Shaley waxaa Oslo ka dhacey shir qarameedka isdhexgalka, kaas oo ahaa mid xooga lagu saarayey in loogo hadlo dhibaatooyinka iyo caqabadaha soo galootiga kahor istaaga iney bulshoweynta qeyb ka noqdaan. Qodobada miiska saarnaa ee halkaas lagu faaqidey waxaa kamid ahaa, dhibaatada amni xumo ee xaafadaha Grønland iyo Tøyen.

Taliyaha ciidanka booliska Oslo Hans Sverre Sjøvold ayaa shirka ka jeediyey khudbad uu uga hadlayey dhibaabatada amni ee labadaas xaafadood. Taliyaha ma magacaabin group gaar ah oo halkaas dhibaato ka wada, balse waxa si guud sharaxaad uga bixiyey xaalada labadaas xaafadood, iyo iney jiraan dhalinyaro aan luuqada aqoon, iskuulkana ka dhacey oo xaafadaas dhibaatooyin amni daro ka wado. Hans Sverre ayaa qirey in kalsoonida iyo wadashaqeynta ka dhaxeyso booliska iyo dadka xaafada kunool, ay fure u tahay xalinta dhibaatadaas.

[adsenseyu2]

Shirka kadib ayaa marlabaad hadana la isku soo hadal qaadey xaalada Grønland. Wasiirada arimaha soo galootiga Sylvi Listhaug ay si cid dhibaatada ugu badan ku heyso Grønland ay yihiin dhalinyaro soomaali ah. Listhaug ayaa dhowr isbuuc kahor sheegtay iney jiraan 40 dhalinyaro soomaali ah oo amni xumo ka wada xaafada Grønland.

Wargeyska VG ayaa shaley galab mikrofoonka la dhexqaadey qaar kamid ah ganacsatada dukaamada iyo maqaaxiyaha ku leh Grønland. Waxey si guud u sheegeen ineysan jirin dhibaato amni oo gaar ah oo xaafadan Grønland kajirto. Qaarkood ayaa sheegay ineysan ku qanacsaneyn sawirka uu taliyaha boolisku ka bixinayo xaafada Grønland. 

Zedan Khalil waa ganacsade maqaaxi kabaab ah ku dhex leh bartamaha Grønland, waxa uu halkaas ka shaqeynayay mudo 15 sano kor u dhaafeyso. Zedan ayaa sheegay in xaalada Grønland ee hada ay tahay mid aad u dagan, marka la barbardhigo sidii ay ahaan jirtey sanado kahor.

Zedan ayaa sidoo kale sheegay in norwiijiga iyo ajaaniibtuba ay si isle-eg uga qeybqaataan dhibaatada amni xumo ee xaafada, isla markaana eysan jirin wax gaar ku ah ajaaniibta. Si gaar ah wuxuu u tilmaamey in soomaalida sawir khalad ah laga aaminsanyahey, eysana aheyn dadka ugu badan ee dhibaatada ku hayo Grønland. 

Taliyaha boolisku waxa uu ku saxanyahay hal arin, taas oo ah in dhalinyarada ajaaniibtu eysan sifiican luuqada u aqoon, waana dhibaato. Qaar kamid ah waxey abuuraan rabsho iyo buuq, gaar ahaan kuwa khamriga cabsan. Kuwaasna soomaali kaliya ma noqon karaan, ee cid walbe ayey noqon karaan

Ganacsadahan ayaa sheegay iney jiri jireen dhalinyaro cabsan oo habeenada sabtida iyo axada banaanada ku dagaalamo, balse taas xitaa ay hada soo yaraatey.

Qaar kamid ah qoysaska degan xaafada Grønland ayaa sidoo kale VG u sheegay in aysan arkin ama dareemin dhibaatada amni xumo ee Grønland laga sheegayo. Waxey sheegeen in xaafadan ay u daganyihiin si caadi ah, iyaga oo caruurtoodana aysan ku qabin dhibaato gooni ah.

Baashe Muuse iyo Faadumo Cali Madar meel ku sheega?

Ma ahan markii ugu horeysay ee xaalada Grønland looga hadlo mediyaha wadanka, balse arinta cusub waxey tahay in dhibaatada guud ee xaafada kajirto dusho loo saariyo qowmiyad gooni ah. Grønland waxaa wada degan ajaaniib iyo norwiiji, in dhibaatada amni xumo ee Grønland kajirto in hal qolo dhabarka loo saaro, waa sheeko bilow ah oo cusub. Awal waxaa la dhihi jirey ajaaniibta ayaa halkaas dhibaato ka wada, balse hada soomaalida ayaa si gaar ah farta loogu fiiqayaa.

Bulshada soomaaliyeed ee Oslo waxey doorteen oo codkooda ku aamineen labo xildhibaan oo katirsan golaha deegaanka ee Oslo, waa Baashe Muuse iyo Faadumo cali Madar. Intaas Grønland iyo xaalkeeda laga hadlayo ama laga tashanayo, ayagu waa ka markhaati oo ma ey ka hadlayaan. 2 sano kadib ayaan ka war-dhowreynaa iney lasoo shirtagaan, soomaalida baan matali doonaaye, na doorta.

Maxaa la gudboon soomaalida degan Grønland?:

Waa xaqiiqo aan la iska indho tiri karin in Grønland ay kajirto xaalad amni oo ka hooseyso tan xaafadaha kale ee Oslo. Maadaama dadkii aad doorateen ay seexdeen, waxaa la joogaa xiligii aan idinku is abaabuli laheydeen.  

Soomaalida Grønland degan waxaa la gudboon iney sameystaan koox lasoo xuley oo matasha, kuwaas oo si gaar ah ula shaqeyso booliska iyo laamaha dowlada ee arintan xalkeeda ka shaqeynaya Caruurta soomaalida ah ee amni xumada xaafada waa in lala taliyo, maadaama ay sumcad daro usoo jeedi karaan umada soomaaliyeed ee wadanka ku dhaqan oo dhan. 

Saameynta ugu badan ee dhibaatada Grønland waxay labada dhinacba ku yeelan doontaa qoysaska iyo ganacsatada soomaaliyeed ee degan ama ganacsiga ku heysta xaafada gudaheeda. Booliska iyo laamaha amniga aan soo dhaweyno, wada shaqeyna aan la sameyno si dhibaatadan loo xaliyo. Yaanan noqon group xir-xiran oo nin walba uu si fudud uu farta ugu soo fiiqo

Waa in Mediyaha wadanka lagu casuumaa horumarka iyo ganacsiga balaaran oo ay soomaalidu ku heystaan Grønland, si meesha looga saaro sawirka qaabka daran ee Grønland mediyaha loo galiyey.

Xigasho/kilde: VG-Papiravis( 19-october-2016, side 11).

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments