torsdag, mars 28, 2024

Imisa qof oo soomaali ah ayaa sanadkii hore(2016) heshay sharciga jinsiyada dhalashada Norway?

Hey´ada laanta socdaalka ee UDI ayaa soo saartay tirada inta qof ee heshay sharciga jinsiyada dalkan Norway, sanadkii hore ee 2016.  Isku-dar dad tiro ahaan gaarayo 13 704 qof ayaa sanadkii hore noqday muwaadiniin norwiiji ah, kadib markii ay heleen sharciga jinsiyada(hoos ka fiiri tira-koobka UDI-da).

Dad soomaaliyeed oo tiradoodu ay gaareyso 1 194 qof ayaana kamid ah dadkaas sanadkii hore helay sharciga jinsiyada dhalashada wadankan. Waxeyna soomaalidu kujirtaa kaalinta 2-aad ee dadka ugu badan ee sanadkii hore helay sharciga dhalashada, marka laga reebo dadka kasoo jeedo dalka Ereteriyaanka. 

 

Tirada dadka soomaalida ah ee sanadkii hore qaatay sharciga jinsiyada, ayaa waxaa ku yimid kor u kac aad u badan. Iyada oo sanadkii kasii horeeyay ee 2015 ay jinsiyada heleen 450 qof oo soomaali ah. (Halkan ka akhriso warbixintii aan arintaas ka qorney bishii Mai ee sanadkii hore).

Xigasho/kilde: UDI.NO (Halkan ka fiiri liiska oo dhan). 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x