Warkii ku saabsanaa in Mahad Abiib xil loo magacaabi doono oo been noqday

0
154

Maalintii jimcaha aheyd ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa warbaahinta Norway aad looga hadalhayay in madaxweynaha Soomaaliya uu xil sare u magacaabi doono Mahad Abiib oo dowlada Norway ay kala noqotay sharciga jinsiyada(Halkan ka akhri warkaas).

Klassekampen oo ahaa wargeyskii warkaas qorey, warbaahinta kalena ay kasii xigatay ayaa hadana maanta soo qoray in warkaas uu ahaa mid aan run aheyn. Iyaga oo cadeeyay in madaxweynaha Soomaaliya, M.A. Farmaajo uusan wax xil ah ah u balan-qaadin Mahad Abiib.

-Keyse Said Artan Ma ahan la taliyaha madaxweynaha

Klassekampen ayaa jimcihii sheegay inay warkaas kasoo xigteen Keyse Said Cartan oo ay sheegeen inuu yahay la taliyaha madaxweynaha. Balse maanta ayey hadana soo qoreen in Keyse uusan aheyn la taliyaha madaxweynaha, balse uu yahay gudoomiyaha xisbiga Tayo ee dalkan Norway.

Wargeyska Klassekampen, ayaa waxaa warka ku saabsan arintaas kasii ka xigtay wakaalada wararka Norway ee NTB. Taas oo warkaas gaarsiisay inta badan wargeysyada iyo warbaahinta Norway sida NRK, TV 2, VG, AFTENPOSTEN, AFTENBLADET, DAGBLADET, NETTAVISEN OSV.

NorSom News oo soo xiganeyso Klassekampen ayaa sidoo kale warkaas af-soomaali ku qortay, waxaana naga sii daabacday warbaahino badan oo soomaali ah. Galabtii jimcaha ayaa waxaa sidoo kale wareysi nasiiyay Mahad Abiib oo sheegay inuu u mahad-celinayo madaxweyne Farmaajo oo markaas uu sheegay inuu xil u magacaabi doono(Halkan ka daawo wareysiga Mahad Abiib). 

Isku soo wada duuboo, waxaa hada cadaatay in warkaas uu ahaa mid aan sax aheyn.

Xigasho/kilde: Papir-avis(Tirsdag 11-04-2017, side 5)

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments