Tan iyo markii ay cadaatay in ninkii weerarka ka geystay Stocklom uu ahaa nin sharciga magangalyada loo diiday, waxaa soo badanayo cadaadiska saaran dowlada Sweden ee ku aadan dadka magangalyada loo diiday, balse wali kusii sugan dalkaas.
Rakhmat Akilov oo ahaa ninkii ka danbeeyay weerarka lagu dilay afarta qof, ayaa ahaa nin loo diiday sharciga magangalyada, isla markaana lagu amray inuu wadanka isaga baxo. Warar kale ayaa sheegayo in booliska ninkaas ay raadinayeen, si ay wadanka uga saaraan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo qof loo diiday sharciga magangalyada uu Sweden ka geysto fal danbiyeed aad weyn. Sanadkii 2015, waxaa weerar lagu dilay labo qof dalkaas ka geystay nin Ereteriya kasoo jeedo, kaas oo la siiyay diidmo. Ninkan ayaa dukaanka Ikea ee magaalada Vesterås dhexdiisa, mindi ku dilay hooyo iyo wiilkeeda oo dukaanka ka adeeganayay. Waxaana hada lagu xukumay xabsi daa´in.
Dowlada Sweden ayaa sheegtay in wadankaas ay kunoolyihiin ilaa 12.000 qof, kuwaas oo heysto diidmo xaga sharciga magangalyada ah. Waxaana lagu wadaa in tiradaas ay kor usii kacdo, maadaama dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay soo bateen dadka diidmada ka helaya codsiyadooda magangalyada.
Anders Ygeman oo ah wasiirka arimaha gudaha Sweden, ayaa sheegay in dowladiisu ay dar-dar galineyso tarxiilka dadka heysto diidmada magangalyada, isla markaana lagu amray inay wadanka isaga baxaan. Wuxuuna raaciyay in dowladiisu ay kor u qaadi doonto awooda booliska, iyada oo siin doonto kharashaad dheeri ah oo ay howshaas ku filiyaan.
Anders Ygeman ayaa sidoo kale sheegay in boolisku ay kor u qaadi doonaan kontrollka goobaha ganacsiyada dadka soo galootiga ah, si looga hortago in dadka heysto diidmada sharciga magangalyada, ay si suuq-madow ah uga shaqeeyaan dalkaas gudahiisa. Arintan ayuu wasiirka u cuskaday in ninkii geystay weerarkii Stocklom jimcihii lasoo dhaafay, uu in mudo ah si sharci daro ah uga shaqeynayay goob ganacsi.
Xisbi-yaraha Kystpartiet ayaa siyaasiga soomaaliga ah ee lagu magacaabo Ahmed Warsame, ka dhigay musharaxa koowaad ee baarlamaanka ee xisbigaas uga sharaxan gobalka Troms.
Sida uu qorayo wargeyska framtidinord, Ahmed Warsame ayaa xisbigaas katirsanaa in mudo ah, wuxuuna gudoomiya ka yahay laanta xisbigaas Kystpartiet ee magaalada Tromsø.
Maalintii jimcaha aheyd ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa warbaahinta Norway aad looga hadalhayay in madaxweynaha Soomaaliya uu xil sare u magacaabi doono Mahad Abiib oo dowlada Norway ay kala noqotay sharciga jinsiyada(Halkan ka akhri warkaas).
Klassekampen oo ahaa wargeyskii warkaas qorey, warbaahinta kalena ay kasii xigatay ayaa hadana maanta soo qoray in warkaas uu ahaa mid aan run aheyn. Iyaga oo cadeeyay in madaxweynaha Soomaaliya, M.A. Farmaajo uusan wax xil ah ah u balan-qaadin Mahad Abiib.
-Keyse Said Artan Ma ahan la taliyaha madaxweynaha
Klassekampen ayaa jimcihii sheegay inay warkaas kasoo xigteen Keyse Said Cartan oo ay sheegeen inuu yahay la taliyaha madaxweynaha. Balse maanta ayey hadana soo qoreen in Keyse uusan aheyn la taliyaha madaxweynaha, balse uu yahay gudoomiyaha xisbiga Tayo ee dalkan Norway.
Wargeyska Klassekampen, ayaa waxaa warka ku saabsan arintaas kasii ka xigtay wakaalada wararka Norway ee NTB. Taas oo warkaas gaarsiisay inta badan wargeysyada iyo warbaahinta Norway sida NRK, TV 2, VG, AFTENPOSTEN, AFTENBLADET, DAGBLADET, NETTAVISEN OSV.
NorSom News oo soo xiganeyso Klassekampen ayaa sidoo kale warkaas af-soomaali ku qortay, waxaana naga sii daabacday warbaahino badan oo soomaali ah. Galabtii jimcaha ayaa waxaa sidoo kale wareysi nasiiyay Mahad Abiib oo sheegay inuu u mahad-celinayo madaxweyne Farmaajo oo markaas uu sheegay inuu xil u magacaabi doono(Halkan ka daawo wareysiga Mahad Abiib).
Isku soo wada duuboo, waxaa hada cadaatay in warkaas uu ahaa mid aan sax aheyn.
Xigasho/kilde: Papir-avis(Tirsdag 11-04-2017, side 5)
Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Sweden, Rakhmat Akilov oo ah ninkii ka danbeeyay weerarkii Stocklom, ayaa ahaa mid ay booliska Sweden ku raad-joogen bilihii ugu danbeeyay, si ay wadanka uga tarxiilaan maadaama loo diiday sharciga magangalyada.
Rakhmat Akilov oo dhalasho ahaan kasoo jeedo dalka Uzbekistan ayaa weerarkii jimcihii ku dilay 4 qof, halka ku dhaawacmeen tiro toban qof ka badan. Waxaana uu qirtay inuu ka danbeeyay weerarkaas, isaga oo raaciyay inuu amar ka helay kooxda Daacish.
[adsenseyu2]
FRP: Arintaas waxey noo tahay Digniin
Xisbiga FRP oo u eg mid ka faaíideysanayo weerarka Sweden ayaa sheegay in arintaas ka dhacday Sweden ay sidoo kale ka dhici karto Norway. Isla markaana loo baahanyahaya in booliska la siiyo awood dheeri ah si ay dadka lagu amray inay wadanka isaga baxaan, looga tarxiilo wadanka.
Maxkamad kutaal degmada Kolding ee dalka Danmark, ayaa hooyo iyo aabe soomaali ku xukuntay sanad iyo bar xabsi ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay gabdhahooda gudeen. Hooyada gabdhaha dhashay ayaa waxaa sidoo kale lagu xukumay xukun musaafurin ay shuruud ku xirantahay ah, maadaama aysan heysan dhalashada dalkaas Denmark.
Waalidiintan soomaalida ah ayaa iska fogeeyay fal-danbiyeedka lagu soo eedeeyay, iyaga oo sheegay ineysan gudin gabdhahooda balse ay tahay arin been-abuur ah oo lasoo agaasimay.
Maxkamada ayaa xukunkeeda u cuskatay baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay gabdhaha. Taas oo sida ay maxkamadu sheegtay lagu ogaaday in gabdhahan lagula kacay gudniin.
Xukunka xabsiga ah waxaa sii dheer in waalidiintan lagu xukumay inay lacag magdhow ah oo gaareyso 25.000 DKR ay siiyaan mid walba oo kamid ah gabdhahooda.
Dhakhtar kuwa haweenka ah oo gabdhahn baaritaan ku sameeyay ayaa sheegtay in gabdhahan aan la gudin, ama uu shaki kujiro iney la kulmeen gudniin. iyada oo maxkamada ka marqaati furtay arintaas.
Sidoo kale dhakhtar gaar ah oo waalidiintan ay dalbadeen, isla markaana gabdhaha ku sameeyay baaritaan ayaa isna dhankiisa sheegay ineysan muuqan wax cadeyn ah uu tilmaameyso in labadan gabdhood lasoo guday.
Macalimada mid kamid ah labada gabdhood ee waalidiintan soomaaliyeed, ayaa booliska kusoo wargalisay arintan, iyada oo sheegtay in gabdhahan lagu soo guday Afrika sanadkii 2015 oo ay fasax u aadeen.
Waalidiintan soomaaliyeed ayaa isla maantaba racfaan ka qaatay xukunka xabsiga ah ee lagu riday.
Barnaamijkan wuxuu katirsanyahay barnaamijyo taxane ahaa oo ka bixi jiray tv-ga qaranka Norway ee NRK, laguna magacaabi jirayKorrespondentbrev fra Afrika. Wuxuunaamarkii ugu horeysay shaashada NRK laga soo sii daayay 7.Juli 1980.
Waxaad barnaamijkan ka ogaaneysaa waxyaabo badan oo sawir fiican ka bixinayo ay Soomaaliya xiligaas ku sugneyd:
Muhiimada dekada Ber-bera.
Dagaalkii ka dhaxeeyay labadii labadii awood(Hantiwadaag/shuuciyad iyo hanti-goosi/impiriyaalisim) ee maamulka qaarada Afrika isku hardinayay xiligaas.
Dagaalkii Ethopia iyo Somalia iyo qoxootigii ka dhashay dagaalkaas.
Maamulkii kaliye-talisnimo ee Siyaad-bare iyo saameynta uu nidaamka shuuciyada iyo propogaandadiisu uu ku lahaa wacyiga shacabka soomaaliyeed ee xiligaas noolaa.
Magaalada Muqdisho iyo sidii ay senter ugu aheyd wax walba oo ka socdo Soomaaliya.
Dowlada Norway ayaa rabta inay soo rogto sharuud cusub oo ku saabsan dadka ka shaqeeyo xarumaha xanaanada caruurta(Barnehage). Waxeyna soo jeedisay in dadka rabo inay ka shaqeeyaan xarumahaas, lagu xiro shuruud ah inay kusoo baaseen imtixaanada Norske Prøve 3 Muntlig iyo Norsk prøve 2 Skriftlig.
Shardigan ayaa qaban doono dadka raba inay codsadaan shaqada xarumaha xanaanada caruuurta, wixii hada ka bilowdo. Wuxuuna shardigan qaban doonaa dadka aan laheyn aqoon sare oo ku saabsan ka shaqeynta xarumaha xanaanada.
Dowlada ayaa sidoo kale sheegtay in xarumaha xanaanda caruurtu ay u fasaxanyihiin in qofka aysan ku xirin shardigaas, hadii uu leeyahay aqoon kale oo kabi karta ama buuxin karta.
Dad badan ayaa horey uga soo dacwooday in qaar kamid ah dadka soo galootiga ah ee ka shaqeeyo xarumaha xanaanada, aysan si fiican isku fahmin waalidka dhaley caruurta, aqoonta luuqada oo liidato darteed.
Wasiirka waxbarashada Norway ayaa sheegay in hadii la rabo in xaalada caruurta sifiican loola socdo, isla markaana uu xiriir wanaagsan dhex-maro waalidka iyo qofka ka shaqeeyo barnehagaha, ay muhiim tahay inay jirto aqoon wanaagsan oo xaga luuqada ah.
Dowlada ayaa soo jeedintan u diri doonto baarlamaanka, waxaana looga soo jawaabi doonaa inta aan la gaarin 19. bisha juni ee sanadkan.
Booliska Sweden ayaa shaley galabkii nin 39 jir ah u qabtay weerarkii loo adeegsaday gaariga xamuulka ah(lastebil), kaas oo ay ku geeriyoodeen afar qof, sideed kalena ay ku dhaawacmeen.
Warbaahinta Sweden ayaa qoreyso in ninkaas weerarka loo qabtay uu kasoo jeedo dalka Uzbekistan, isaga oo la sheegay inuu xiriir la lahaa ururka Daacish. Waxaana la sheegay in 39-jirkan uu horey ugu jiray liiska dadka ay ilaalada ku heyso, hey´ada nabad-sugida Sweden.
Weerarkii shaley ayaa ahaa mid loo adeegdaday gaari xamuul ah, isaga oo ninkan uu gaariga dulmariyay dad shacab ah oo ka ag-dhawaa Senterka ugu weyn magaalada Stocklom, isaga oo markii danbe gaariga la galay dukaamo kuyaal senterka. Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay waxyaabaha qarxa ka dhex-heleen gaariga dhexdiisa.
Booliska Sweden ayaa adkeeyay xuduudaha Sweden ay la leedahay wadamada dariska ah oo Norway kamid tahay, kadib markii uu shaley dalkaas ka dhacay weerar argagaxisnimo oo ay ku dhinteen dad gaarayo 4 qof.
Booliska Sweden ayaa dhamaan dadka soo galayo dalkaas ku booriyay inay horey usoo qaataan passportkooda(cadeynta aqoonsigooda), si ay ugu fudududaato soo galitaanka Sweden.
Garoomada diyaaradaha dalka Sweden ayaa waxaa sidoo kale ka socdo baaritaano ay wadaan laamahan amaanka, sidaas darteed waxaa jiro dib u dhacyo xaga duulimaadyada ah.
Booliska Sweden ayaa sheegay inay weerarkii argagaxiso ee maanta ay u qabteen nin 39-sano jir ah, kaas oo la sheegay inuu xiriir ururka Daacish.
Ninkan ayaa la sheegay inuu ahaa aabe dhalay afar caruur ah, wuxuuna ka shaqeyn jiray dhismaha.
Reysulwasaaraha Sweden ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid argagaxiso, isaga oo ka codsaday dadweynaha inay u hogaansamaan amarada hey´adaha amaanka. Wuxuuna sheegay inuu dareenka murugada la qeybsanahyo qoysaskii ay ka baxeen dadka geeriyooday.
Ugu yaraan sadex qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena wey ku dhaawacmeen weerar argagaxiso oo daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Stocklom ee dalka Sweden. Weerarkan ayaa ahaa mid loo adeegsaday baabuur kuwo xamuulka ah oo lala galay goob dukaan ah oo dad ay ka adeeganayeen
Reysulwasaaraha dalka Sweden oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in wax walba ay tilmaamayaan in weerarkan uu ahaa mid argagaxiso, isla markaana ay boolisku soo qabteen qof looga shakisanyahay inuu weerarkan ka danbeeyay.
Wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB ayaa qoreyso in madaxweynaha Soomaaliya M.A Farmaajo uu sheegay in DFS ay cafis u fidineyso dhalinyarada kasoo baxa Al shabaab, hadii ay dowlada isku soo dhiibaan mudo 60 cish gudaheed ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al shabaab, isaga shacabka ka codsaday inay ciidanka garab istaagaan.
NTB ayaa sidoo kale xustay xil ka qaadista uu Farmaajo ku sameeyay taliyeyaasha ciidanka SNA, booliska iyo nabad sugida.
Somalias ferske president Mohamed Adbullahi Mohamed tilbyr amnesti til al-Shabaab-opprørere som overgir seg innen 60 dager.
Samtidig erklærte han en ny krig mot den væpnede islamistgruppa som har herjet landet i over ti år.
– Jeg erklærer en krigstilstand i landet og ber folket stå bak den nasjonale hæren i kampen mot terroristene, sier presidenten, som er kjent ved kallenavnet Farmajo.
Farmajo, som tok over som president i februar, erstattet torsdag toppsjefene i både hæren, politiet og den nasjonale etterretningstjenesten.
Dacwad-oogayaasha Booliska ayaa sidoo kale maxkamada ka codsaday inay hooyadan ka musaafuriso dalkaas, maadaama aysan heysan dhalashada Denmark. Balse maxkamada ayaa ku gacan-seyrtay codsiga dacwad oogayaasha, iyada oo diiday dalbashada ay soo gudbiyeen ee musaafuriska ah.
Hooyadan ayaa iska fogeysay dhamaan danbiyada lagu soo oogay, iyada oo sheegtay ineysan wax danbi ah geysan. Sidoo kale gabar kamid ah gabdhaha ay dhashay ayaa maxkamada horteeda kaga noqotay sharaxaad ay horey u siisay booliska.
Waxaa maxkamada la horkeenay cadeymo ka socdo dhakhaatiir baaritaan ku sameeyay caruurta. Waxaana ay maxkamadu sheegtay in jirka labo gabdhahood ay hooyadan dhashay, ay ka muuqdaan nabaro tilmaamaya jirdil.
Sidoo kale maxkamada ayaa hooyadan ku weyday danbiga lagu soo oogay qeyb kamid ah, kaas oo ah inay jirdil u geysatay labo wiil oo ay dhashay.
Fawzi Abdirashid Warsame wuxuu ku dhashay magaalada Oslo, taariikhdu markay ahayd 15 kii sebtember 1998. Fawzi Wuxuu uu ka baxay dugiga hoose/dhexe ee Bjølsen ee ku yaal magaalada Oslo. Markii uu dhameeyay fasalka 10-aad ee dugsiga dhexe wuxuu billaabay Dugsiga Sare ee Nydalen oo ku yaal magaalada Oslo. Iskuulkan ayaa ka mid ah dugsiyada sare ee ugu caansan dalkan Norway, waxaana aad u dag soogelitaanka dugsigaas maadaama uu yahay mid aad iyo aad loo jecel yahay.
Fawzi isagoo aad u yar oo 10 jir ah ayuu ku biiray maamulka ururka ardayda( Student Council Committee) ee iskuulka Bjølsen ee uu dhiganaayey, sanadihii ugu dameeyayna wuxuu ahaa hoggaamiyaha ururkaas (Leader of Student Council»). Intii uu ahaa gudoomiyaha ururka ardayda iskuulkaas wuxuu xoogga saaray in ardaydu helaan qado lacag la’aaan ah (free lunch ) iyo in adag looga hortago midab kala sooca ardayda dhexdeeda.
Ka mid noqoshadii xisbiga shaqaalaha:
Fawzi siyaasada ayuu kusoo biiray isagoo aad u da`yar. waxyaabihii siyaasadda ku dhiirri geliyeyna waxaa ka mid ahaa doorashadii madaxweynanimo ee Barack Obama, USA. Waxaa uu Fawzi si toos ah iska diiwaan geliyay garabka dhallinyada ee Xisbiga Shaqaalaha (Arbeidsparti Ungdomsforening; AUF ) ee Norway taariikhdu kolkii ay ahayd 30- kii bishii sebtemer ee sannadkii 2011, isaga oo markaas 13 sano jir ahaa. Xisbiga Shaqaalaha ( Arbeidspariet «Labour Party») waa xisbiga siyaasadeed ee ugu weyn dalka Norway, Waxaana uu talada dalka hayey wakhti aad u badan.
Fawzi waxaa uu ahaa qofkii ugu da`da yaraa ee ka qaybgalay Kulankii sannad-laha ahaa ee xubnaha maamulka ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee sannadkii 2012-ka. Bishii janaayo17-kii ee sannadkii 2013-kii ayaa Fawzi loo doortay innu noqdo hoggaamiyaha ururka dhalinyada ee AUF ee Degmada Sagene oo ka mid ah 13-ka degmo ee Oslo. Wuxuuna uu Fawzi sidaas ku noqday guddoomyihii ugu da’da yaraa ee hoggaamiyeyaasha garabka dhallinyarada ee Xisbiga Shaqaalaha. Doorashashadii golaha degaanka ee Norway ee sannadkii 2015-kii waxaa uu Fawzi si aad ah uga qayb qaatay doodihii doorashada ee ardayda dugsiyada sare. Doodihii kululaa ee uu Fawzi kusoo bandhigay isbedelada wanaagsan ee siyaasada xisbigu keeni doonto waxaa uu ku kasbaday sumcad iyo coddad tiro badan.
Sanadkii 2016-kii ayuu Fawzi ka degay guddoomiyanimada ururka dhalinyarada xisbiga (AUF) ee degmada Sagene. Waxaa uu markaas ku biiray hoggaanka dhexe ee xisbiga qaybtiisa dhalinyarada ee gobolka Oslo, waxaana isla wakhtigaas loo doortay inuu noqdo xiriiriyaha arimaha siyaasadda ee caalamiga ah ee Oslo AUF.
Howshii xafiiska Qaramada Middoobey ( UN) Oslo:
Fawzi waxaa kale uu ka mid noqday xubnaha maamulka ururka dhalinyarada heer yurub ah ee qayba Oslo.(Oslo European Youth) ee gobalka Oslo. Waxaa kale oo loo doortay inuu ka mid noqdo kooxda dhalinyada ee xiriirka xafiiska Qaramada Midoobay ee Oslo (FN-Sambandets Ungdomspanel «UN Youth Volunteer in Communications) . Lix qof oo dhalinyaro ah ayaa sannad kasta xafiiska QM ee Oslo ka soo xushaa dalka oo dhan, kuwaas oo muddo hal sano ah la shaqeeya xafiiskaas Qaramada midoobey. Dhalinyaradaas lasoo xulay waxaa ay wax ka qoraan mawduucyo la xiriira ama taabanaya shaqada QM. Fawzi waxaa uu qoray ilaa 10 maqaal (articles) sannadkii uu xubinta ka ahaa dhalinyarada Qaramada midoobey u shaqeynaayey.Maqaaladaas qaar ka mid ah waxaa lagu daabacay wargeyska ugu weyn dalka Norway ee Aftenposten. Dhammaan qoraaladaas waxaa kaloo lagu daabacay hoyga internetka ee xafiiska QM ee Oslo. Fawzi qoraaaldiisu waxay taabanayeen arimaha bii’adda, mucaawinada dalka Norway siiyo waddamadda soo koraya iyo arrimo la xiriira nabadgelya. Qaar ka mid ah Qoraalada Fawzi waxaa istimaala iskuulada oo u adeegsada inay ardaydu ka doodaan micnaha qoraalka iyo farriinta uu xambaarsan yahay.Sannadkii 2015 waxaa Fawzi loo doortay hoggaanka guddiga golaha degaanka ee dhallinyarada ee degmada Sagene (leder av Barne- og Ungdomsrådet i bydel Sagene «leader of Sagene District Youth Council»). Golahani waxaa uu maamulka degmada talo ka siiyaa arrimaha ku aaddan caruurta iyo dhallinyada degmada Sagene ku nool. Tusaale ahaan baahida kala duwan ee la xiriirta garoomada ciyaaraha kala duwan, goobaha madadaalada dhallinyarada ee waqtiga ay iskuula fasaxa ka yihiin iyo barnaamijyada kale ee dhallinayada la xiriira.
Deeq waxbarasho:
Bartahii sannadkii 2016 Fawzi wuxuu ku guulaystay deeq waxbarasho oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ay u fidiso dhallinyarada hormuudka ka ah dalalka Yurub. Barnaamijkan deeqda waxbarasho ayaa ah mid sanadkiiba hal mar la soo agaasimo ,waxaana lagu magacaabaa (The Benjamin Franklin Transatlantic Fellows Summer Institute). Safaaradaha Maraykanku ku leeyahay waddamada Yurub ayaa midka kasta waxay soo xushaa hal qof dhallinyaro ah dalkaasi metela. Waxaa Fawzi nasiib u yeeshay in Safaaradda Maraykanka ee Norway ay u xulato inuu noqdo qofka dalka Norway u metelayay deeqdaas waxbarasho. Dhallinyadaas waxaa lagu xereeyaa xilliga xagaaga (summer) Jaamacadda Wake Forrest University oo ku taal magaalada Winston-Salem ee gobalka North Carolina ee dalka maraykanka. Waxaa ay halkaas muddo illaa sideed asbuuc ah ku qaataan tababarro la xiriira hoggaaminta, badbaadinta bii’ada & isbedelka cimilada, xuquuqda aadamiga, dagaalada iyo xasiloonida dunida IWM.
Barlamaanka qaranka Norway:
Bishii Sibtember ee 2016 waxaa Fawzi loo doortay inuu ka mid noqdo xubnaha xisbiga shaqaalaha ee u sharraxan baarlamaanka qaranka Norway ee doorashada dhici doonta bisha Sibtember ee sannadka 2017. Waana murshaxa xildhibaan ee ugu da’da yar ee Xisbiga Shaqaalaha, Waxaana laga yaabaa inuu Fawzi noqdo tartamaha ugu da’da yar murashixiinta barlamaanka 2017-ka ee xisbyada siyaasadda ee Norway oo dhan. Fawzi waa xildhibaanka soomaaliyeed ee ugu fursada fiican inuu guulo wax ku ool ah ka gaaro siyaasada dalka Norway. Waxaa uu aad u fahmey oo uu kusoo barbaaray siyaasada dalkan isagoo ku biiray wakhti uu aad u da`yaraa. Qaar ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Norway ayaa Fawzi ugu yeeray ” Obamihii Soomaalida”
Yoolka Fawzi iyo tallooyin uu soo jeediyey:
Fawzi waa siyaasi ka duwan siyaasiyiintii hore ee soomaalida ee guud ahaan dalalka yurub gaar ahaana dalka Norway. Waa siyaasi soo maray dhamaan heerarka ay soomaraan madaxda sare ee dalka Norway, oo dhamaantood sida Fawzi dhalinyaranimo ku galay siyaasada, madaxna kasoo noqday ururada dhalinyarada iyo ururo kaleba.
Fawzi ayaa mar aan waraysi la yeeshay ii sheegay inuu doonaayo inuu taariikh reebo.Inuu saamayn yeesho, inuu tallada iyo hogaanka dalka wax ku biiriyo. Inuu muujiyo in ay suurtogal tahay inaad gaarto yoolka aad leedahay nolosha haddii aad shaqo fiican la timaado ilaahayna aad talo saarato.
Waxaan ahay soomaali iyo Norweyjiyaan labadaba, waxaana doonayaa in magaca dadka soomaalida ahi meel sare gaaro. Waxaan doonayaa inaan dhalinyarada u muujiyo inuu damac inaga geli karo u tartamida xafiisyada ugu sareeya dalka Norway iyo dalalka kaleba, ayuu yidhi Fawzi. Waxaa uu intaas ku daray in guushu u baahan tahay shaqo, dadaal, tacliin, iyo dhiirigelin inaad mar kasta hesho. Fawzi waxaa uu dhalinyarada kula dardaarmay 10 qodob oo muhiim ah:-
In ay noqdaan kuwo aaminsan naftooda, lehna kalsooni
Iney ku dadaalaan tacliinta, awooda ugu weyna geliyaan
Iney ku biiraan ururada kala duwan ee dalka ka jira sida xisbiyada, ururada heer yurub, kuwa caalamiga ah iyo kuwa degmooyinka
In mar kasta dhalintu ku dadaalaan iney yeeshaan xiriir bulsho oo balaadhan ( socialnetwork)
Iney la saaxiibaan dadka wanaagsan ee higsanaaya meelaha sare
In qof kastaa meesha uu joogo ku dadaalo inuu wax ka noqdo oo sharaf ku yeesho
In la dhegeysto tallooyinka wanaagsan ee dadka waaweyn ee khibrada leh
In kolka ay qayb guul ah gaaraan aaney qancin oo meel fadhiisan balse ay u gudbaan iney raadiyaan guulo kale oo taas ka waaweyn
In qof kastaa ogaado qofka uu yahay ( identity) si aanu jahwareer u gelin.
Iney ku biiraan siyaasada dalalka ay joogaan.
Ugu damayn waxaa uu Fawzi dhamaan dadka oo dhan ka codsaday duco iyo taageero. Gaar ahaan dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway waxaa uu ka codsaday iney taageeraan musharaxnimadiisa iyo dadaalka uu ku jiro.
Mahadcelin: Waxaan u mahadcelinayaa aabaha dhalay Fawzi Dr Abdirashid Warsame oo ah dhakhtar ka shaqeeya cisbitaalada Norway. Dr Abdirashid ayaa ii igala qaybqaatay ururinta warbixinta Fawzi. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Fawzi oo isagoo mashquulsan mar walba diyaar u ahaa inaan waco oo waraysi iyo wax weydiin la yeesho.
Ujeedada qoraaladaan: Waxaan isku dayaa oo aan wakhti badan geliyaa inaan soo helo, kor u qaado waxna ka qoro dhamaan dadka soomaaliyeed ee soo hoyey guulaha waaweyn. Ujeedada aan ka leeyahayna waxaa weeye iney qofkaas dadaaley dhiirigelin u noqoto iyo in dadkeenu kalsooni helaan, kuna daydaan dadkooda wanaagsan.
MAHADSANIDIN
C/risaq Maxamed xuseen ( ina-xuseen dheere)
Eskilstuna, sweden
habdirisak@hotmail.com
Xogyahaya guud ee ururka IRN iyo waliba gudoomiyaha gudiga, waxey labuduba kasoo jeedaan Pakistan. Waxeyna labadooduba ka socdaan hal masjid oo kamid ah kuwo xubnaha ka ah dalada ururada islaamka.
IRN ayaa dhowr lagu eedeeyay ineysan qowmiyadaha kale ka qeybgalinin gudiga maamulka dalada. Qowmiyado muslimiin ah oo ay kamid yihiin Turkida iyo Boosniyaanka oo tiro ahaan aad ugu badan Norway, ayaan ka dhex muuqan gudiga dalada IRN.
Ma cada meesha ay kasoo jeedaa 3-da qof ee kale ee katirsan gudiga maamulka dalada islaamiga ah, balse sida NorSom News kasoo xiganeyso ilo xog-ogaal hal qof oo soomaali ah ayaa kamid ah gudiga maamulka dalada ururada islaamiga ah.
Soomaalida ayaa tiro ahaan ah qowmiyada islaamka ah ee ugu weyn Norway, Sidoo kale masaajidada Oslo dadka ugu badan ee salaada ku tukudo waa Soomaali, xitaa masaajida ay leeyihiin qowmiyadaha kale sida Pakistanida.
Hadii aad fiiriso liiska masaajidada islaamiga ah ee ka diiwaan-gashan dalada, wey ku yaryihiin ama kuma jiraanba masaajidada ay soomaali maamulkiisa gacanta ku heyso.(Halkan ka fiiri)
Irfan Mushtaq oo katirsan gudiga maamulka IRN ayaa sheegay in lala xiriiray masaajidada qowmiyadaha aan Pakistaanida aheyn, iyaga oo lagu dhiiragaliyay iney kasoo qeybgalaan doorashada gudiga. Isaga oo raaciyay ineysan waxbo dhimeynin in dad isku qowmiyad kasoo jeedo ay u badnaadaan maamulka, hadii prosseska doorashada uu yahay mid ku dhisan hab dimuqraadi ah.
IRN ayaa ah dalad aad uweyn oo miisaan iyo qadiyad ahaanba muhiim ah, marka laga hadlayo danaha dadka muslimiinta ah ee Norway kunool. Waana dalada bixiso leysinka halaaleynta cuntada lagu iibiyo dukaamada iyo maqaaxiyaha Norway.
Dalada ururada ajaaniibta ah ee Oslo:
Waxaa Norway guud ahaan, gaar ahaana magaalada Oslo kadhisan boqolaal ururo soomaali ah oo ka diiwaan-gashan liisaska dowlada. Hadana hal qof oo soomaali ah kama mid aha gudiga maamulka dalada ay ku mideysanyihiin ururada ajaaniibta ah ee magaalada Oslo(Xigasho/kilde: Utrop).
Nin walaalkii u xoogweyn iyo tiro aan tayo laheyn:
Soomaalidu ka qowmiyad ahaan, gaar ahaan jaaliyada Norway kuma fiicna inay wax la wadaagaan ama la qeybsadaan qowmiyadaha kale, waxaan badanaa iska dhignaa dad kunool aduun geeri go´ah. Laakiin hadii qof soomaali ah uu meel yar wax ka sameeyo, waxaa markiiba soo baxayo boqolaal kale oo isaga ximineyso.
Maadaama ay soomaalidu tahay qowmiyad aad ugu balaaran Norway tiro ahaan, waxey aheyd inay ka dhex muuqdaan meel walba oo looga arinsanayo danaha dadka soo galootiga ah. Laakiin waxey taas dhici laheyd, hadii hamiga qofka soomaaliga ah uu dhaafo tartanka iyo hagardaamada miskiinka yar ee soomaaliga kale ah.
Qoraalkan kooban waxaan ku eegi doonaa, arrimo ay ka mid yihiin, gurmadka abaaraha, doorashooyinka golaha shacabka ee Norway (Stortingetsvalg) iyo sharciyada qoxootiga.
Abaaraha:
Abaaraha dad iyo duunyaba galaaftay ee geyiga Soomaali soo maray ma tiro yara, haddana wax ka qabashada iyo u diyaar garowga abaaraha ayaa aad u yar amaba muuqan. Dadku siyaabo kala duwan ayey inta badan u micneeyaan sababta diyaar garow la,aanta iyo wax ka qabashada abaaraha. Waxaase laysku raacsan yahay in ay xaaladuhu ka roonaanyeen intii ay jirtay dawladii dhexe dagaalka sokeeye ka hor. Waxaa tusaale loo soo qaataa abaartii daba-dheer ee Soomaaliya soo martay, gaar ahaan gobbolada waqooyi dhammaadkii 1974 oo socotay ilaa horaantii 1975. abaartaas ayaa waxaa lagu tilmaamaa inay ahayd abaartii ugu darnayd ee soo marta geyiga Soomaali, iyo sidii dawladii markaa jirtay ula tacaashay.
Abaaruhu si wareegta ah bay uga dhacaan Soomaaliya, waxaana la qiyaasaa in 5tii sanaba, laba sano ay abaar yihiin. Saddex xilli roobaad oo baaqday ama roobabkoodu aad u yaraayeen, iyo dalalka dariska ah oo ayagana ay abaari haleeshay, waxay sababeen in Abaar aan horay u soo marin Soomaaliya ay ku habsato sannadkii 1974tii.(Dr. Axmed Dalmar)
Waxaa isla mar ahaantaas dadkii u soo joogay labada abaarood, waa tan xilliga hadda ah aynu ku jirno iyo tii 1974 ay sheegayaan inay tani aad uga sii daran tahay tii 1974tii. Waxaa intaas dheer in dad da’ ah oo Illahay cimrigooda u barakeeyey ay qireen in abaartan mid la mid ah intii ay noolaayeen ayna u soo joogin.
Waxaa runtii bogaadin iyo ammaan mudan dadka Soomaaliyeed ee caalamka dacaladiisa ku kala nool ee sida wada jirka ah ugu gurmaday walaalahood, una tafa xaytay samata bixinta walaalohood. Waxaa boggaadin gaar ah mudan guddiga abaarah ee Norway iyo hay’ada Xanaano oo sammeeyey gurmad waddanka oo dhan ah (Norway). Gurmadkaas oo lagu soo uruuriyey lacag wax ku ool ah. Haddaba gurmadka abaaruhu wuxuu ahaa cashar aan ku baranay wadajirka faa,iidada ay leedahay. Haddii koox aan u qaybsanaan lahayn waxaan is leeyahay intii noo soo xarootay ma soo xarooteen, in kasta oo ay jiraan dad si gaar ah isu xilqaamay oo tabaruucaad fiican ka gaystay, laakiin wada jirka wax ka fiican gaabad waaye.
Doorashada Sebteember:
Sida laga wada war qabo, waxaa inagu soo fool leh doorashadii golaha shacabka ee Norway. Sida rag iyo dumar hore laga yaabo inay wax ka qoreen doorashada inagu soo foolka leh waa mid lagu xisaabtamayo codkaaga. Hadaba codkaaga ma adeegsan doontaa? mase u adeegsan doontaa si taxadar leh?.
Sida inta badan looga bartay dadka Soomaaliyeed ee leh awooda cod bixin, intooda badan maba adeegsadaan, inta adeegsatana waxaa laga yaabaa inayna siin xisbi ay aad u akhriyeen barnaamijkiisa siyaasadeed iyo aragtidiisa ajaanibta. Hadaba sanadkan waxaan rajaynayaa in qof kasta oo leh awood ama xaq cod bixin inuu adeegsado una adeegsado xisbiga uu ka dhex arko dantiisa.
Anigu xisbi gaar ah kuma talinayo, qofka ayaa laga rabaa inuu baaritaan sammeeyo kadibna u codeeyo kii uu ku qanco. Waxaase muhiim ah inaad codeeyso oo codkaaga aad wax ku bedeshid. Axsaabta siyaasadeed badankoodu waa diyaariyeen barnaamijkii siyaasadeed ee ay ku shaqayn lahaayeen, waxaa kaliya ee kaa xiga waa inaad akhrido.
Sharciyada qaxootiga:
Waxay sanadihii u dambeeyey bilowday xukuumada wadaaga ah ee Erna Solberg inay qaxooti badan oo Soomaali ah sharciyada lagala noqdo ama loo soo diro digniin sharciga lagaga la noqonayo. Arrintaas waxay abbuurtay cabsi iyo jaahwareer badan oo dadkii soo foodsaaray. Dadka ay saamaynta ku yeelatay waxay u badan yihiin dad dhallinyaro ah waddanka ku cusub. Sida arrimahaas wax looga qaban karo aragtiday waa in lays abaabulo, oo la sammeeyo ururo ama kuwii hore boorka laga jafo oo la shaqo geliyo si wax looga qabto culayska dadka soo fuulay ee sharciyada ku saabsan.
Gabogabadii:
In si wada jir ah loo gurmado, in codkaaga aad wax ku bedsho iyo inaad ururo wax ka qabta sharciyada sammayso waxay u baahan tahay in si isku duubni ah loo dagaal tago. Qasab maahan in dadka oo dhami isku aragti noqdaa, laakiin waxaa muhiim ah inaan leenahay dan kaliya oo naga dhexeysa, ogaanaana in aan Soomaali wada nahay. Waxa Waddankii (Soomaaliya) ka jirana waxaan wax ka bedeli karnaa marka aan xaalkeena halkan(Norway) wax ka bedelno. TIISABA DARYEELAA TU KALENA KU DARA.
W.Q: Abdul M. Ahmed
Hadii aad rabtid inaad aqoontaada, fikirkaaga, khibradaada ama hamigaaga aad la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo gudbin kartaa: NorSomnews@gmail.com
Dowlada Norway ayaa rabta in la balaariyo xaqa ay dhalinyarada iskuulada ka dhacdo u leeyihiin, inay dugsi sare dib usoo bilaabaan. Sharciga xaqa waxbarashada Norway ee dowliga ah(bilaashka ah), ayaa qofku ku qasbayo inuu shan sano gudaheed ku dhameeyo dugsiga sare(laga soo bilaabo markii uu bilaabay). Dhalinyarada aan shan sano gudaheed ku dhameyn, waxey ku qasbanyihiin inay sugaan intii ay ka gaarayaan 25 sano, si ay mar kale xaq ugu yeeshaan waxbarashada dugsiga sare.
Wasaarada waxbarashada ayaa sheegtay in sharcigaas uu dhalinyarada ku qasbayo inay banaanka waxbarashada ka joogaan sanado dhowr ah, sidaas darteed waxey soo jeedisay in meesha laga saaro, loona fududeeyo dhalinyarada inay dugsiga sare dib ugu soo noqdaan markii ay niyad u helaan(aan lala sugin intii ay 25 sano ka gaarayaan).
Soo galootiga iyo dugsiga sare:
Dowlada ayaa sidoo kale soo jeedisay in dadka soo galootiga ah ee dugsi sare kusoo qaatay wadankoodii, inay mar kale helaan xaq waxbarasho dugsiga sare ay mar labaad Norway ku dhigan karaan.
Sharciga waxbarashada Norway ayaa hada dhigayo in dadka soo galootiga ah ee wadankoodii kusoo qaatay waxbarasho dugsi sare, aysan xaq u laheyn inay Norway waxbarasho dugsi sare oo bilaash ay ku helaan.
Arinta dhibaatada weyn ku ah dad badan oo soo galooti ah, ayaa ah: in dowlada Norway aysan aqoonsaneyn shahaadooyinka dugsiga sare ee wadamo badan. Isla markaana qofka looma ogolo inuu dugsi sare ku qaato Norway, maadaama uu horey usoo qaatay waxbarashada dugsiga sare.
Wasiirka waxbarashada ayaa soo jeediyay in sharcigaas meesha laga saaro, isla markaana dadka soo galootiga ah la siiyo xaq waxbarasho dugsi sare, xitaa hadii ay wadankoodii dugsi sare kusoo qaateen.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences. By clicking “Accept”, you consent to the use of the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.