tirsdag, april 16, 2024

Amal Aden: Fadumo ma rabto iney shaqeyso, Norwey wey necebtahay, balse lacagta Nav wey jeceshay.

Waxaa maalmahan oo dhan warbaahinta Norwey ka socoty dood badan oo ku saabsan arimaha isdhexgalka bulshada iyo heerka shaqo ee ajaaniibta wadanka ku cusub, gaar ahaana haweenka. Waxaa inta badan tusaale fiican oo ku dayasho mudan loo soo qaadanayey gabar soomaali ah oo lagu magacaabo Aisho Ali Mohmaed, gabadhaas oo ah darawal buss ka ah magaalada Oslo. Halkan ka akhri sheekada gabadhan.

Amal Aden oo malaha ka xun sumcada ay gabadhaas usoo hoyisey dumar soomaaliyeed ee wadankan, ayaa dhankeeda soo aliftey gabar ay ugu magac dartey Fadumo, taas oo lidi ku ah Aisho. Amal ayaa maqaal saaka kusoo daabacdey wargeyska Dagbladet, iyada oo sheegtay in dumarka soomaaliyeed qaarkood aysan rabin iney waligood shaqeeyaan, oo ay rabaan kaliya iney ceyrta NAV ku noolaadaan. Waxey maqaalkeeda ku bilowdey:

Sidee integrering loogu sameyn karaa, dad aan rabin iney integrering sameeyaan. Waxaa Norway imaanayo dad cusub oo qeyb ka noqon doono mujtamac. Ma rabno iney abuurmaan xaafado geeri go-an oo mutjamaca ka baxsan. Waa muhiim iney dadka wadanka ku cusub ay kamid noqdaan bulshada, eyna noqdaan muwaadiniin dhab ah.

Yaa masuul ka ah hadii kuwo dadkaas kamid ah eysan rabin iney mutjamaca kamid noqdaan, ama ay raacaan qawaaniinta wadanka. Waxaan la kulmey kuwo ayaga kamid ah oo diidan iney shaqeeyaan, sababo diinta la xiriirta owgeed. Ma rabaan iney ka shaqeeyaan meelaha lagu iibiyo khamriga ama hilib doofaarka. Haweeney ayaa hada kahor ii sheegtay ineysan rabin iney shaqeyso, maadaama ay la qabsadey gurijooga iyo ilmo ilaalinta. Waxaan kaloo la kulmey haween aan ogolaansho u heysan iney guriga ka banaan, sababtoo ninkooda ayaa u diidan.

[adsenseyu2]

Kuwa diidan iney raacaan shuruucda iyo qawaaniinta wadanka, waxay aaminsanyihiin iney ilmahooda dili karaan, haweenkana ay garaaci karaan sababtoo ah waxaa u baneysay diinta. Waxaan maqalnaa marar badan waalidiin caruurtooda la carara oo geeya wadankii ay ka yimaadeen, sababtoo ah waxey ka baqeen iney norwiiji ka noqdaan. Dhalinyarada waxey la kulmaan kontroll iyo dabagal joogto ah. Raga muslimiinta ah ee tagaasida wada waxey waardiye ka yihiin gabdhaha muslimiinta ah ee banaanka maraya. dadka Homofilka ah( qowmu luudka), waa la caayaa ama la cadaadiyaa.

Nasiib wanaag intooda badan wadanka wey la qabsadaan, laakiin ka warama kuwo aan mujtamaca la jaan-qaadi karin. Kuwo safka ugu jiro xafiiska Nav, ee aan rabin iney shaqeeyaan, sababo diineed owgood. Mujtamacu sidee kuwaas dadka usoo dhexgalin karaa, yaase masuul ka ah……Kuwo aan wadanka la qabsin karin, waxey culeys ku yihiin mutjamaca, sidoo kale waxey magac xumo usoo jiidayaan  kuwa raba iney mutjamaca la qabsadaan.

.Waxaan mararka qaarkood booqasho ku tagaa iskuulada dadka waaweyn…Ardeyda halkaas joogto qaarkood waxey ku faraxsanyihiin iney wadankaan joogaan. Mid kamid ayaa ii sheegay in uu rabitaanka ilaahey uu Norway kujoogo, ilaaheyna uu usoo direy dhulkaan gaaleed, si uu caawimaad u helo. Wuxuu aad uga soo joogaa sinaanta raga iyo dumarka, isaga oo aad jecleyn sida ay u labistaan macalimiinta dumarka ah ee iskuulka dhiga. Qorshaha ugama jirto inuu raaco sharciga iyo qaanuunka Norwey, maadaama ay yihiin kuwo uu bini aadam sameeyay. Wuxuu rabaa inuu raaco sharciga diinta. Inkasta oo uu necebyahay Norwey iyo dadka norwiijiga ahba, hadana waxa uu doortey inuu halkaan yimaado, wuxuuna rabaa inuu degenaado. Hadana wax qorshe ugama degsana sidii uu mujtamaca qeyb uga noqon lahaa.

Qof kale oo aan la kulmey waa qof kale oo aan ugu magacdarey Faadumo. Wax qorshe ah kama lahan iney wadanka la qabsato. Waa haweeney sodomeeyo jir ah, waxeyna ka timid Soomaaliya shan sano kahor.  Waxey wadataa xijaab aad u dheer, waxeyna aad uga muuqaal duwantahay inta badan ajaaniibta kunool kommunaha ey dagantahay. Faadumo waxaa muhiim u ah iney mutjaca norwiijiga ah tusto diinteeda iyo iney muslim tahay, diinta ayaana wax walbe uga muhiimsan ayada. Waxey u tagtaa dhalinyarada muslimiinta ah, iyada oo u sheegto ineysan norwiiji aheyn, balse ay u dhaqmaan sidii dad muslimiin ah oo wanaagsan.

Markaan booqdey iskuulka Faadumo ay dhigato, waxay ii sheegeen qaar kamid ah ardeyda fasalka la dhigata iney faadumo tahay qof dhib badan oo kontroll badan. Waxey dareemaan iney mararka qaarkood ay ku qasabto iney slaada tukadaan. Ayadu xiisada oo socoto ayey salaad u baxdaa. Markaan isbaraney faadumo waxey ii sheegtay inaan qalad tahay inaan anigu la daganahey haweeney kale. Marar badan ayay igu waanisey inaan nafteyda badbaadiyo, maadaama aan ku socdo wado qalad ah. Faadumo waa qof canaan badan, balse waxaan dareemaa mararka qaarkood ineysan ogeyn waxey sameyneyso ama sheegeyso.

Norway wey necebtahay, balse waxey jeceshay lacagta ay ka hesho Nav. Waxey tagtaa xafiiska NAV, iyada oo u sheegeyso waxa ay xaqa u leedahay iney hesho. Waxey dusha ka heysaa dhamaan lacagta ceyrta ah ee kala duwan  ee uu qofku xaqa u leeyahay. Faadumo waxey kamid tahay kuwo diida iney iibiyaan khamriga iyo doofaarka. Hada kahor shaqo ayaa looga soo bandhigey isbitaalka xanaanada dadka waaweyn, balse wey diidey sababtoo ah ma rabto iney xanaaneyso ama taabato rag. Faadumo waxey aaminsantahay in la sameeyo shaqooyin u gaar ah dadka muslimiinta ah, kuwaas oo raga iyo dumarku aysan iskuul ku shaqeyn.

Indhaha kama qabsan karno dadka Faadumo oo kale ah. Waa inaan shuruud ku xirnaa…

Xigasho/kilde: Dagbladet

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x