fredag, april 19, 2024

London: Wiilkii weerarka gaystay maskaxiyan ayuu u xanuunsanaa

Warar hordhac ah oo kasoo baxayo baaritaanka ay booliska magaalada London ku wadaan weerarkii uu wiilka soomaali norwiijiga ah uu ka danbeeyay ee ka dhacay magaaladaas ayaa sheegayo in uu xoogaysanayo shakiga ah in wiilkan uu mentall ahaan u xanuunsanaa. Booliska ayaa sheegay in ay wali wadaan baaritaanka ay ku wadaan goobtii uu wiilka degenaa iyo waraysiyo ay la leeyihiin dadka ka ag dhawaa. Waxayna sheegeen inay wali wadaan baaritaanka oo aysan sawir dhamaystiran ka bixin karin sababta uu wiilkan weerarka u geystay.

[adsenseyu1]

Nin daris la ahaa wiilkan mudo lix ilaa todobo sano ah ayaa sheegay in wiilkan uu xanuunsanaa mudooyinkii ugu danbeeyay oo dhan, marar badana uu arkey isaga oo kaligiis isla sheekaysanayo. Sidoo kale mid kamid ah qaraabada wiilkan ayaa warbaahinta u  sheegtay in wiilkan uu booliska wacay lix bilood kahor, isaga oo u sheegay inuu rabo inuu is-dilo. Ilaa mudo sadex jeer ah oo kala duwan ayuuna booliska wacay, isaga oo ku wargelinayo inuu rabo in hadii aan laga soo gaarin uu isdili karo. 

Qoyska wiilkan ayaa sidoo kale la sheegayaa inay dhowr mar xiriir la sameeyeen shaqaalaha goobaha lagu xanaaneeyo dadka maskaxiyan u xanuunsan, iyaga oo waydiisanayo caawimaad iyo in gacan laga siiyo wax u qabashada wiilkan. Saxaafada wadanka ingiriiska ayaa bilaabay in shaqaalaha goobaha caafimaadka ay ku eedeyeen inay dayacen wiilkan, isla markaana ay qayb ku lahaan karaan falkan uu wiilkan ku dilay halka qof, isaga oo dhaawacay shan kale.

Dhamaan qaraabada iyo dadka uu dariska la ahaa wiilkan ayaa sheegay in uu wiilkan ahaa mid aad u degan oo aan dhib iyo rabshad hore midna u sameyn jirin. Haweenay daris la aheyd wiilkan ayaa sheegay in ay ilaa hada aamini la-dahay in fal noocaas uu ka suuroobay wiilkan oo ay daris la ahayd mudo dheer.

19 jirkan oo lagu magacaabo Zakariya Bulxan ayaa hada kujiro xabsiga london, ayaa lagu soo oogay dacwo-danbiyeed dil ah. Waxa uuna Norwey ka guuray sanadkii 2002, isaga oo ilaa mudadaasna degenaa wadanka Ingiriiska.

Xigasho/kilde: VG, Sky News

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x