Taliyaha booliska Oslo oo ka deyrinayo xaalada Grønland iyo Tøyen.

0
136

Taliyaha booliska Oslo Hans Sverre Sjøvold, ayaa markii labaad deyro ka muujiyey xaalada xaafadaha Grønland iyo Tøyen. Sjøvold oo ka qeybgaley shir qarameedka isdhexgalka ee maanta ka dhacay Oslo, ayaa qeexay in hadii aan xaalka xaafadahaas laga gaarin xili hore, ay hadhow adkaan doonto wax ka qabashadooda.

Taliyaha ayaa carabaabey in hada ay wadaan howlgalo ku aadan sidii dhalinyarada xaafadahaas dhibaatada ka wado loogu sameyn lahaa waxyaalo kale oo ay ku mashquulaan, balse ay adagtahay in arintaas si fudud xal looga gaaro. 

[adsenseyu2]

Waxaan aragnaa dhalinyaro wiilal u badan, kuwaas oo mujtamaca boos ka waayey iney hada ku howlanyihiin falal danbiyeedyo tiro badan.Dhalinyaradan waxey u badanyihiin kuwo aan luuqada sifiican ugu hadlin, iskuulkana aan xiiseynin

Sjøvold ayaa sheegay iney jiraan xaafado kale oo badan oo ajaaniibtu ku badantaha, dhibaatooyina eysan kajirin. Balse labadan xaafadood ay dhibaatooyin gaar ah heystaan, kuwaas oo ay kamid yihiin daroogada la iibiyo.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey in booliska ay rabaan iney la shaqeeyaan dadka soo galootiga ah, si arintan xal looga gaaro. Isaga oo sheegay in ay muhiim tahay in kalsooni wada shaqeyn ay ka dhaxeyso booliska iyo dadka xaafadahaas kunool. 


Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments