fredag, mars 29, 2024

Gudiga cabashada NRK oo isbuuca soo socdo ka shiri doono cabashadii soomaalida ee barnaamijka NRK

Gudiga cabashada ee NRK ayaa isbuuca soo socdo leh shir looga hadlayo cabashooyinkii ay dadweynuhu kasoo gudbiyeen barnaamijka ka baxa TV-ga.

Gudigan ayaa sheegay inay soo gaareen cabashooyin tiro badan, sidaas darteed aysan kuligood ka wada shaqeyn karin. Ayna ku qasbanyihiin inay doortaan qaar kamid ah cabooshinkaas oo ay shirkooda uga hadli doonaan.

Cabashooyinkii ay soomaalidu kasoo gudbisay barnaamijkii Febraury ka baxay NRK ee Trygdekontoret, ayaa kamid ah waxyaabaha ay gudigaas kaga hadli doonaan shirkan dhaci doono isbuucan soo socdo.

Wixii ay kasoo saaraan shirkaas iyo jawaabta NRK, waan soo gudbin doonaa isbuuca soo socdo.

Xigasho/kilde: Journalisten.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x