Wasiirka waxbarashada: Waa in dhalinyarada iyo dadka soo galootiga ah loo fududeeyo inay dugsi sare dib u bilaabaan

0
255
Torbjørn Røe Isaksen (H): Wasiirka waxbarashada Norway

Dowlada Norway ayaa rabta in la balaariyo xaqa ay dhalinyarada iskuulada ka dhacdo u leeyihiin, inay dugsi sare dib usoo bilaabaan.   Sharciga xaqa waxbarashada Norway ee dowliga ah(bilaashka ah), ayaa qofku ku qasbayo inuu shan sano gudaheed ku dhameeyo dugsiga sare(laga soo bilaabo markii uu bilaabay). Dhalinyarada aan shan sano gudaheed ku dhameyn, waxey ku qasbanyihiin inay sugaan intii ay ka gaarayaan 25 sano, si ay mar kale xaq ugu yeeshaan waxbarashada dugsiga sare. 

Wasaarada waxbarashada ayaa sheegtay in sharcigaas uu dhalinyarada ku qasbayo inay banaanka waxbarashada ka joogaan sanado dhowr ah, sidaas darteed waxey soo jeedisay in meesha laga saaro, loona fududeeyo dhalinyarada inay dugsiga sare dib ugu soo noqdaan markii ay niyad u helaan(aan lala sugin intii ay 25 sano ka gaarayaan).

Soo galootiga iyo dugsiga sare:

Dowlada ayaa sidoo kale soo jeedisay in dadka soo galootiga ah ee dugsi sare kusoo qaatay wadankoodii, inay mar kale helaan xaq waxbarasho dugsiga sare ay mar labaad Norway ku dhigan karaan.

Sharciga waxbarashada Norway  ayaa hada dhigayo in dadka soo galootiga ah ee wadankoodii kusoo qaatay waxbarasho dugsi sare, aysan xaq u laheyn inay Norway waxbarasho dugsi sare oo bilaash ay ku helaan.

Arinta dhibaatada weyn ku ah dad badan oo soo galooti ah, ayaa ah: in dowlada Norway aysan aqoonsaneyn shahaadooyinka dugsiga sare ee wadamo badan. Isla markaana qofka looma ogolo inuu dugsi sare ku qaato Norway, maadaama uu horey usoo qaatay waxbarashada dugsiga sare.

Wasiirka waxbarashada ayaa soo jeediyay in sharcigaas meesha laga saaro, isla markaana dadka soo galootiga ah la siiyo xaq waxbarasho dugsi sare, xitaa hadii ay wadankoodii dugsi sare kusoo qaateen.

Xigasho/kilde: NTB/MSN

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments