torsdag, april 25, 2024

Hassan Kheyre: Soomaalida Norway hanagala qeybqaataan gurmadka abaaraha

Reysulwasaaraha cusub ee dowlada Soomaaliya Hassan Ali Kheyre oo saacad kahor khadka telefonka uga soo qeybgalay xaflad soo dhaweyn ah oo magaalada Oslo loogu qabtay dowlada cusub, ayaa ka codsaday soomaalida Norway inay ka qeybqaataan gurmadka abaaraha.

Kheyre ayaa sheegay in dowladu ay codsi balaaran u gudbineyso jaaliyadaha soomaaliyeed ee qurbaha kunool, codsigaas oo ku aadan ka qeyb-qaadashada samato-bixinta ku aadan dadku ay abaaraha saameeyeen. Wuxuuna sheegay in baahida jirta ay tahay mid aad u baaxad weyn.

Reysulwasaaraha ayaa sheegay in warbixinadii ugu danbeeyay ee gudiga abaaruhu ay soo saareen ay sheegayaan in 110 qof ay u geeriyodeen gaajo abaaraha ka dhalatay.

Waxaan usoo socdaa Norway:

Reysulwasaaraha cusub Hassan Ali Kheyre oo ah muwaadin katirsanaa jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, heystana jinsiyada dalkan Norway ayaa sheegay in xili aan dheereyn uu kusoo wajahanyahay Norway.

Kheyre ayaa mudo 10 sano ku dhow madax ka hey´ada NRC oo ah hey´ada gar-gaar oo Norway laga leeyahay, qeybteeda geeska Afrika.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x