torsdag, april 25, 2024

Maxaan ka baran karnaa cabashadii soomaalida ee barnaamijkii NRK?

20-kii bishii bishii hore ee Febraury ayey aheyd markii uu soo baxay barnaamijka trygdekontoret ee ku saabsanaa soomaalida Norway. Isla maalinkiiba waxey soomaalida Norway bixiyeen dareen xoog leh oo ku saabsan barnaamijkaas, waxyaabaha looga hadlay, dadka lagu casuumay iyo waliba qaabka loo dhigay.

Dad badan oo ka xanaaqsan barnaamijkaas ayaa naga codsaday inaan warqad cabasho/klage ah ah aan u dirno NRK, si aan u muujino dareenka soomaalida ee ku aadan barnaamijkaas.  Balse Waxaan go´aansanay inaan dadka usoo bandhigno feylka cabashada ee gudiga dib u eegista barnaamijyada ka baxa NRK, inaga oo dadka xusuusinayno in NRK lagu maamulo qeyb kamid ah canshuurta nalaga qaado. Isla markaana qofkii dacwad ka qabo barnaamijkaas uu si toos ah ula xiriiri karo NRK, isaga oo aan cid kale sii marin.

[sdonations]1[/sdonations]

Waxaa jirtay dad qabay fikrad ah, cabasho/klage wax masoo kordhineyso ee yeysan dadku isdaalin.

Maanta ayey timid natiijada cabashada ay direen dadka soomaaliyeed ee ka xumaa qaabka loo dhigay barnaamijkaas. Waxeyna noqotay mid waji-gabax ku ah TV-ga qaranka, gaar ahaan wariyihii barnaamijka waday. Inkasta oo aan dareensanahay in tiradu ay intaas ka badantahay, hadana gudiga cabashada NRK, ayaa sheegay in dadka klagaha usoo diray ay dhamaayeen 70 qof.  Warbaahinta Norway ayaa ilaa maanta hadalheyso arintaas, waxaana wax ka qoray tobanaan wargeys.

Maxaan ka baran karnaa bulsho ahaan arintaas:

  1. Wadankan waan deganahay, waxaan bixinaa canshuur, caruur ayaa noogu koreyso, mujtamacana qeyb ayaan kanahay. Sidaas darteed wixii ku saabsan danteena,  yaanan cidna marti sharaf uga noqon.

  2. In mar walba ay muhiim tahay inaan muujino dareenkeena ku aadan waxyaabaha dhaawaca u keeni karo sumcadeena, islamarkaana niyada ka dili kara ubadka wadankan ku koray ee aanan laheyn adkeysiga dadka waaweyn.

  3. Inay muhiim tahay in mar walba si wadar/koox ah wax loo wada qabto. Hadii 10 qof ay Klage diri laheyd, cidna wax kama soo qaadeen. Balse mar walba oo tirada ay badato, waxaa xoogeysanayo culeyska arintaas.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x