torsdag, april 18, 2024

EU& Libya: Waxaan xireynaa xuduud badeedka u dhaxeeyo Libya iyo Italy

Waxaa maanta magaalada Roma ka dhacay, kulan looga arinsanayay sidii wax looga qaban lahaa qulqulka qoxootiga kasoo gudba bada u dhaxeysa wadamada Libya iyo Italy. 

Reysulwasaaraha Libya Fayez  Al-Sarraj iyo dhigiisa dalka Talyaaniga Paolo Gentiloni, ayaa kulankaas kadib saxaafada u sheegay inay is-afgarad hor dhac ah, ka gaareen qaabka ay u xakameyn lahaayeen qoxootiga kasoo qulqulaya wadamada Africa. 

Waxaan xireynaa xuduudka Libya:

Reysulwasaaraha Talyaaniga Gentiloni ayaa sheegay inay xiri doonaan xuduud-badeedka u dhaxeeyo wadamada Libya iyo Talyaaniga, isla markaana wixii ay dad qabtaana ay dib ugu celin doonaan Libya.

Reysulwasaaraha Libya ayaa dhankiisa sheegay iney kordhin doonaan ciidamada ilaalada xuduudaha Libya ee saxaraha. Wuxuuna raaciyay in dadka ay ilaaladu dhulka saxaraha ka qabtaan, dib loogu celin doono Suudaan ama loo furi doono xeryo lagu hayo inta aan dib loogu musaafurin wadamadoodii. 

Midowga Yurub ayaa arintan taageerada dhaqaale ee ugu badan bixinayo, waxaana shir ku saabsan xakameynta qoxootiga uu ku socdaa dalka Malta.

Xigasho/kilde: Somalische,  Independent.co.uk

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x