onsdag, april 24, 2024

Denmark oo dalkeeda ka masaafurineyso wiil soomaali ah oo dhac u geystay oday waayeel ah

Maxkamada sare ee dalka Denmark ayaa go´aamisay in dalkaas laga masaafuriyo wiil soomaali 25 sano jir ah, kaas oo Denmark degenaa mudo 19 sano ah. Kadib markii lagu helay danbi ah inuu dhac u geystay oday waayeel 71-sano jir ah.

Dhacdadan loo xukumay wiilkan soomaaliga ah ayaa dhacday sanadkii 2015. Wuxuuna gurigiisa ugu dhacay odaygan 71-sano jirka ah, isaga oo ugu hanjabay mindi, isla markaana gaarsiiyay nabaro waaweyn, kana tagay isaga oo dhiig-baxayo.

Maxkamada darajada koowaad ayaa wiilkan oo markaas jiray 23-sano, ku xukuntay afar sano oo xabsi ah, laakiin dac-wad oogayaasha dowlada ayaa qaatay racfaan. Maxkamada darajada labaad ayaa xukunka wiilkan ku kordhisay lix bilood, iyada oo diiday inay aqbasho codsiga dac-wad oogayaasha ee musaafurinta wiilkan.

Mar labaad ayey racfaan qaateen, iyaga oo dacwada u gudbiyay maxkamada sare oo ugu danbeyn dac-wad oogayaasha dowlada ku raacday codsigeedii ahaa in wiilkan laga musaarufiyo Denmark.

[adsenseyu2]

Sida ay qorayaan warbaahinta Denmark, 25-jirkan soomaaliga ah ayaa horey usoo geystay falal-danbiyeedyo isugu jiro dhac iyo boob dadweyne. Waxeyna maxkamada sare ku saleysan go´aankeeda, in hadii wiilkan uu sii joogo dalkaas, ay u badantahay inuu mar kale falal-danbiyeedyo shaqsiyeed geysanto.

Maxmakada sare ayaa sidoo kale raacisay in ninkan uusan sifiican ula qabsan mujtamaca Denmark, uuna qaadan wax waxbarasho ah, isla markaana uusan xiriir la laheyn suuqa shaqada dalkaas. Taas oo ay sabab uga dhigtay in go´aankan uusan kahor imaan karin xeerka xuquuqul insaanka  midowga Yurub.

Xigasho/kilde: Politiken.dk, MX.DK

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x