fredag, mai 3, 2024

SV: Waxaan baarlamaanka geyn doonaa soo jeedin ku saabsan baasaboor ka celinta.

Sida uu maanta qoray wargeyska klassekampen, hey adda arrimaha qoxootiga iyo soo galootiga Norway ee UDI-da, ayaa wasaaradda cadaaladda Norway u dirtay codsi ay ku dalbaneyso inay joojiso(laasho) ka shaqeynta ilaa 1000 kiis oo la xiriira kiisaska baasaboor dib ula noqoshada ee lagu furay dadka looga shakisanyahay inay aqoonsigooda shaqsiyeed ka been-sheegeen. Halkan kasii akhri.

Hey adda ayaa waraaqdeeda qeylo dhaanta ah ku sheegtay in ka shaqeynta kiiisaskaas oo aad u cul-culus ay qaataan waqti iyo awood tiro badan, ay shaqada saareen culeys shaqo oo ka mashquuliyay shaqooyinkooda maalinlahaa ah. Waxeyna codsadeen in la siiyo ogolaanshaha ay ku xirayaan kiisaska ka shaqeyntooda la bilaabay sanadkii 2018 iyo wixii ka horeeyay, balse aan wali jawaabta laga gaarin.

Wasaaradda cadaaladda Norway oo ay wasiir ka tahay Emilie Enger Mehl oo katirsan xisbiga Sp ayaan dhaweyn codsiga UDI-da, iyaga oo sheegtay in wasaaradu aysan u habooneyn inay ogolaato codsiga hey adda qoxootiga.

SV: Baarlamaanka ayaan soo jeedin geyn doonaa.

Xisbiga SV oo xulufo la ah labadda xisbi ee ku mideysan xukuumadda uu hogaamiyo reysulwasaare Jonas Gahr Større ayaa si adag uga fal-celiyay jawaabta wasaaradu cadaaladda ay ka bixisay codsiga hey adda qoxootiga.

Xildhibaanadda Grete Wold oo ah afhayeenka arrimaha soo galootiga ee xisbiga SV ayaa sheegtay inay baarlamaanka geeyeen dalab ay dowlada uga dalbanayaan inay ogolaadaan codsiga ka yimid hey adda UDI-da. SV ayaana soo jeedinayo in UDI-du ay xirto kiisaska ka shaqeyntooda la bilaabay wixii ka horeeyay sadex(3) sano, walina aan jawaabta laga gaarin.

Grete oo Klassekampen la hadashay ayaa sheegtay: Marka ay UDI-du laftirkeedu ay qabto in waqti iyo qarash tiro badan lagu adeegsanayo kiisas aan waxna soo kordhineyn, meelna u socon. Hadii kalena keenayo inay kusoo dhamaadaan go aan kala geynayo qoysas hada Norway ku wada nool. Markas wa in la maqlaa codsiga UDI-da ee ku saabsan xiritaanka kiisaska, gaar ahaan kuwa ay ku xiranyihiin kiisaska kale, sida tusaale codsiyada isku imaanshaa qoxootiga oo kale.

Xildhibaanadda oo hadalkeeda sii wadata ayaa ku dartay: Dadka kiisaska ay khuseeyaan waa dad dalka degenaa 10 bano iyo wax badan, mana ahan dad halis ku ah Norway. Waana wax lala yaabo in xisbiyada Ap iyo Sp ay sii wadaan fulinta siyaasadii xisbiyada Høyre iyo Frp.

Soo jeedinta xisbiga SV ee arrintan ku saabsan ayaa baarlamaanka la geyn doonaa bisha may ee sanadkan.

Afhayeenka arrimaha soo galootiga ee ayaa dhanka kale sheegtay: Markasta oo ay wasiiradda soo galootiga timaado hoolka baarlamaanka, waxey sheegtaa inay kalsooni buuxdo ku qabto hey addaha soo galootiga. Waxaan qabaa markana waa inay dhageystaan, lana maqlo waxa ay hey addaha noo sheegayaan.

Xigasho/kilde: Klassekampen

– Hver gang hun kommer i stortingshallen så sier statsråden at hun har full tillit til utlendingsmyndighetene. Da synes jeg faktisk også at hun skal lytte til hva de har å si.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x