fredag, april 19, 2024

UDI: 1761 qof soomaali ah ayaa sharciga degenaansho heshay sanadkii 2016

Hey´ada laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ayaa soo saartay tirakoobka dadka sanadkii lasoo dhaafay helay sharciga degenaanshaha rasmiga ah (Permanent oppholdstillatelse). 

Isku dar dad gaarayo 16 837 qof oo soo galooti ah ayaa sanadkii lasoo dhaafay shelay sharciga degenaanshaha rasmiga ah. Iyada oo guud ahaan 94% dadkii codsaday loo ogolaaday inay helaan sharciga degenaanshaha rasmiga ah.

1761 oo soomaali ah:

Sida ku xusan tirokoobka UDI, waxaa sanadkii hore sharciga degenaanshaha helay 1761 qof oo soomaali ah. Waxeyna soomaalida kujirtaa kaalinta labaad ee dadka ugu abdan ee helay degenaanshaha, marka laga soo tago Ereteriyaanka (hoos ka fiiri liiska dalalka oo dhan).

Tiradan ay UDI soo saartay ee ku saabsan soomaalida heshay degenaanshaha, ayaa ah mid xiiso gaar ah leh. Maadaama sanadkii hore ay UDI-du sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada 1600 qof oo soomaali ah. Waxaana jiro dad badan oo soomaali ah, kuwaas oo sanad iyo ka badan jawaab ka sugayo codsiyada degenaanshaha ay codsadeen.

Xigasho/kilde: UDI.NO

[adsenseyu2]

 

 

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x