torsdag, mars 28, 2024

Xayiraadii Donald Trump oo markale cirka loo laaley. D.T VS Nidaamka maxkamadaha US

Xaakin katirsan gobalka Hawaii ayaa si kumeel gaar ah u joojiyay xayiraadii uu Donald Trump kusoo rogay muwaadiniinta kasoo jeedo 6 wadan oo islaam ah. Waxeyna noqon doontaa markii labaad oo uu xaakin isla horistaag ku sameeyo wareegtooyinka amar ku taagleynta ah ee Donald Trump.

Bil kahor ayey aheyd markii xaakin ka tirsan kuwa federaalka uu laaley xayiraadii koowaad ee Donald Trump uu kusoo rogay 7 wadan oo islaam ah. D.T ayaa dib ugu noqday sharciyada xayiraadiisa, isaga oo isbadal weyn ku sameeyay. Laakiin markii labaad ayaa hadana laga horistaagay fulinta wareegtada uu kusoo saarey xayiraada.

Arintan ayaa markale cashar xaga dowladnimada ah u noqon doonto Donald Trump, oo dowladnimada u qaatay inay tahay shirkad ganacsi oo uu qofku milkiyad u leeyahay. 

Xigasho/kilde: NTB.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x