Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi Listhaug ayaa barteeda facebook soo dhigtey qoraal ay ku amaaneyso Amal Aden, iyada oo soo raacisey linkiga maqaalkii ay Amal shaley ku qortey wargeyska Dagbladet. Listhaug ayaa sheegtay in maqaalka Amal iyo tusaalooyinka ay soo qaadatey, ay cadeyn u yihiin iney jiraan dad aan rabin iney qeyb ka noqdaan mujtamaca Norwey. Isla markaana ay ayada saxsaneyd markii ay shaley ka hadleysay arintaas.
Mar kale ayaan aragnaa muhiimada ay leedahay in dooda noocan ah miiska la soo saaro, kuwa raba iney mar walbe ku hadlaan hadal aan xajiin laheyn, ha iigu yeeran waxa ay rabaan. Waxaan sii wadi doonaa soo bandhigada mowuucyada adag ee loo baahanyahay inaan ka hadalno.
Listhaug ayaa ilaa daraad ku jirtey isdifaac, maadaama hadalkii ay talaadada sheegtay uu abuurey dood aad u balaaran. Waxeyna hada u egtahay mid itaal bideyso maqaalka Amal Aden, iyada oo ka marmarsiyooneysa in Amal ay ka warqabto waxyaabo eysan dadka kale ka warqabin. in ka badan 3000 oo qof ayaa Like saarey qoraalka Listhaug, halka ku dhawaad 200 oo qofna ay share dhaheen.
Waa nasiib xumo aad u weyn in wasiirad dhan oo dowlad katirsan ay qoraal noocan oo kale ah ay ka dhigato cadeyn ay u adeegsado ajandaheeda siyaasadeed. Wasiirad dhan oo qaabilsan isdhexgalka bulshada iney maqaal ay gabar dhoodhoobtey ay ku tilmaano mid xaqiiqada ka hadlaya, waa mid sawir fiican ka bixin kara fikirka siyaasadeed ee Sylvi.
Listhaug iyo qoraalkeeda + Amal Aden iyo maqaaladeeda, ayaa si weyn uga qeybqaadan karo naceybka loo qabo dadka ajaaniibta ah ee Norwey ku cusub, gaar ahaana soomaalida.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences. By clicking “Accept”, you consent to the use of the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.