Gabyaaye: Waxaa cad oo muuqato in labadeyda gabdhood maskaxda laga duufsadey

0
99

Abwaan Gabyaaye oo kamid ah odeyada jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, ahna aabaha dhaley labada gabdhood ee Siiriya aadey, ayaa wareysi uu siiyey wargeyska Aftenposten ku sheegay in labadiisa gabdhood madaxa laga duufsadey, lagana caawiyey sidii ay ugu baxsan lahaayeen Siiriya.

Wuxuuna hadalkiisa raaciyey in labadiisa gabdhood eysan kaligood awoodi laheyn iney safarkaas ilaa Siiriya gaarayo ay galaan, hadii aysan jirin cid kale oo howsha la wadey. Gabyaaye ayaa sidoo kale sheegay in ilaa hada uu la yaabanyahay sababta ku kaliftey in labadiisa gabdhood ay Norway iyo gurigii ay ku koreen ay ka dhuuntaan.

Qoraaga buuga iyo aabaha dhaley labada gabdhood ayaa isku raacey in gabdhahan ahaayeen kuwo aad u firfircoon, iskuulkana ku fiican, inta uusan ku imaan isbadal sababey iney ugu danbeyn u baxsadaan wadanka Siiriya. 

Labada gabdhood oo hada da´ahaan jiro 19 iyo 22 ayaa rumeysanyahay iney ku noolyihiin magaalada Raqa ee wadanka Siiriya, ahna xarunta ururka Daacish. Waxaana ay guursadeen labo nin oo ka tirsan dagaalyahanada ururka Daacish, 

Abwaan Sadiq Abdullah Juma oo ku magacdheer Gabyaaye, ayaa sheegay inuu dadaal weyn u galey sidi uu labadiisa gabdhood ugu soo guryo celin lahaa Norway, Wuxuuna sheegay in uu la kulmey mid kamid ah gabdhaha, taas oo si cad u sheegtay ineysan rabin iney Norway dib ugu soo noqdaan. Kana codsatey inuu iska noqdo, maadaama ay go-aansadeen in halkaas ay degaan.

Waxaa buuga ku xusan in Gabyaaye uu halis galiyey naftiisa, mar uu isku dayey inuu labada gabdhood soo afduubto, isaga oo kaashanayo koox lokal ah oo deegaanka ka howlgasha. Gabyaaye ayaa aaminsan in labadiisa gabdhood markii madaxa laga duufsadey, hadana si khasab ah ay meeshaas ku joogaan. Gadaal danbe ayay kasoo ogaadeen in labada gabdhood laga hayo waardiye aad u xoogan, aysana suurtogal aheyn in lala soo baxsado.

Warbaahinta Norwey ayaa si xoogan u hadalheyso buuga laga qorey labadaan gabdhood ee soomaalida ah. Waxaana marba marka ka danbeysa soo baxeyso macluumaad cusub oo ku saabsan bixitaanka iyo ku biirada labadan gabdhood ee soomaalida ah ay ku biireen ururka Daacish ama ISIS. 

Xigasho/kilde: Aftenposten

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments