torsdag, april 18, 2024

Sweden oo dheereysay mudada ilaalada xuduudaheeda iyo baaritaanka aqoonsiga dad soo galayo

Dowlada Sweden ayaa waqtiga u kordhisay ilaalada joogtada ah ee lagu hayo xuduudaha dalkeeda iyo waliba baaritaanka aqoonsiyada dadka Sweden soo galayo. Arintan ayaa timid iyada oo Todobaadka soo socdo ay ku ekeyd mudadii hore oo loo qabtay ilaalinta xuduudaha dalkaas. 

Ra’iisal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa sheegay in mudo kordhin lagu sameeyay ilaalinta lagu hayo xuduudaha. Sanadkii 2015 ayaa waxaa Sweden kusoo fatahmay dad qoxooti ah oo 140 000 gaaraya, waxeyna dowlada dalkaas go´aansatay in la ilaaliyo xuduudaha Sweden, lana baarano aqoonsiga dhamaan dadka wadanka soo galayo. Gaar ahaana buundada isku xirto Denmark iyo Sweden, iyo waliba dekadaha gobalada koonfurta iyo galbeedka

Xigasho/kilde: Somaliska

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x