Isku xirnaan la aanta Ajaaniibta Norwey ku nool, waxay dowlada u fududeysaa iney go-aan walbe ay si fudud ku fuliso

0
82

Waxaa sabtidii lasoo dhaafey magaalada Oslo lagu qabtey kulan soo dhaweyn ah, kaas oo qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey ay u sameeyeen wariye Cabdisalaam Hereri oo marti ku ahaa wadankan Norwey, gaar ahaana magaaada Oslo.

Dadka kulanka lagu casuumey waxaa kamid ahaa gudoomiyaha ururka OMOD ( Organisasjonen mot Offentlig Diskriminering) Akhenaton de Leon oo ah nin asal ahaan kasoo jeedo wadamada karibianka. Leon ayaa sheegay in ajaaniibta Norwey aysan ka dhexeyn wax wada shaqeyn iyo xiriir, taasina ay sahleyso in dowladu ay marba group cunsuriyeyso, iyada oo kuwa kalena ay markhaati ka yihiin, hadeysanba ku faraxsaneyn.

[adsenseyu2]

Tusaale ahaan wuxuu usoo qaatey in hadii ay dhibaato xaga dowlada kaga timaado soomaalida, Pakistanida iyo qowmiyadaha kale kama hadlaan oo wey ka aamusaan, hadii Pakistanadu dhib soo gaartana, soomaalidu kama warqabaan, hadey ka warqabaana maba daneeyaan. 

Aniga maadaama aan Karibian ahey, maba aheynba inaan soomaalida soo dhaxgelo, dhibahoodana aan ka hadlo. Sababtoo ah hadii aniga dhibaato isoo gaarto Karibian ahaan, soomaalida kama aysan hadli laheyn. Kala qoqobnaanta iyo wada shaqeyn la-aanta ajaaniibta Norwey kunooli, Waa dhibaatada ugu weyn ee hada ina heysata.

De Leon oo hadalkiisa sii wata sheegay in go-aankii hey-ada booliska ee ku saleysnaa in passportka dadka ka yimid 31 wadan lagu qoro Ukjent, uu ahaa mid midabtakoor ah. Wuxuuna sheegay in go-aankaas uu ka dhignaa in dad malaayiin kun oo qof gaarayo lagu tilmaamey beenaalayaal aan garan karin meeshii ay ku dhasheen. Wuxuuna raaciyey in caruurta lasoo korsado iyaga markii danbe laga leexiyay sharcigan, ay aheyd mid muujineysa tabar la-aanta ajaaniibta reer Norwey, gaar ahaana kuwa kasoo jeeda 31-da wadan ee sharcigu uu qabanayay. Xitaa dowladihii ay dadkaas ka dhasheen arintan kama aysan hadlin, marka laga reebo dowlada Hindiya.

Ugu danbeyn waxa uu Akhenaton ugu baaqey soomaalida Norwey iney dhib iyo dheefba la qeybsadaan ajaaniibta kale ee wadanka degan, si iyagana markooda loo garab istaago. Isaga soo jeediyey in la abuuro sanduuq dhaqaale oo ajaaniibta wadanka kunool ka dhaxeeyo, kaas oo hadba lagu caawiyo kuwii dhibaateysan, looguna qabto sharci yaqaano xaqooda soo dhiciya.

Hadalka De loen waa mid run ah, kana turjumayo xaalada ajaaniibta reer Norwey. Balse intaan ajaaniib kore la gaarin, soomaalideenu wax ma wada qeybsan karnaa oo  talo wadaag ma noqon karaa, mise De loen waxaan leenahay:

Maandhow duco-qabe, timirtii horeba dab loo waa. 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments