fredag, mars 29, 2024

TV2: PST oo baaritaan ku sameyneyso walaalihii Bærum ee soomaalida ahaa

Muuqaal baahiyaha TV2 ayaa tabinayo in hey´ada nabadsugida iyo sirdoonka dalkan Norway ee PST, ay baaritaan ku saabsan ka qeyb-qaadasho argagisnimo, ku sameyn doonto labadii gabdhood ee soomaalida ahaa ee ku biiray ururka Daacish.

Labadan gabdhood ee walaalaha ah, ayaa sanadkii 2013 kabaxsaday magaalada Bærum oo ay degenaayeen, iyaga oo markaas da´ ahaan kala jiray 19 iyo 16 sano. 

Sida uu TV2 sheegayo, wali ma cada qodobka rasmiga ah ee labadan gabdhood ay PST ku eedeyn doonto. 

Gabyaaye: Waan ku kalsoonahay systemka cadaalada Norway

Aabaha dhalay labadan gabdhood ee Sadiq Abdullahi Gabyaaye, ayaa TV2 u sheegay inuu si nabad ah u seexan lahaa, hadii labadiisa gabdhood ay xabsi Norway kuyaalo kujiri lahaayeen. Isla markaana uusan sifiican u seexan karin, inta ay gabdhihiisa Siiriya ku maqanyihiin.

Gabyaaye ayaa raaciyay inuu aaminaad ku qabo systemka cadaalada Norway. 

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x