torsdag, november 28, 2024
Home Blog Page 252

Dowlada Sweden oo lacag ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya

Dowlada dalka Sweden ayaa sheegtay in wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya ay bilihii ugu danbeeyay ku bixiyeen lacag gaareyso 24 milyan oo dollar. Arintaas oo qeyb ka ah dadaalka beesha caalamka ee ka qeyb-qaadashada gar-gaarka abaaraha saameeyay geesks Afrika. 

Dowlada Sweden ayaa sheegtay in lacagtaas mar horeba loo gacan-galiyay hey´adaha ka shaqeeya gar-gaarka bini-aadanimo, si aysan u dhicin khaladkii dhacay sanadkii 2011, oo ahaa in lala daahay lacaga deeqda beesha caalamka. 

Danjiraha Iswiidhan ee dhawaan Soomaaliya loo magacaabay Michael Lindvall, ayaa isaga oo la hadlaya BBC-da laanteeda soomaaliga sheegay in sanad walba ay  dowlada Sweden Soomaaliya ugu deeqdo afartan malyan oo dollar, deeqdaas oo  lugu fuliyo mashaariic dhinacayadda horumarinta iyo sugida nabad galyadda.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI.COM

[adsenseyu2]

Jens Ronde: Kiiska qoyska soomaalida ah wuxuu ridi doonaa xukuumada hada talada heyso

Jens Ronde oo ah xildhibaan katirsan golaha baarlamaanka ee midowga Yurub ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay go´aanada dowlada Denmark. Wuxuuna tusaale usoo qaatay kiiska qoyska soomaalida ah ee dowlada dalkaas ay kala noqotay sharciyada magangalyada, ayna ku amartay inay wadanka isaga baxaan.

Foto: Camilla Schiøler, TV MIDTVEST

Qoyskan soomaaliyeed ee uu xildhibaankan ka hadlayo ayaa ka kooban 7 qof, waxaana kujirto caruur yar-yar oo wadankaas Denmark ku dhalatay. Aabaha qoyskan soomaaliyeed, Said Abdullahi ayaa Denmark magangalyo soo weydiistay sanadkii 2009, wuxuuna hada ka shaqeeyaa shaqada buss-wadida. Said ayaa sheegay inuusan wax caawin dhaqaale ah  ka helin dowlada dalkaas, isla markaana uu yahay qof isku filan.

Maalmo kahor ayaa lagu wargaliyay in magangal-yadiisii kumeel-gaarka aheyd dib loogala noqday, isla markaana lagu amray in wixii ka danbeeyo 13-ka Maarso ay wadanka isaga baxaan. Racfaan ayuu ka qaatay go´aanka dowlada, isaga oo sheegay inuu dacwadiisa gaarsiinayo maxkamada xuquuqul insaanka Yurub, ee xarunteedu ay tahay France.

Halkan kasii akhri sheekada qoyskan. 

Warbaahinta dalkaas ayaa si aad ah u hadalheyso kiiskan aabahan soomaaliga ee 8 sano kadib lagu amray inuu dalkaas isaga baxo. Gaar ahaan waxaa la hadalhayaa shantiisa ilmood oo dowlada dalkaas ay rabto iney ku celiso wadan aysan waligood arkin.

Xildhibaankan katirsan golaha midowga Yurub ayaa sheegay in kiiska dacwada qoyskan soomaaliga ah uu gacantiisa ku geyn doono maxkamada xuquuqul insaanka ee Yurub, isla markaana uusan shaki ka qabin iney ku guuleysan doonaan. Wuxuuna raaciyay in kiiska qoyskan uu tusinayo in nidaamka magangalyo doonka wadankaas ay wax ka khaldanyihiin. 

Rohde ayaa sheegay in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan aheyn mid la isku haleyn karo, isla markaana uusan qofka hubin xiliga ay bombo ka qarxi karto goobta uu ku suganyahay. Wuxuuna sheegay in go´aanka dib u celinta qoyskaas uu yahay mid mas´uuliyad daro iyo foolxumo ah. 

Wuxuuna raaciyay in kiiska qoyskan soomaaliyeed iyo kiisaska kale ee noocan oo kale ah, ay aakhirka keeni doonaan in xukuumada dalkaas ay dhacdo.

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkaas ayaa sheegtay in xildhibaanka uu sida uu rabo arintan isagu howli karo kiiskan, laakiin dowlada dalkaas uu go´aankeedu yahay inay dib dalkoodii ugu celiso dadka aan u baahneyn magangalyo. 

Xigasho/kilde: Politiken.dk

[adsenseyu2]

 

Hassan Kheyre: Soomaalida Norway hanagala qeybqaataan gurmadka abaaraha

Reysulwasaaraha cusub ee dowlada Soomaaliya Hassan Ali Kheyre oo saacad kahor khadka telefonka uga soo qeybgalay xaflad soo dhaweyn ah oo magaalada Oslo loogu qabtay dowlada cusub, ayaa ka codsaday soomaalida Norway inay ka qeybqaataan gurmadka abaaraha.

Kheyre ayaa sheegay in dowladu ay codsi balaaran u gudbineyso jaaliyadaha soomaaliyeed ee qurbaha kunool, codsigaas oo ku aadan ka qeyb-qaadashada samato-bixinta ku aadan dadku ay abaaraha saameeyeen. Wuxuuna sheegay in baahida jirta ay tahay mid aad u baaxad weyn.

Reysulwasaaraha ayaa sheegay in warbixinadii ugu danbeeyay ee gudiga abaaruhu ay soo saareen ay sheegayaan in 110 qof ay u geeriyodeen gaajo abaaraha ka dhalatay.

Waxaan usoo socdaa Norway:

Reysulwasaaraha cusub Hassan Ali Kheyre oo ah muwaadin katirsanaa jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, heystana jinsiyada dalkan Norway ayaa sheegay in xili aan dheereyn uu kusoo wajahanyahay Norway.

Kheyre ayaa mudo 10 sano ku dhow madax ka hey´ada NRC oo ah hey´ada gar-gaar oo Norway laga leeyahay, qeybteeda geeska Afrika.

[adsenseyu2]

 

Warbaahinta Denmark oo aad u hadalhayo xaalada Said Abdullahi oo lagu amray inuu wadankaas isaga baxo.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa aad u hadal-heyso xaalada aabahan soomaaliga ah oo kamid ah 800 oo qoxooti soomaaliyeed ah, kuwaas oo dowlada dalkaas ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharcigooda magangalyada.

Said Abdullahi oo ah darawal buss oo ka shaqeeyo magaalada Viborg, ayaa sanadkii 2009   magangalyo soo weydiistay dalkaas, isaga oo kasoo qaxay colaadihii ka socday Soomaaliya. Said ayaa sheegay in intii mudo ah uu ahaa qof isku filan oo shaqeysta, isla markaana aan wax caawimaad dhaqaale ah aan ka helin dowlada dalkaas(Hoos ka daawo muuqaalka).

Said ayaa maalmo kahor lagu wargaliyay in magangalyadiisa kumeel-gaarka aheyd lagala noqday, ayna dhaceyso 13-ka bishan Maarso. waxaana loo sheegay in isaga, xaaskiisa iyo 5 caruur ah oo ay dhaleen ay Denmark isaga baxaan wixii ka danbeeyo taariikhdaas. 

Dowlada Denmark ayaa magangalyo- kala noqoshada Said iyo dadka lamidka ah u cuskuneyso in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo hagaagtay. 

Muwaadinkan soomaaliga ah oo lahadlay qaar kamid ah warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in isla maalintii lagala noqday magangalyada, uu qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku geeriyoodeen ilaa 40 qof. 

Said ayaa wargeyska tvmidtvest.dk u sheegay in go´aanka dowlada uu ka qaadan doono racfaan. Waxaana racfaankiisa gacan ka siinayo Jens Rohde fra Viborg oo katirsan baarlamaanka midowga Yurub. Waxeyna sheegeen in racfaankooda gaarsiin doonaa ilaa maxkamada bini-aadanimada aduunka ee Faransiiska. 

Xigasho/kilde: tvmidtvest.dk, Politiken.dk

[adsenseyu2]

110 sultet i hjel i somalisk region

Norsk-somaliske Khaire er nylig utnevnt til statsminister i landet, som er hardt rammet av tørke.

Tallet på døde er det første som er offentliggjort av somaliske myndigheter siden regjeringen erklærte tørken som en nasjonal katastrofe torsdag. FN anslår at 5 millioner mennesker på Afrikas Horn trenger nødhjelp, og advarer om en sultkatastrofe i stor skala.

Khaires uttalelser falt lørdag, under et møte med den nasjonale somaliske tørkekomiteen. De 110 har sultet i hjel i den sørvestlige Bay-regionen alene.

Les mer her: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

 

Booliska: Maseyr/Hinaase ayaa sabab u ahaa dhacdadii uu ninka soomaaliga ah, gabadha soomaalida ah ku dhaawacay

Booliska Moelv/Hamar ayaa soo gaba-gabeeyay baaritaankii ay ku hayeen falkii uu ninka soomaaliga ah, dhaawacyada halista ah ku gaar-siiyay gabadha soomaalida ah, deegaanka Moelv 8-dii Desember 2016. 

Waxeyna warbixintooda kusoo af-meereen in maseyr ama hinaase uu sabab u ahaa falkaas uu ninka soomaaliga ku dhaawacay gabadha soomaalida ah. Booliska ayaa horey u sheegay inuu nooc xiriir haasaawe ah, uu ka dhaxeeyay labadaan qof ee soomaalida ah ee dhibaatada is-gaarsiiyay. 

Sida ay boolisku warbixintooda kusoo bandhigeen baaritaanka kadib, ninka ayaa aaminsanaa inuu xiriir-haasaawe kala dhaxeeyay gabadha, halka gabadhuna aysan arintaas aysan ku raacsaneyn. Taas oo sabab ama gundhig u aheyd weerarka lagu dhaawacay ee mindida loo adeegsaday, sida uu qorayo wargeyska Hamar Arbeidsblad. 

[adsenseyu2]

Ninka soomaaliga ayaa si kumeel-gaar ah ugu xirnaa xabsiga Hamar ilaa markii uu falkan dhacay, iyaga oo boolisku ay sheegeen inay ka cabsi qabaan inuu wadanka ka baxsado, hadii laga sii daayo xabsiga, maadaama uu ka dhacay sharciga dal kujooga.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay hada sugayeen warbixinta qiimeynta dhameystir ahaanshaha qofka ee xaga maskaxda, taas oo ah mida loo adeegsado in qofka loo xukumi karo danbi-ciqaabeedka uu geysto. 

Sida ay boolisku horey u sheegeen, ninka soomaaliga ah ayaa minida uu u adeegsaday weerarka, saacado kahor kasoo iibsaday deegaanka Moelv oo ah deegaanka uu falkan ka dhacay.

Bilowgii kiiskan, waxaa ninkan soomaaliga ah lagu soo oogay dacwad ah inuu dhaawacyo jir ahaaneed geystay, laakiin baaritaano kadib ayey boolisku sheegeen in dacwadiisa ay u badaleen fal-danbiyeed isku day dil ah. 

Warbaahinta lokalka ee deegaanka uu falkan ka dhacay, ayaa wali si aad ah u xiiseynayo kiiskan, iyaga oo wixii kusoo kordhaba horey kasoo gudbinayo. 

Xigasho/kilde: GD.NO, Hamar-Arbeidsblad.no

[adsenseyu2]

 

Af-madow: Minst 57 militante drept i Somalia

57 medlemmer i ekstremistgruppen al- Shabaab ble drept da styrker fra Somalia og Den afrikanske union angrep en av gruppens leirer, opplyser lokale styrker.

Den flernasjonale styrken opplyser på Twitter at biler og utstyr også ble ødelagt i angrepet på leiren utenfor Afmadhow torsdag morgen. I tillegg ble «en stor mengde våpen» beslaglagt. Ifølge uttalelsen bidro kamphelikoptre med støtte i angrepet.

Med minst 57 drepte er torsdagens angrep ett av de dødeligste som er gjennomført av den multinasjonale styrken mot den militante gruppen som har koblinger til al-Qaida. Det kenyanske forsvaret sier i en separat melding at et ukjent antall ekstremister ble såret.

Det er foreløpig ikke kommet meldinger om skadde eller drepte blant Somalias eller unionens soldater.

Les saken videre her: Adressa.no

[adsenseyu2]

Midowga Yurub(EU) oo Viso kusoo rogay muwaadiniinta kasoo jeedo Mareykanka

Baarlamaanka midowga Yurub ayaa viso ama dal kugal kusoo rogay muwaadiniinta kasoo jeedo Mareykanka ee rata inay soo booqdaan dalalka katirsan EU-da.

Go´aankan ayaa jawaab lama filaan ah u ah, go´aan ay hore dowlada Mareykanka Viso(dal kugal) ugu soo rogtay muwaadiniinta kasoo jeedo shan dal oo katirsan Midowga Yurub.

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

Sweden oo shaqada qaranka dhalinyarada dib usoo celisay

Dawladda dalka Sweden ayaa maanta soo saartay go´aan ah in dib loo soo celiyo howlihii shaqada qaranka ee loogu yeeri jiray dhalinyarada, marka 18-sano gaaraan.

Laga bilaabo kowda bishii Juun ee sanadkan, ayaa dhalinyarada dhalatay laga soo bilaabo 1999 iyo wixii ka danbeeyay loogu yeeri doonaa kamid noqoshada shaqada qaranka ee waajibka ah. 

Go´aanka dowlada Sweden ayaa yimid kadib markii ay soo baxday in tirada ciidanka dalkaas uusan tiro ahaan aheyn mid dhameystiran, hadii wadankaas uu xiligan galo dagaal.

Sweden ayaa sanadkii 2010 joojisay shaqada qaranka waajibka ah ee da´yarta loogu yeeri jiray, iyada oo laga dhigay mid uu qofku iskiis u dooran karo(aan waajib aheyn). 

 

Xigasho/kilde: NTB.

[adsenseyu2]

Kongsberg: Maxkamad diiday racfaanka nin soomaali ah oo 13 sano lagu xukumay

Maxkamada darajada labaad ee Borgarting lagmannsett, ayaa maanta diiday racfaanka nin soomaali ah oo maxkamada darajada koowaad ee Kongsberg ay ku xukuntay 13 sano oo xabsi ah. Kadib markii lagu helay fal-danbiyeed ah inuu dil loo adeegsaday mindi, u geystay nin kale oo isna soomaali ah, iyohanjabaada labo qof oo goob-joog ahaa.

Ninkan ayaa horey maxkamada uga hor qirtay fal-danbiyeedka lagu soo eedeeyay, balse sheegay inuu ahaa mid uu isku bad-baadinayay, kadib markii uu gacan ka hadal dhex-maray marxuumka geeriyooday.

Halkan ka akhriso warbixintii ay NorSom News ka qortay arintan 

Maxkamada darajada labaad ayaa war qoraal ah oo soo saartay kusheegtay ineysan qaabilin racfaanka muwaadinkii soomaaliga ah, isla markaana aysan waxbo iska badali doonin xukunkii hore ee maxkamada Kongsberg ay ku xukuntay oo ahaa 13 sano.

Xigasho/kilde: NRK, NTB

[adsenseyu2]

 

Sweden: Dowlada Sweden oo maal-galineyso xarun geela lagu dhaqo

Dowlada dalka Sweden ayaa maal-galineyso qorshe xaafad kamid ah magaalada Gotoberg looga hirgalinayo goob lagu dhaqo geela, isla markaana ay dadku usoo dalxiis tagaan. 

Mashruucan oo ay dowladu dalkaas ku bixisay lacag hal milyar u dhaafeyso, ayaan ilaa hada noqon mid taabo-galay, sababo jiro owgeed.  

Qorshahan geel-dhaqashada ah ayaa ujeedada ugu weyn ay tahay inuu noqdo meel loo soo dalxiis tago ama dal-xiisayaasha soo jiidato. Iyada oo la filayo iney soo noqoto lacagta ay qarashka ay hada dowladu ku bixineyso taabo-galintiisa. Waxaa lagu wadaa iney xeradan geela ka shaqeeyaan ilaa 20-meeyo qof.

Xaafada la hirgalinayo xeradan geela lagu dhaqdo ayaa ah xaafada Angered oo ah xaafad ay ku badanyihiin soomaalida iyo ajaaniibta kale. 

Dhanka kale geela xeradan lagu dhaqi doono ayaa caanihiisa la rabaa in lagu sameeyo cilmi-baaris, maadaama ay caanaha geela daawo u noqon karaan cuduro ay kamid yihiin damanaanshaha(Autism). 

[adsenseyu2]

 

SSB oo saartay tirada soomaalida kunool Norway. waa imisa?

Wakaalada tirokoobka iyo xog uruurinta ee SSB ayaa soo saartay warbixinteedii sanadlaha aheyd ee tirada guud ee dadweynaha kunool wadankan Norway.

Guud ahaan waxaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 Norway ku noolaa 5 258 317(shan milyan iyo laba boqol). 724 987 qof oo dadkaas kamid ahna, waa dad soo galooti ah/ajaaniib ah, kuwaas iyaga oo aan Norway ku dhalan. Halka 158 764 qofna ay yihiin caruur ay dhaleen waalidiin soo galooti ah.

Tirada dadka soo galootiga ah ayaa waxaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 ku kordhay 26 400, taas oo u dhiganta kor u kac dhan 3,8%. Dadka kasoo jeedo Siiriya ayaa noqday kuwo ugu badan ee uu kor u kacu ku yimid.

Soo galootiga iyo caruurta ay dhaleen dadka soo galootiga ah ayaa isku dar gaarayo 16,8% tirada dadweynaha guud ee Norway.

Qowmiyadaha: 

Qowmiyada soo galootiga ah ee Norway ugu badan waa Polishka ama dadka kasoo jeedo Poland, waxeyna tiradoodu gaareysaa 97 200. Sanadkii lasoo dhaafeyna waxaa ku darsamay 1500 qof. 

Qomwiyada ku xigto ee booska 2-aad heysato waa dadka kasoo jeedo Lituenia. Waxaana ku xigo Swedishka iyo soomaalida kaalinta 4-aad kujirto tiro ahaan soo galootiga.

[adsenseyu2]

Soomaalida ayaa ah qowmiyada ugu badan tiro ahaan ee Norway kunool, aana kasoo jeedin wadamada galbeedka ama Yurubta.

Soomaalida Norway:

Sida ku xusan warbixinta SSB soomaalida Norway waxey tiradoodo isku dar gaareysaa  42 217 qof. Waxeyna u kala qeybsantaa sidaan:

  1. Generationka 1-aad(dadka Norway imaaday ee aan ku dhalan)= 28 696 qof

  2. Generationka 2-aad( dadka Norway ku dhashay oo ay dhaleen waalid soomaali ah)= 13 462 qof

  3. Generationka 3-aad(Caruurta ay dhaleen dhalinyarada soomaalida ah ee Norway ku dhalatay): 35 qof

Waxaa intaas sii dheer inay jiraan 24 qof oo waalidiin soomaali-norwiiji ah ay ku dhaleen meel ka baxsan Norway. 

Dhalinyarada soomaalida Norway ku dhalatay:

Dhalinyarada soomaalida ah ee Norway ku dhalatay ayaa tiro ahaan ah noqonayo 32% soomaalida Norway. Waxaana tiradooda sanadkii hore kusoo kordhay 1000 caruur ah. Iyada oo sanadkii kasii horeeyeyna ay Norway ku dhasheen 1500 caruur soomaali ah(Xigasho:SSB). Labo sano gudahood ayaa Waxaa Norway ku dhashay caruur soomaali ah oo dhan 2500.

Waxeyna taas ka dhigantahay in sadexdii qof ee soomaali ah ee Norway ku nool, uu mid kamid ah wadankan ku dhashay. Bulshada kama dhex-muuqdaan, maadaama ay wali yihiin caruur ama dhalinyaro. Laakiin sanado kabacdi ayey u muuqataa iney kusoo biiri doonaan saaxada bulshada ee muuqata.

Sidoo kale waxaa muuqato in soomaalida Norway ay kusoo biireen generation 3-aad ama fac cusub, kuwaas oo ah caruurta soomaalida ah oo ay dhaleen dhalinyarada soomaalida ah ee Norway ku dhalatay. Tiradoodu ilaa hada waa 35, balse waxaa la filayaa inay kor u kac badan uu ku yimaado, maadaama ay Norway kunool 13 462 dhalinyaro soomaali ah.

Dhalinyarada ku dhalatay Norway, waalidoontoodu kasoo jeedaan wadanka Pakistan, ayaa kujiro kaalinta 1-aad ee dhalinyarada ku dhalatay Norway. Halka soomaaliduna ay kujiraan booska 2-aad.

Xigasho/kilde: SSB

[adsenseyu2]

 

 

Heiki Holmås: Waa muhiim in soo galootiga ay xasil iyo degenaansho ku dareemaan sharciga wadankan

Wasiirkii hore ee horumarinta Norway, ahna hada xildhibaan katirsan baarlamaanka ayaa sheegay in qaabka uu hada u dhiganyahay sharciga dib ugala noqoshada jinsiyada, uu yahay mid khal-khal iyo xasilooni- daro ku beeriyo soo galootiga degan dalkan.

Wuxuuna sheegay in dareenka degenaanshaha iyo xasiloonidu uu muhiim u yahay mujtamaca guud. 

Hadalka Holmås ayaa yimid, kadib markii uu kulan yeesheen xubno ka socday xisbiyada KRF, Sv, Sp, Venstre iyo MDG. Waxaana sidoo kale kulanka joob-joog ka ahaa qaar kamid ah qoyskii falastiiniyiinta/urdun ee dhawaan ay hey´ada laanta socdaalka ay sharciga jinsiyada kala noqotay 27-sano kadib. 

Xisbiyadan ayaa isku raacsan soo jeedin ah in la xadido xiliga qofka la qaadi karo sharciga jinsiyada, iyada loo fiirinayo inta sano ee uu wadanka degenaa. Waxeyna taageero weydiisteen xisbiyada kale. Ap ayaa arintaas diidan, iyaga oo sheegay ineysan taageersaneyn in la xadido goorta qofka lagala noqon karo sharciga jinsiyada, laakiin waxey taas badalkeeda sheegeen inay muhiim tahay in la xaqiijiyo wadooyinka loo marayo.

[adsenseyu2]

Xisbiyadan ayaa sidoo kale baarlamaanka horgeeyay mooshin ay ku rabeen in hey´ada laanta socdaalka looga qaado, awooda sharci kala noqoshada. Mooshinkaas ayaa lagu balansanaa in baarlamaanka la horgeeyo 14-ka bishan maarso, laakiin waxaa ku yimid dib udhac, kadib markii Ap uu codsaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay uga fiirsadaan taageerada mooshinkaas.

Xisbiga Ap oo soomaalida ugu badan ay codka siiyaan xiliyada doorashada, ayaa hada u muuqdo mid isbaaro u dhigtay labo soo jeedin oo muhiim u ah bulshada soo galootiga ah oo soomaalidu ay kamid tahay.

Ap ayaa u muuqdo mid wato siyaasad ku dhisan labo-wajiileyn, maadaama dhan ay isku tusinayaan iney soo galootiga arimahooda muhiimada saaraan, dhanka kalena ay hortaaganyihiin mooshinada ay wataan xisbiyada kale ee taageersan arimaha soo galootiga.

Xigasho/kilde: Utrop.no

[adsenseyu2]

 

Wasiirada shaqada iyo arimaha bulshada oo soo bandhigtay 22 qodob oo wax looga qabanayo saboolnimada caruurta.

Hey´ada tirikoobka iyo xog uruurinta dalkan Norway ayaa shaley soo bandhigtay in ku dhawaad 100.000 oo caruur ah, ay kunoolyihiin nolol saboolnimo ah. Waxaana caruurta ugu badan ee kunool saboolnimada ay kasoo jeedaan qoysas soo galooti ama qoxooti ah, soomaaliduna waxey uga jirtaa booska 1-aad. 

Wasiirada shaqada iyo arimaha bulshada dalkan Norway, Anniken Hauglie ayaa maanta soo bandhigtay 22 qodob oo ay sheegtay in dowladu ay rabto iney kaga hortagto saboolnimada caruurta,  gaar ahaan kuwa soo galootiga oo sii baaheyso. 

Iyada oo raacisay inay muuqato in soo galootiga ay si aad ah uga dhex-muuqdaan caruurta kunool saboolnimada kunool, isla markaana ay tahay arin aan la dhayalsan karin, hadii uu jiro saboolnimo iyo farqi weyn u dhaxeeyo daqabadaha bulshada. 

Wasiiradan oo katirsan xisbiga Høyre ayaa sheegtay in hadii ay la rabo in wax laga qabto saboolnimada, ay muhiim tahay in laga taxadaro ineysan noqon mid dhaxaltooyo ah, oo ilmuhu aysan kasii dhaxlaan waalidkooda. Sidaas darteed ayey sheegtay iney muhiim tahay in lagu dadaalo shaqo-geynta dadka soo galootiga ah, korna loo qaado aqoontooda xaga luuqada norwiijiga ah. 

Qodobada maanta ay soo bandhigtay ayaa waxaa kamid ah:

  1. In la kordhiyo barashada luuqada norwiijiga lagu barto, goobaha shaqada ee la geeyo dad soo galootiga ah iyo qoxootiga. 

  2. In si gaar ahaaneed loo dar-dar galiyo shaqo-geynta dadka qoxootiga ah ee leh aqoon looga baahan-yahay suuqa shaqada.

  3. In kor loo qaado adeegsiga nidaamka Lønnstilskudd. Oo ah nidaam qofka lagu geynayo goob shaqo, isaga oo qaadanayo lacagtii uu qaadan lahaa, hadii uu meeshaas si caadi ah uga shaqey lahaa.  Waxeyna wasiiradu sheegtay in taas ay soo galootiga aan heysan khibrad shaqo, ay ka caawineyso iney shaqo helaan, goobaha shaqada bixíyo. 

  4. In shuruudo adag lagu xiro da´yarta qaadatay lacagta ceyrta ah. Waxeyna wasiiradu sheegtay in da´yarta soo galootiga ah ay aad ugu badanyihiin, kuwa qaata ceyrta.

  5. In wixii kayar 30-sano ee nav ku xiran, la siiyo jaanis shaqo, howl-maalmeed ama waxbarasho lagu geynayo mudo labo bilood ah gudahood ah.

  6. In qoysaska dhaqaalahooda uu yar-yahay la siiyo canshuur dhimis dheeri ah. Waxeyna sheegtay in markii dadku ay wax uga soo haraan, lacag ay shaqeysteen ay sifiican isugu filnaan karaan. 

  7. Nidaamka taageerida kirada guryaha ee qoysaska saboolka ah oo la hajaajiyo.

  8. In la fududeeyo in boos xanaano(barnehageplass) ay helaan caruurta kasoo jeed qoysaska soo galootiga ah. 

  9. In la sameeyo jaanisyo badan oo caruurta kasoo jeedo qoysaska soo galootiga ah, ay ku heli karaan fasax(ferie). 

  10. In bilaash laga dhigo boosaska xanaanada caruurta ee kasoo jeedo qoysaska dhaqaalahoodu uu yaryahay. Laga bilaabo markii ay sadex sano gaaraan. 

  11. In aan qoysaska laga jaran lacagta kaalmada ah, hadii caruurtooda ay helaan shaqo, dhaqaalahooduna uu kor u kaco. 

  12. In kor loo qaado lacagta ay dowladu ku bixiso, sidii goob tababar loogu heli lahaa dhalinyarada kasoo jeedo 

 

Xigasho/kilde: Kommunal-portalen.no 

[adsenseyu2]

Frp oo raba in la ogolaado in qofku uu labo dhalasho isku heysan karo

Maalmo kahor ayey aheyd markii Mazyar Keshvari oo ah afhayeenka xisbiga FRP ee arimaha soo galootiga, uu tv-ga qaranka NRK ka sheegay in xisbigiisu uu rabo in dowladu ay sharciga jinsiyada Norway kala noqoto, Hassan Ali Kheyre oo ah reysulwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Dood iyo muran dheer oo arintaas ka dhalatay kadib, ayey ururka dhalinyarada xisbiga FRP iyo madax badan oo kuwa gobolada xisbigaas, soo jeediyeen in la ogolaado in qofku uu isku heysan karo labo jinsiyadood oo kala duwan.

Sharciga Norway ayaa dhigaya in qofku uusan isku heysan karin labo dhalasho, sidaas darteed hadii uu qofku qaato jinsiyada Norway, waa inuu ka tanaasulaa jinsiyadiisii hore. Sidoo kale qofkii norwiiji ah ee raba inuu dhalasho wadan kale qaato, waa inuu ka tanaasulaa tan Norway.

FRP ayaa soo jeedintooda ku saleeyay in dad badan oo norwiiji dhalad ah ay wadamada dibadaha ku noolaan karaan xiliyo badan, isla markaana ay Norway dib ugu soo noqon karaan sanado kadib. Arintaasna ay faa´iido u tahay Norway, maadaama ay la imaan karaan aqoon iyo khibrado cusub.

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no

[adsenseyu2]

 

Wargeyska Politiken.dk oo fashiliyay heshiis dib u celin qarsoodi ah oo ay wada galeen Denmark iyo Soomaaliya

0

Wargeyska Politiken.dk oo kamid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Denmark ayaa maalmo kahor banaanka keenay, is afgarad qarsoodi ah kaas oo sanadkii 2014 ay wada galeen dowladaha Denmark iyo Soomaaliya. Kuna saabsanaa dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas. 

Arintan ayaa timid kadib markii baarlamaanka dalka Denmark ay u yeereen sadex wasiir oo katirsan xukuumada dalkaas. Waxaana laga codsaday inay sharaxaad ka bixiyaan go´aanka  dowlada dalkaas sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada 800 qof oo soomaali   ah, dibna ay ugu celin doonto wadankoodii.

Baarlamaanka Denmark ayaa sheegay ineysan ilaa hada arkin heshiis ama ogolaansho ay bixisay Soomaaliya, kaas oo ku saabsan in soomaalida dib loogu celin karo wadankoodi.  Sadexda wasiir ee loo yeeray ayaa kala ah wasiiradaha arimaha soo galootiga, wasiirka arimaha dibada iyo wasiirka horumarinta.

Xukuumada dalkaas oo iska difaaceyso eedeynta golaha baarlamaanka ayaa xili sii horesay oo bishan ah, sheegtay iney heshiis siyaasadeed la gashay Soomaaliya. Laakiin faah-faahin kama bixin waxa uu heshiiskaas xambaarsanyahay. Xukuumada Denmark ayaa sidoo kale sheegtay iney baajisay go´aan bishii lasoo dhaafay ee january dib loogu celin lahaa dad soomaali ah. 

Dowlada Denmark ayaa sheegtay in wada-shaqeynta dowlada Soomaaliya ay khal-khal galiyeen hadalo is-khilaafsan, kuwaas oo kasoo baxayay mas´uuliyiinta dowlada Soomaaliya. 

Shirkii Denmark 2014 iyo Heshiis aan rasmi aheyn:

Denmark ayaa sanadkii 2014 bilowday inay dad si khasab ah ugu celiso Soomaaliya. Baarlamaanka dalkaas ayaa arintaas walaac ka muujiyay maadaama Soomaaliya ay kamid tahay dowladaha aduunka ugu musuq-maasuqa badan. 

Warqad ay qortay wasiiradii arimaha dastuurka dalkaas November 2014, ayey ku sheegtay in»Soomaaliya ay qiratay inuu waajib ka saaranyahay qaabilaada muwaadiniinteeda lasoo celinayo»

Wasiiradii arimaha dastuurka Denmark ee xiligaas xilka heysay Mette Frederiksen ayaa warqadeeda ku qortay qoraalkan gaaban:

Waxaan madaxweynaha Soomaaliya maanta u sheegay, in anaga Denmark ahaan xageena aan aad u qiimeyn laheyn, in Soomaaliya ay nagala shaqeyso arintan. Waxaana si wadajir ah u baareynaa sida ugu fiican ee arintan farsamo ahaan looga shaqeyn karo.

Isla xiligaas waxaa Denmark ka dhacay shir ay beesha caalamku u qabatay Soomaaliya iyo dowladaha daneeyo, waxaana kasoo qeybgalay madax kala duwan oo ka socoto dowlada Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah.

800 oo qoxooti Soomaali ah:

Dowlada dalka Denmark ayaa dhamaadkii sanadkii hore ee 2016, soo saartay go´aan ay ku sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada 800 oo soomaali ah.

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso dad degan wadankaas, waxaa mar horeba fariimo digniin loo soo diray dad badan. Iyada oo dhanka kalena ay socoto sharci kala noqoshada qoxootiga.

Xukuumada dalkaas ayaa ku adkeysaneyso in Soomaaliya ay xaaladeedu hada soo hagaagtay, isla markaana ay qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan aysan u baahneyn magangalyo.

Waxaana sida muuqato arintaas gacan ka geystay oo fududeeyay dowlada Soomaaliya, oo aqbashay in muwaadiniinta u dhashay dalkeeda dib loogu soo celin karo wadankoodii.

Xigasho/kilde: Politiken.dk(Halkan ka akhri warkan oo af Danish ah)

[adsenseyu2]

Somalias president erklærer katastrofe i tørkerammede områder

0

Somalis president erklærer nasjonal katastrofe i tørkerammede deler av landet. 6,2 millioner mennesker står i fare for å bli rammet av hungersnød.

Beslutningen ble tatt tirsdag for «å håndtere den humanitære krisen i alle tørkerammede områder«, ifølge en melding som president Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo la ut på Twitter.

Presidenten var tirsdag til stede på en FN-konferanse i hovedstaden Mogadishu der man diskuterte hvordan man kan håndtere tørken, som berører 6,2 millioner mennesker.

Vi kan ikke og bør ikke vente lenger, sa Farmajo på møtet.

Les saken videre her: ABC-nyheter

[adsenseyu2]

SSB: Caruurta soomaalida oo mar kale noqday kuwa ugu saboolsan Norway(77%).

1

Wakaalada tirokoobkta iyo xog uruurinta ee SSB ayaa maanta soo saartay warbixin tiro koob ah oo ku saabsan caruurta ku kora nolosha saboolnimada wadankan Norway. 

Isku-dar 98 200 oo caruur ah, da´dooduna ay ka yartahay 18-sano ayaa sanadkii 2015, nolol saboolnimo ah ku noolaa Norway. Iyada oo tirada caruurta saboolnimada kunool ku yimid kor ukac gaaraya 10%. Waxaana kor ukacaas sababay sida ay SSB sheegayso, tirada soo galootiga dalkan kunool oo kor u kacay sanadadii ugu danbeeyay.

Caruurta ajaaniibta iyo saboolnimada:

Caruurta ay dhaleen dad soo galootiga ah, gaar ahaan dadka qoxootinimada wadanka ku yimid ayaa ah caruurta ugu badan ee kunool saboolnimada. Ajaaniibta ayaa tiro ahaan dhan 14% dad weynaha Norway, laakiin 53% caruurta saboolnimada kunool waa ajaaniib.

SSB ayaa warbixinteeda ku xustay in sababaha ugu waaweyn ee arintaas keeneyso ay tahay, ajaaniibta oo dhala caruur tiro badan marka loo eego dadka wadanka u dhashay, qoysaska ajaaniibta oo aan dhaqaale ahaan isku filneyn, kuna xiran kaalmada hey´adaha kala duwan ee dowlada, ka qeybqaadashadooda suuqa shaqada oo aad yar iyo waliba iyaga oo markii hore qaab qoxooti ahaan ah wadanka kusoo galay.

Inkasta oo caruurta soo galootigu ay yihiin kuwu ugu badan, hadana markii loo sii qeybiyo qowmiyado ahaan, waxaa jiro farqi weyn oo u dhaxeeyo.

Tusaale ahaan caruurta waalidkood ay kasoo jeedaan Srilanka, waxey kujiraan kuwo ugu yar tiro ahaan ee kunool noloshada saboolnimada ah.Dadka kasoo jeedo Srilanka iyo Soomaalidu, waxey Norway qoxootinimo kusoo wada galeen isku xiliyo.

Caruurta Soomaalida:

Caruurta soomaalida ayaa ah kuwo ugu saboolsan caruuraha kunool Norway, hadii loo xisaabiyo qowmiyad ahaan. 77% caruurta soomaalida ah ee Norway degan, waxey kunool yihiin nolol saboolnimo ah. Taas oo ka dhigan in 8 kamid ah 10-kii caruur soomaaliyeed ab oo wadankan kunool, inay kunool yihiin nolol saboolnimo ah, marka loo eego caruuraha kale. 

Waxaana booska labaad kujiro caruurta u dhalatay wadanka Siiriya oo badankood qoxootinimo wadanka kusoo galay dhowrkii sano ee ugu danbeeyay. Halka booska 3-aad ay soo galeen caruurta ay waalidkood kasoo jeedaan wadanka Ciraaq.

Xigasho/kilde: SSB. 

[adsenseyu2]

 

 

Listhaug oo isku dayeyso inay joojiso soo jeedinta awood ka qaadida UDI-da iyo Ap oo uu isbadal ku yimid

0

Waxaa 14-ka bisha soo socoto ee Maarso lagu balansanaa in baarlamaanka la horgeeyo mooshin ku saabsan in awooda sharci-kala noqoshada laga qaado hey´ada laanta socdaalka. Mooshinkaas oo ay taageersanyihiin inta badan xisbiyada kujirto baarlamaanka, marka laga reebo Høyre iyo FRP.

Hadaba wasiirada arimaha soo galootiga Sylvi Listhaug ayaa keentay qorshe ay rabto inay ku joojiso mooshinkaas, iyada oo soo bandhigtay hab kale oo aan awooda sharci kala-noqoshada si toos ah loogu wada wareejin doonin maxkamadaha.

Xisbiga Ap oo kamid ahaa xisbiyada taageersanaa mooshinka ayaa dib u garasho sameeyay, iyaga oo codsaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay dib uga soo fakaraan taageeradoodii hore ee soo jeedintaas. Mooshinka oo lagu balansanaa in baarlamaanka la horkeeno 14-ka Maarso, ayaa hada dib u dhacay kadib markii ay Ap waqti dheeri ah codsadeen. Waxeyna codsadeen in la siiyo waqti ku siman 1.April, markaas oo go´aankooda kama dambeysta ah, ay la imaan doonaan.

[adsenseyu2]

Listhaug ayaa warqad u dirtay gudiga baarlamaanka ee mooshinkaas ka shaqeynayo, iyada oo ka codsatay inay sifiican uga fiirsadaan meel-marinta iyo ansixinta soo jeedinta markii ka timid xisbiga SV, ayna ku raaceen xisbiyada kale. Waxeyna sheegtay in mooshinkaas uu wiiqayo ama uu khal-khal galinayo hanaanka dowlad-wanaaga, maxkaduhuna ay yeelanayaan awood-fulineed, intii ay dib u eegis ku sameyn lahaayeen go´aanada fulinta hey´adaha dowlada. 

Sylvi ayaa raacisay in mooshinkan uu ku yimid qaab caadifad ah oo uu deg-deg kujiro, kadib markii warbaahintu ay hal dhinac ka eegtay kiiska hal qof, buun-buunina ay u smaeysay( waa kiiska Mahad Abiibe). 

Wasiiradan ayaa taas badalkeeda soo jeedisay qodobo cusub oo lagu xaqiijin karo in wado sax ah loo maro sharci kala noqoshada jinsiyada. Waxeyna soo jeedisay oo waxyaabaha warqadeeda ku qoran kamid ah: 

  1. In la qiimeeyo dhaqan-galinta sharci ku saabsan in aan qofka laga qaadin sharciyada dhalashada, ilaa kiiskiisa go´aan looga gaarayo maxkamada. 

  2. In kiisaska la xiriira sharci kala noqoshada dhalashada lagu go´aamiyo kulamada hey´ada Nenmdaha UNE.

Ap oo uu isbadal ku yimid:

Stein Erik Lauvas

Stein Erik Lauvås oo ah afhayeenka xisbiga Ap ee arimaha soo galootiga ayaa sheegay in xisbigiisu uu u furanyahay inay ka noqdaan go´aankoodii hore ee taageerada mooshinka maxkamadaha, hadii ay arkaan hab kale oo lagu xalin karo arintaas.

Wuxuuna sheegay in waxa muhiimka ah ay tahay in la xaqiijiyo xaqa sharciyeed ee prosseska dib ugala noqoshada sharciyada jinsiyada, maxkamaduna aysan aheyn habka kaliya ee arintaas lagu xalin karo.

Ap ayaa ah xisbiga ugu weyn ee taageersan mooshinka awooda looga qaadayo hey´adaha laanta socdaalka. Hadii ay ka noqdaan taageerada mooshinkaasna, halkaas ayuu ku bur-buri doonaa, maadaama uusan heleyn codad ku filan oo uu ku meel-maro.

Helge Andre Njåstad oo katirsan xisbiga FRP ayaa sheegay in wax fiican ay tahay in Ap ay waqti dheeri ah, qaataan si ay arintaas dib uga soo fakaraan.

FRP iyo Ap waa ilmo-adeer marka laga hadlayo arimaha soo galootiga:

 

Maalmo kahor ayey aheyd markii xisbiyada KRF iyo SV ay soo jeediyeen qorshe cusub oo ah in xili xadidan loo sameeyo, goorta qofka lagala noqon karo sharciga dhalashada, iyada oo loo eegayo inta sano ee uu wadanka joogay. MDG, SP, iyo Venstre ayaa arintaas u riyaaqay, balse waxaa diiday Ap oo sheegay ineysan arintaas taageersaneyn.

Maanta ayey hadana dib ugu noqdeen taageeradoodii hore ee mooshinka awood ka qaadista hey´ada laanta socdaalka, kadib markii uu codsi ka yimid wasiirada arimaha soo galootiga oo FRP katirsan. Iyaga oo codsaday in la siiyo waqti dheeri ah.

FRP, Høyre iyo Ap waxey isaga soo horjeedaan arimaha shaqada, canshuuraha, waxbarashada, caafimaadka IWM.. Laakiin markii laga hadlayo arimaha soo galootiga iyo qoxootiga, makala dheera fikir ahaan. 

Xigasho/kilde: Dagbladet.no, NTB.

[adsenseyu2]

 

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.