fredag, mars 29, 2024

67% gudiga dalada maamulka ururada islaamiga ah waxey kasoo jeedaan Pakistan

Sida uu qorayo wargeyska Dagsavisen, 6 kamid ah 9-ka qof ee katirsan gudiga maamulka dalada ururada islaamiga ah ee Norway(Islamsk Råd Norge), waxey kasoo jeedaan dalka Pakistan. Inkasta oo Pakistaanidu aysan tiro ahaan aheyn qowmiyada muslimiinta ah ee ugu badan Norway.

Xogyahaya guud ee ururka IRN iyo waliba gudoomiyaha gudiga, waxey labuduba kasoo jeedaan Pakistan. Waxeyna labadooduba ka socdaan hal masjid oo kamid ah kuwo xubnaha ka ah dalada ururada islaamka.

IRN ayaa dhowr lagu eedeeyay ineysan qowmiyadaha kale ka qeybgalinin gudiga maamulka dalada. Qowmiyado muslimiin ah oo ay kamid yihiin Turkida iyo Boosniyaanka oo tiro ahaan aad ugu badan Norway, ayaan ka dhex muuqan gudiga dalada IRN.

Ma cada meesha ay kasoo jeedaa 3-da qof ee kale ee katirsan gudiga maamulka dalada islaamiga ah, balse sida NorSom News kasoo xiganeyso ilo xog-ogaal hal qof oo soomaali ah ayaa kamid ah gudiga maamulka dalada ururada islaamiga ah.

Soomaalida ayaa tiro ahaan ah qowmiyada islaamka ah ee ugu weyn Norway, Sidoo kale masaajidada Oslo dadka ugu badan ee salaada ku tukudo waa Soomaali, xitaa masaajida ay leeyihiin qowmiyadaha kale sida Pakistanida.

Hadii aad fiiriso liiska masaajidada islaamiga ah ee ka diiwaan-gashan dalada, wey ku yaryihiin ama kuma jiraanba masaajidada ay soomaali maamulkiisa gacanta ku heyso.(Halkan ka fiiri)

Irfan Mushtaq oo katirsan gudiga maamulka IRN ayaa sheegay in lala xiriiray masaajidada qowmiyadaha aan Pakistaanida aheyn, iyaga oo lagu dhiiragaliyay iney kasoo qeybgalaan doorashada gudiga. Isaga oo raaciyay ineysan waxbo dhimeynin in dad isku qowmiyad kasoo jeedo ay u badnaadaan maamulka, hadii prosseska doorashada uu yahay mid ku dhisan hab dimuqraadi ah.

IRN ayaa ah dalad aad uweyn oo miisaan iyo qadiyad ahaanba muhiim ah, marka laga hadlayo danaha dadka muslimiinta ah ee Norway kunool. Waana dalada bixiso leysinka halaaleynta cuntada lagu iibiyo dukaamada iyo maqaaxiyaha Norway.

Dalada ururada ajaaniibta ah ee Oslo: 

Waxaa Norway guud ahaan, gaar ahaana magaalada Oslo kadhisan boqolaal ururo soomaali ah oo ka diiwaan-gashan liisaska dowlada. Hadana hal qof oo soomaali ah kama mid aha gudiga maamulka dalada ay ku mideysanyihiin ururada ajaaniibta ah ee magaalada Oslo(Xigasho/kilde: Utrop).

Nin walaalkii u xoogweyn iyo tiro aan tayo laheyn:

Soomaalidu ka qowmiyad ahaan, gaar ahaan jaaliyada Norway kuma fiicna inay wax la wadaagaan ama la qeybsadaan qowmiyadaha kale, waxaan badanaa iska dhignaa dad kunool aduun geeri go´ah. Laakiin hadii qof soomaali ah uu meel yar wax ka sameeyo, waxaa markiiba soo baxayo boqolaal kale oo isaga ximineyso.

Maadaama ay soomaalidu tahay qowmiyad aad ugu balaaran Norway tiro ahaan, waxey aheyd inay ka dhex muuqdaan meel walba oo looga arinsanayo danaha dadka soo galootiga ah. Laakiin waxey taas dhici laheyd, hadii hamiga qofka soomaaliga ah uu dhaafo tartanka iyo hagardaamada miskiinka yar ee soomaaliga kale ah.

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x