torsdag, april 18, 2024

Denmark: Hooyo 45 jir soomaali ah oo xabsi lagu xukumay

Sida uu qorayo wargeyska Ekstrabladet, hooyo soomaali  ah oo 45 sano jir ah ayaa lagu xukumay sadex bilood oo xabsi ah, kadib markii ay maxkamad ku heshay fal dacwad-danbiyeed ah oo lagu soo oogay. Booliska ayaa hooyadan kusoo eedeeyay inay jirdil u geysatay afar caruur ah oo ay dhashay.

Halkan ka akhriso bilowga dacwada hooyadan soomaaliyeed. 

Dacwad-oogayaasha Booliska ayaa sidoo kale maxkamada ka codsaday inay hooyadan ka musaafuriso dalkaas, maadaama aysan heysan dhalashada Denmark. Balse maxkamada ayaa ku gacan-seyrtay codsiga dacwad oogayaasha, iyada oo diiday dalbashada ay soo gudbiyeen ee musaafuriska ah.

Hooyadan ayaa iska fogeysay dhamaan danbiyada lagu soo oogay, iyada oo sheegtay ineysan wax danbi ah geysan. Sidoo kale gabar kamid ah gabdhaha ay dhashay ayaa maxkamada horteeda kaga noqotay sharaxaad ay horey u siisay booliska.

Waxaa maxkamada la horkeenay cadeymo ka socdo dhakhaatiir baaritaan ku sameeyay caruurta. Waxaana ay maxkamadu sheegtay in jirka labo gabdhahood ay hooyadan dhashay, ay ka muuqdaan nabaro tilmaamaya jirdil.

Sidoo kale maxkamada ayaa hooyadan ku weyday danbiga lagu soo oogay qeyb kamid ah, kaas oo ah inay jirdil u geysatay labo wiil oo ay dhashay.

Xigasho/kilde: Ekstrabladet.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x