torsdag, april 25, 2024

TV2-DK:Denmark oo labo qof oo soomaali ah si qarsoodi dib ugu celisay Soomaaliya

Sida uu qorayo muuqaal-baahiyaha TV2 qeybtiisa dalka Denmark, dowlada Denmark ayaa bishii September ee sanadkii 2016 si khasab iyo qarsoodi ah Soomaaliya ugu celisay labo qof oo soomaali ah.

TV2.DK ayaa qoray in Booliska, dowlada ama maxkamadaha dalkaas aysan wax war ah kasoo saarin marka labadaas qof Soomaaliya dib loogu celinayay. Xitaa ururka Dansk Flygtningehjælp oo ah urur ka talo-bixiyo marka dadka wadanka laga musaafurinayo, ayaan arintaas lagu wargalin. Waxaana kiisaska labadaas si qarsoodi ah looga shaqeeyay, maxkamad ay albaabadu u xiranyihiin.

-Dowlada Somaliya ma rabto in arintaas laga hadlayo:

Eva Singer oo ah madaxa ururka Flytninghjælp ayaa wargeyska Berglingske u sheegay in tarxiilka labadaas qof aan lagu soo wargalin, isla markaana ay tahay dhibaato, maadaama ururkoodu uu yahay midka ka talo-bixiya arimaha khuseeyo dadka wadanka laga saarayo. 

Dhamaan hey´adaha ku shuqul leh arintan ayaa ka gaabsaday inay wargeyska Berglingske faah-faahin dheeri ah ka siiyaan arintaas.  

Wasaarada soo galootiga iyo isdhexgalka ayaa wargeyska u sheegay aysan arintaas faah-faahin ka bixin karin, maadaama dowlada Soomaaliya aysan rabin in arintaas la ogaado. 

-800 qof ayaan dib u celineynaa:

Dhawaan ayey Denmark sheegtay inay Somaliya dib ugu celin doonto 800 qof oo qoxooti soomaaliyeed ah, kadib marka dib ugu qiimeyn lagu sameeyo magangalyadooda. Afartii qof ee ugu horeeyay ee dadkaas kamid ah ayay Denmark sheegtay inay ku wadaan in Somaliya loo celiyo mudo bil gudaheed ah. 

Warbaahinta dalka Denmark ayaa qoreyso, in dowlada dalkaas ayaa dadaal ugu jirto inay heshiis dib u celin ah la saxiixato dowlada Somalia. 

Xigasho/kilde: tv2.dk

[adsenseyu2]

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x