isla markaana la xiray 4 isbuuc. Sida uu sheegayna waxay qaadanaysaa waqti dheer inta la wada helayo dhamaan macluumaadka ku saabsan falkii dhacay 2008.

les saken på norsk her:

http://www.nrk.no/ostlandssendingen/varetektsfengslet-for-atte-ar-gammelt-drap-1.12892948

http://www.nrk.no/ostlandssendingen/ber-om-fire-ukers-fengsel-1.5208809

 

Gabar soomaali ah oo ay maxkamada sare ee wadanka ay ku wayday wax danbi ah

Gabadhan oo 29 ah ayaa waxaa loo heestay inay been ka sheegtay la dhalashada Xasan Dhuxulow oo ahaa ninkii soomaali/norwiijiga ahaa ee ka qaybqaatay weerarkii Westgate ee Nairobi. Gabadhan ayaa ku dhalatay Soomaaliya laakiin Norwey timid xili hore, waxa ayna qaab qoys ahaan ku wada yimaadeen Xasan dhuxulow. waxa ayna ku diiwaan gashanaayeen inay walaalo yihiin. Baaritaan kadib ayaa waxaa soo baxday inay ahaayeen dad isku meel ku koray, laakiin aan aheyn walaalo dhiig ah.

Bil kadib weerarkii Westgate ayaa gabadhan lagu dacweeyay eedaymahan, waxa ayna sheegtay inay u cabsaneysay in lagala noqdo dhalashada wadanka iyo waliba degenaanta wadanka, maadaama ay markii horeba wadanka ku yimaadeen qaab qoys ahaaneed. Maxkamada sare ee gobalka Agder ayaa markii hore ku waayay gabadha wax danbi ah, laakiin dacwad oogayaasha booliska ayaa racfaan ka qaatay arintaas.

wareegii labaad ee maxkamada ayaa hada soo dhamaaday ayaa ugu danbeyn waxaa gabadhan lagu waayay wax danbi, maadaama ay u cabsanaysay nolosheeda.

les saken på norsk her:

http://www.nrk.no/vestfold/frifunnet-for-falsk-forklaring-1.12891917

Safia Abdi Haase oo markii labaad ku guulaysatay bilad sharaf .

Safiyo Abdi Haase oo ah kalkaaliso caafimaad(sykepleier) ayaa markii labaad ku guulaysatay bilad sharaf maqaamkeedu sareeyo. Biladan ayaa waxaa Safiyo gudoonsiiyay ururka haweenka Inner Wheel oo ah mid kamid ah ururada haweenka ugu waaweyn aduunka, kana dhisan 103 wadan. Safiyo ayaa xubin ka ah ururkan qaybtiisa Norwey.

Biladan ayaa waxay safiyo ku muteysatay ka shaqeynta iyo isku howlida caafimaadka haweenka, waxayna sidaas uga mid noqotay haween faro ku tiris ah oo biladan horey ugu guulaystay Norwey oo dhan. Mana aha markii ugu horeysay ee bilad sharaf ay hesho, sanadkii 2014 ayaa boqorka Norwey safiyo gudoonsiiyay bilad heer qaran ah, sidaas ay safiyo ku noqotay qofkii ugu horeeyay taariikhda ee ajnabi ah ee uu boqorka Norwey u magacaabo ridder av 1. klasse av St. Olavs.  biladan iyo tii horeba waxay safia ku muteysatay daryeelida iyo ka warqabka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka. 

Sidoo kale marar badan ayay Safia kasoo dhex muuqatay warbaahinta wadanka, iyada oo ka hadlayso isu soo dhaweenta dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka iyo dadka u dhashay wadanka.

les saken på norsk her:

1)http://www.halden24.no/2016/04/07/hoyeste-aeresbevisning-til-safia-abdi-haase/

 

2) https://www.nsf.no/vis-nyhet/2183593/forste-innvandrerkvinne-utnevnt-til-ridder-av-forste-klasse

 

qof Soomaali ah oo caawa toori lagu galiyay Kristiansand

Dhacdadan ayaa ka dhacday maqaaxi kutaal bartahama Kristiansand oo ay soomaali leedahay. Qofka toorida lagu dhuftay ayaa markiiba loola cararay isbitaalka sida ay sheegeen police-ka. Xaalada qofkan midida lagu galiyay ayaa  mareysa meel aan wanaagsaneyn oo halis ah, sida laga soo xigtay isbitaalka sørlandet Kristiand.

Qofka falkan geystay ayaa ku baxsaday lug, wuxuuna muuqaalkiisa u ekaa qof ajnabi ah, ayna u badantahay inuu yahay soomaali kale. walina gacanta lagu soo dhigin. booliska ayaa wali wareysi kula jira afar qof oo joogay meesha falku ka dhacay.

 

Les saken på norsk her:

http://www.fvn.no/lokalt/kristiansand/Knivstikking-pa-kaf-i-Kristiansand-2992091.html

Maamule iskuul kuyaal Oslo oo keenay hab cusub oo kula kulmi karo waalidiinta uusan waligood la kulmin.

Ellen Sundby oo ah maamule iskuul kuyaal Oslo ayaa keenay hab cusub uu kula kulmi karo, waalidiinta caruurta iskuulkeeda dhigta oo aysan la kulmin wali. Habkaas oo ah inay ayagu booqasho ku tagaan guryaha waalidiinta, halkaas ay isku arkaan, bartaana waalidka caruurta.

Fadumo Ali Jimaale oo ah Hooyo dhashay wiil yar oo dhigta iskuulka ayaa yaabtay markii ay aragtay warqada ka socoto iskuulka, si ay u hubsatana akhrisay laba jeer. waxaan markii hore is waydiiyay maxay idinka rabaan, ma waxay rabaan inay ogaadaan inuu cunuga lekse xaafada ku sameeyo iyo in kale. Run ahaantii waxaan umalaynayay inuu arinta barneverka ay ka danbeeyeen.

Faadumo iyo maamulaha iskuulka ayaa ugu danbeyn qiray in fikradan ay tahay mid fiican, inkasta oo markii hore ay ka yaabtay.

Les saken på Norsk:

http://www.nrk.no/ostlandssendingen/skole-inviterer-seg-selv-pa-hjemmebesok-1.12884592

Haweeney 67 jir ah oo loo heysto ereyo cunsurinimo ah oo ay kula kacday soomaalida

Haweenaydaan oo dagan magaalada Malmø ee Sweden ayaa group facebook ah ku qortay ereyo cunsurinimo ah, waxaana arintan police-ka ku wargaliyay gabar dhalinyaro ah oo groupka kusoo biirtay, ayadoo oo markii hore u malaynaysay in groupkan ay ka socoto dood iyo afkaar iswaydaarsi, laakiin u adkeysan wayday markii ay aragtay ereyada naceebka ah oo ay haweenaydaan qortay, kadibna sidaas kula xiriirtay policeka.

Haweenaydan oo policeka waraysi ay la yeesheen ayaa sheegtay inay sababta ay ereyadaas usoo qortay ay ahayd, in ay daawatay warbixin sheegaysa in soomaalida u daranyihiin xayawaanka.

Halkan hoose ka aqri warkan oo af swedish ah:

http://www.skd.se/2016/04/06/atalas-for-hets-mot-somalier/

17 jir soomaali ah oo loo xukumay kufsi uu u gaystay gabar 12 jir ah Sweden.

17 jirkaan ayaa markii wax laga waydiiyay kufsiga, sheegay in gabdhaha madow ay adagtahay sida lagu helo.

arinta intaas kuma dhamaan ee waxaa usii dheeraa in gabadha ay fowdo ay wali u gaysanayaan asxaabta iyo qaraabada wiilkii markii hore kufsaday.

warkan ayaa waxaa daabacay website ay leeyihiin kooxo aad ugu kacsan soo galootiga badan ee yimid sweden, xiliyadii ugu danbeeyay, gaar ahaana kuwa muslimiinta ah.

sheekada oo dhan ka akhri hoos, ayada oo af swedish ah.

Blev våldtagen som 12-åring av en somalier – nu trakasseras och misshandlas hon av våldtäksmannens bror och vänner

Somalida Norwey kunool oo 40.000 gaartay

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey ayaa tiro ahaan gaartay 40.100 oo qof sanadkii 2015. Taasna ay ka dhigayso qowmiyada sadexaad ee ajnabiga ah ee ugu badan Norwey, marka laga reebo dadka ka yimid Polen iyo Lithuania.

Journaalka ka hadla arimaha dhaqaalaha ee Finansavisen oo warbixintan daabacay ayaa sidoo kale sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ay ku korartay tirada dadka soomaaliyeed ee dagan Norwey (2469), oo (1500) kamid ah ay yihiin ciyaal dhashay sanadkii 2015, halka (969) ay ahaayeen dad wadanka ku cusub. Tirada ciyaalka soomaaliyeed ee ku dhashay Norweyna ayaa isku dar noqonaysa(andre generasjon): (11 800) oo lamid ah 29% tirada guud ee soomaalida Norwey.  Journaalka ayaa sidoo kale sheegay inay soomaalida dhalmo ahaan lamid tahay dadka ka yimid Polen oo ahaan 

Arinta kale xiisaha leh ayaa ah in 31% soomaalida dagan Norwey ay yihiin caruur ka yar dad,da 18 sano.  michaheeduna ay tahay in xaalada soomaalida Norwey isbadal weyn ku dhici doono xiliga dhaw, maadaama ay caruurtan jaanis u heestaan inay wadanka sifiican ula qabsadaan waxna ka badalaan tobonka sano ee soo socoto. 

Xaga waxbarashada jaamacahada, waxaa Norwey kunool 2111(5,5%) qof oo haysata shahaado jaamacadeed.

Guud ahaan waxaa Norwey kunool 5,2 milyan oo qof, oo 848 000 ay yihiin ajaanib.

 

SSB

 

Dukaanka Ikea oo gacan u fidinaya haweenka soomaaliyeed

Dukaanka Ikea oo qayb cusub ka furtay xili aan fogeyn kommunka ringesaker wadada u dhaxaysa Brummundal iyo Hamar ayaa sheegay inuu gacan ka geysanayo shaqo u tababarida dumarka soomaaliyeed ee aan khibrad shaqo haysan.

arintan ayaa buuq ka abuurtay wargaysyada localka ah ee aagaas, taasoo Ikea ku eedeeyay inuu u xaglinayo dumarka ajaanibta ah, kana eexanayo dumarka kale ee shaqo la aanta ay haysato ee deegaankaas kunool. halka madaxda Ikea ay sheegeen inay rabaan inay gacan ka geystaan isdhexgalka dadka wadanka ku cusub iyo bulshada inteeda kale

Imaamka masaajidka Pakistaanka Grønland oo lagu dhaganyahay

Imaamka masaajidka Central Jamaat ee kuyaal bartamaha xaafada Grønland ayaa maalmihii ugu danbeeyay lagu heestay ka qaybqaadashada mudaharaad looga soo horjeeday toogashada nin pakistaani ah oo horey u dilay gudoomiye gobol, wadanka Pakistan gudahiisa.

Arinta ayaa waxa dabada ka riixayo, koox dhalinyaro u badan oo awal saluugsanaa maamulka iyo madaxda masaajidka. iyada oo ay kusoo aaday xili imaamyada masaajidada kuyaal woqooyiga yurub ee soo foodsaartay culays xaga warbaahinta , qaraxyadii wadanka Belgium

800px-Central_Jamaat-E_Ahl-E_Sunnat_01

 

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.