(Faalo:)Obamihii Soomaalida(Fawzi Warsame) W/Q Cabdirisaq Maxamed Xuseen

0
167
Fawzi Warsame

 

Abdirizak Hussein

F.G: Faaladan waxaa gabi ahaanteedba qoray Abdirizak Hussein.


 

Waa kuma Fawzi Abdirashid Warsame?

Fawzi Abdirashid Warsame wuxuu ku dhashay magaalada Oslo, taariikhdu markay ahayd 15 kii sebtember 1998. Fawzi Wuxuu uu ka baxay dugiga hoose/dhexe ee Bjølsen ee ku yaal magaalada Oslo. Markii uu dhameeyay fasalka 10-aad ee dugsiga dhexe wuxuu billaabay Dugsiga Sare ee Nydalen oo ku yaal magaalada Oslo. Iskuulkan ayaa ka mid ah dugsiyada sare ee ugu caansan dalkan Norway, waxaana aad u dag soogelitaanka dugsigaas maadaama uu yahay mid aad iyo aad loo jecel yahay.

Fawzi isagoo aad u yar oo 10 jir ah ayuu ku biiray maamulka ururka ardayda( Student Council Committee) ee iskuulka Bjølsen ee uu dhiganaayey, sanadihii ugu dameeyayna wuxuu ahaa hoggaamiyaha ururkaas (Leader of Student Council»). Intii uu ahaa gudoomiyaha ururka ardayda iskuulkaas wuxuu xoogga saaray in ardaydu helaan qado lacag la’aaan ah (free lunch ) iyo in adag looga hortago midab kala sooca ardayda dhexdeeda.

Ka mid noqoshadii xisbiga shaqaalaha:

Fawzi siyaasada ayuu kusoo biiray isagoo aad u da`yar. waxyaabihii siyaasadda ku dhiirri geliyeyna waxaa ka mid ahaa doorashadii madaxweynanimo ee Barack Obama, USA. Waxaa uu Fawzi si toos ah iska diiwaan geliyay garabka dhallinyada ee Xisbiga Shaqaalaha (Arbeidsparti Ungdomsforening; AUF ) ee Norway taariikhdu kolkii ay ahayd 30- kii bishii sebtemer ee sannadkii 2011, isaga oo markaas 13 sano jir ahaa. Xisbiga Shaqaalaha ( Arbeidspariet «Labour Party») waa xisbiga siyaasadeed ee ugu weyn dalka Norway, Waxaana uu talada dalka hayey wakhti aad u badan.

Fawzi waxaa uu ahaa qofkii ugu da`da yaraa ee ka qaybgalay Kulankii sannad-laha ahaa ee xubnaha maamulka ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee sannadkii 2012-ka. Bishii janaayo17-kii ee sannadkii 2013-kii ayaa Fawzi loo doortay innu noqdo hoggaamiyaha ururka dhalinyada ee AUF ee Degmada Sagene oo ka mid ah 13-ka degmo ee Oslo. Wuxuuna uu Fawzi sidaas ku noqday guddoomyihii ugu da’da yaraa ee hoggaamiyeyaasha garabka dhallinyarada ee Xisbiga Shaqaalaha. Doorashashadii golaha degaanka ee Norway ee sannadkii 2015-kii waxaa uu Fawzi si aad ah uga qayb qaatay doodihii doorashada ee ardayda dugsiyada sare. Doodihii kululaa ee uu Fawzi kusoo bandhigay isbedelada wanaagsan ee siyaasada xisbigu keeni doonto waxaa uu ku kasbaday sumcad iyo coddad tiro badan.

Sanadkii 2016-kii ayuu Fawzi ka degay guddoomiyanimada ururka dhalinyarada xisbiga (AUF) ee degmada Sagene. Waxaa uu markaas ku biiray hoggaanka dhexe ee xisbiga qaybtiisa dhalinyarada ee gobolka Oslo, waxaana isla wakhtigaas loo doortay inuu noqdo xiriiriyaha arimaha siyaasadda ee caalamiga ah ee Oslo AUF.

Howshii xafiiska Qaramada Middoobey ( UN) Oslo:

Fawzi waxaa kale uu ka mid noqday xubnaha maamulka ururka dhalinyarada heer yurub ah ee qayba Oslo.(Oslo European Youth) ee gobalka Oslo. Waxaa kale oo loo doortay inuu ka mid noqdo kooxda dhalinyada ee xiriirka xafiiska Qaramada Midoobay ee Oslo (FN-Sambandets Ungdomspanel «UN Youth Volunteer in Communications) . Lix qof oo dhalinyaro ah ayaa sannad kasta xafiiska QM ee Oslo ka soo xushaa dalka oo dhan, kuwaas oo muddo hal sano ah la shaqeeya xafiiskaas Qaramada midoobey. Dhalinyaradaas lasoo xulay waxaa ay wax ka qoraan mawduucyo la xiriira ama taabanaya shaqada QM. Fawzi waxaa uu qoray ilaa 10 maqaal (articles) sannadkii uu xubinta ka ahaa dhalinyarada Qaramada midoobey u shaqeynaayey.Maqaaladaas qaar ka mid ah waxaa lagu daabacay wargeyska ugu weyn dalka Norway ee Aftenposten. Dhammaan qoraaladaas waxaa kaloo lagu daabacay hoyga internetka ee xafiiska QM ee Oslo. Fawzi qoraaaldiisu waxay taabanayeen arimaha bii’adda, mucaawinada dalka Norway siiyo waddamadda soo koraya iyo arrimo la xiriira nabadgelya. Qaar ka mid ah Qoraalada Fawzi waxaa istimaala iskuulada oo u adeegsada inay ardaydu ka doodaan micnaha qoraalka iyo farriinta uu xambaarsan yahay.Sannadkii 2015 waxaa Fawzi loo doortay hoggaanka guddiga golaha degaanka ee dhallinyarada ee degmada Sagene (leder av Barne- og Ungdomsrådet i bydel Sagene «leader of Sagene District Youth Council»). Golahani waxaa uu maamulka degmada talo ka siiyaa arrimaha ku aaddan caruurta iyo dhallinyada degmada Sagene ku nool. Tusaale ahaan baahida kala duwan ee la xiriirta garoomada ciyaaraha kala duwan, goobaha madadaalada dhallinyarada ee waqtiga ay iskuula fasaxa ka yihiin iyo barnaamijyada kale ee dhallinayada la xiriira.

Deeq waxbarasho:

Bartahii sannadkii 2016 Fawzi wuxuu ku guulaystay deeq waxbarasho oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ay u fidiso dhallinyarada hormuudka ka ah dalalka Yurub. Barnaamijkan deeqda waxbarasho ayaa ah mid sanadkiiba hal mar la soo agaasimo ,waxaana lagu magacaabaa (The Benjamin Franklin Transatlantic Fellows Summer Institute). Safaaradaha Maraykanku ku leeyahay waddamada Yurub ayaa midka kasta waxay soo xushaa hal qof dhallinyaro ah dalkaasi metela. Waxaa Fawzi nasiib u yeeshay in Safaaradda Maraykanka ee Norway ay u xulato inuu noqdo qofka dalka Norway u metelayay deeqdaas waxbarasho. Dhallinyadaas waxaa lagu xereeyaa xilliga xagaaga (summer) Jaamacadda Wake Forrest University oo ku taal magaalada Winston-Salem ee gobalka North Carolina ee dalka maraykanka. Waxaa ay halkaas muddo illaa sideed asbuuc ah ku qaataan tababarro la xiriira hoggaaminta, badbaadinta bii’ada & isbedelka cimilada, xuquuqda aadamiga, dagaalada iyo xasiloonida dunida IWM.

Barlamaanka qaranka Norway:

Bishii Sibtember ee 2016 waxaa Fawzi loo doortay inuu ka mid noqdo xubnaha xisbiga shaqaalaha ee u sharraxan baarlamaanka qaranka Norway ee doorashada dhici doonta bisha Sibtember ee sannadka 2017. Waana murshaxa xildhibaan ee ugu da’da yar ee Xisbiga Shaqaalaha, Waxaana laga yaabaa inuu Fawzi noqdo tartamaha ugu da’da yar murashixiinta barlamaanka 2017-ka ee xisbyada siyaasadda ee Norway oo dhan. Fawzi waa xildhibaanka soomaaliyeed ee ugu fursada fiican inuu guulo wax ku ool ah ka gaaro siyaasada dalka Norway. Waxaa uu aad u fahmey oo uu kusoo barbaaray siyaasada dalkan isagoo ku biiray wakhti uu aad u da`yaraa. Qaar ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Norway ayaa Fawzi ugu yeeray ” Obamihii Soomaalida”

Yoolka Fawzi iyo tallooyin uu soo jeediyey:

Fawzi waa siyaasi ka duwan siyaasiyiintii hore ee soomaalida ee guud ahaan dalalka yurub gaar ahaana dalka Norway. Waa siyaasi soo maray dhamaan heerarka ay soomaraan madaxda sare ee dalka Norway, oo dhamaantood sida Fawzi dhalinyaranimo ku galay siyaasada, madaxna kasoo noqday ururada dhalinyarada iyo ururo kaleba.

Fawzi ayaa mar aan waraysi la yeeshay ii sheegay inuu doonaayo inuu taariikh reebo.Inuu saamayn yeesho, inuu tallada iyo hogaanka dalka wax ku biiriyo. Inuu muujiyo in ay suurtogal tahay inaad gaarto yoolka aad leedahay nolosha haddii aad shaqo fiican la timaado ilaahayna aad talo saarato.

Waxaan ahay soomaali iyo Norweyjiyaan labadaba, waxaana doonayaa in magaca dadka soomaalida ahi meel sare gaaro. Waxaan doonayaa inaan dhalinyarada u muujiyo inuu damac inaga geli karo u tartamida xafiisyada ugu sareeya dalka Norway iyo dalalka kaleba, ayuu yidhi Fawzi. Waxaa uu intaas ku daray in guushu u baahan tahay shaqo, dadaal, tacliin, iyo dhiirigelin inaad mar kasta hesho. Fawzi waxaa uu dhalinyarada kula dardaarmay 10 qodob oo muhiim ah:-

  • In ay noqdaan kuwo aaminsan naftooda, lehna kalsooni
  • Iney ku dadaalaan tacliinta, awooda ugu weyna geliyaan
  • Iney ku biiraan ururada kala duwan ee dalka ka jira sida xisbiyada, ururada heer yurub, kuwa caalamiga ah iyo kuwa degmooyinka
  • In mar kasta dhalintu ku dadaalaan iney yeeshaan xiriir bulsho oo balaadhan ( socialnetwork)
  • Iney la saaxiibaan dadka wanaagsan ee higsanaaya meelaha sare
  • In qof kastaa meesha uu joogo ku dadaalo inuu wax ka noqdo oo sharaf ku yeesho
  • In la dhegeysto tallooyinka wanaagsan ee dadka waaweyn ee khibrada leh
  • In kolka ay qayb guul ah gaaraan aaney qancin oo meel fadhiisan balse ay u gudbaan iney raadiyaan guulo kale oo taas ka waaweyn
  • In qof kastaa ogaado qofka uu yahay ( identity) si aanu jahwareer u gelin.
  • Iney ku biiraan siyaasada dalalka ay joogaan.
  • Ugu damayn waxaa uu Fawzi dhamaan dadka oo dhan ka codsaday duco iyo taageero. Gaar ahaan dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway waxaa uu ka codsaday iney taageeraan musharaxnimadiisa iyo dadaalka uu ku jiro.

Mahadcelin: Waxaan u mahadcelinayaa aabaha dhalay Fawzi Dr Abdirashid Warsame oo ah dhakhtar ka shaqeeya cisbitaalada Norway. Dr Abdirashid ayaa ii igala qaybqaatay ururinta warbixinta Fawzi. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Fawzi oo isagoo mashquulsan mar walba diyaar u ahaa inaan waco oo waraysi iyo wax weydiin la yeesho.

Ujeedada qoraaladaan: Waxaan isku dayaa oo aan wakhti badan geliyaa inaan soo helo, kor u qaado waxna ka qoro dhamaan dadka soomaaliyeed ee soo hoyey guulaha waaweyn. Ujeedada aan ka leeyahayna waxaa weeye iney qofkaas dadaaley dhiirigelin u noqoto iyo in dadkeenu kalsooni helaan, kuna daydaan dadkooda wanaagsan.

MAHADSANIDIN

C/risaq Maxamed xuseen ( ina-xuseen dheere)
Eskilstuna, sweden
habdirisak@hotmail.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments