fredag, april 19, 2024

Sweden: Waxaan tarxiil ku sameyn doonaa 12.000 oo sharciga magangalyada loo diiday

Tan iyo markii ay cadaatay in ninkii weerarka ka geystay Stocklom uu ahaa nin sharciga magangalyada loo diiday, waxaa soo badanayo cadaadiska saaran dowlada Sweden ee ku aadan dadka magangalyada loo diiday, balse wali kusii sugan dalkaas.

Rakhmat Akilov oo ahaa ninkii ka danbeeyay weerarka lagu dilay afarta qof, ayaa ahaa nin loo diiday sharciga magangalyada, isla markaana lagu amray inuu wadanka isaga baxo. Warar kale ayaa sheegayo in booliska ninkaas ay raadinayeen, si ay wadanka uga saaraan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qof loo diiday sharciga magangalyada uu Sweden ka geysto fal danbiyeed aad weyn. Sanadkii 2015, waxaa weerar lagu dilay labo qof dalkaas ka geystay nin Ereteriya kasoo jeedo, kaas oo la siiyay diidmo. Ninkan ayaa dukaanka Ikea ee magaalada Vesterås dhexdiisa, mindi ku dilay hooyo iyo wiilkeeda oo dukaanka ka adeeganayay.  Waxaana hada lagu xukumay xabsi daa´in.

Dowlada Sweden ayaa sheegtay in wadankaas ay kunoolyihiin ilaa 12.000 qof, kuwaas oo heysto diidmo xaga sharciga magangalyada ah. Waxaana lagu wadaa in tiradaas ay kor usii kacdo, maadaama dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay soo bateen dadka diidmada ka helaya codsiyadooda magangalyada.

Anders Ygeman  oo ah wasiirka arimaha gudaha Sweden, ayaa sheegay in dowladiisu ay dar-dar galineyso tarxiilka dadka heysto diidmada magangalyada, isla markaana lagu amray inay wadanka isaga baxaan. Wuxuuna raaciyay in dowladiisu ay kor u qaadi doonto awooda booliska, iyada oo siin doonto kharashaad dheeri ah oo ay howshaas ku filiyaan.

Anders Ygeman ayaa sidoo kale sheegay in boolisku ay kor u qaadi doonaan kontrollka goobaha ganacsiyada dadka soo galootiga ah, si looga hortago in dadka heysto diidmada sharciga magangalyada, ay si suuq-madow ah uga shaqeeyaan dalkaas gudahiisa. Arintan ayuu wasiirka u cuskaday in ninkii geystay weerarkii Stocklom jimcihii lasoo dhaafay, uu in mudo ah si sharci daro ah uga shaqeynayay goob ganacsi.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no, DN.SE

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x