tirsdag, april 16, 2024

Germany: Wiil soomaali ah oo mindi lagu dilay magaalada Nauen

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Germany, waxaa magaalada Nauen ee gobalka Brandenburg mindi lagu dilay wiil soomaali ah oo da´diisu ay aheyd 28 sano jir. Waxaan dilkiisa ka danbeeyay wiil kale oo soomaali ah oo da´diisu ay tahay 25 sano jir.

Warbaahinta Germany oo soo xiganeyso booliska magaalada Nauen ayaa qorayo in labadan wiil ee soomaalida ah uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah, kaas oo aakhirkii sababay inay mindi isku adeegsadaan. 

Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jiray Cabdalle ibrahim weerar, halka ninka dilka geystay lagu magacaabo Siciid Maxamed Cumar Jeex. 

Labadan wiil ee soomaalida ah ayaa la sheegay inay ahaayeen saaxiibo isku dhow. Waxeyna labadooduba Germanka soo galeen xili aan dheereyn.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x