fredag, mars 29, 2024

Reysulwasaarihii hore ee Norway oo lagu xanibay bar-kontroll oo Mareykanka kutaalo, ogow sababta

Reysulwasaarihii hore ee dalkan Norway, Kjell magne Bondevik ayaa mudo saacad ah lagu heystay bar kontorool oo ay leeyihiin ilaalada xuduudka wadanka Mareykanka. Waxaana su´aalo laga weydiiyay Stempel kuyaalo passborkiisa diblomaasiga ah, kaas oo sheegaya inuu booqasho ku tagay dalka Iiraan.

Bondevik ayaa TV2 u sheegay in la waydiiyay su´aalo badan oo ku saabsan sababta uu Iiraan ugu safray iyo waxa uu Mareykanka ka dhex qaban doono. Wuxuuna sheegay in maadaama uu reysulwasaare hore ahaa, aysan cabsi laheyn inuu wadankaas booqasho rasmi ah ku tagay dhowr oo kala duwan.

Sida uu Bondevik sheegay waxa uu Mareykanka uga qeybgali lahaa, shir dadka ka hadli doono uu kamid yahay Donald Trump.

D.T ayaa xanibaad kusoo rogay in muwaadiniinta kasoo jeedo 7 wadan oo islaam ah, aysan Mareykanka soo gali karin mudo sadex bilood ah.

K. Magne Bondevik ayaa sheegay in hadii mid kamid ah magacyada wadamadaas uu muuqdo, uu qof walba indhaha kugu soo taagayo. Isaga oo raaciyay in arintaas ay abuureyso shaki aan loo baahneyn, ayna tahay wax laga caroodo.

Xigasho/kilde: TV2.NO, NRK

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x