fredag, april 19, 2024

SSB oo saartay tirada soomaalida kunool Norway. waa imisa?

Wakaalada tirokoobka iyo xog uruurinta ee SSB ayaa soo saartay warbixinteedii sanadlaha aheyd ee tirada guud ee dadweynaha kunool wadankan Norway.

Guud ahaan waxaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 Norway ku noolaa 5 258 317(shan milyan iyo laba boqol). 724 987 qof oo dadkaas kamid ahna, waa dad soo galooti ah/ajaaniib ah, kuwaas iyaga oo aan Norway ku dhalan. Halka 158 764 qofna ay yihiin caruur ay dhaleen waalidiin soo galooti ah.

Tirada dadka soo galootiga ah ayaa waxaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 ku kordhay 26 400, taas oo u dhiganta kor u kac dhan 3,8%. Dadka kasoo jeedo Siiriya ayaa noqday kuwo ugu badan ee uu kor u kacu ku yimid.

Soo galootiga iyo caruurta ay dhaleen dadka soo galootiga ah ayaa isku dar gaarayo 16,8% tirada dadweynaha guud ee Norway.

Qowmiyadaha: 

Qowmiyada soo galootiga ah ee Norway ugu badan waa Polishka ama dadka kasoo jeedo Poland, waxeyna tiradoodu gaareysaa 97 200. Sanadkii lasoo dhaafeyna waxaa ku darsamay 1500 qof. 

Qomwiyada ku xigto ee booska 2-aad heysato waa dadka kasoo jeedo Lituenia. Waxaana ku xigo Swedishka iyo soomaalida kaalinta 4-aad kujirto tiro ahaan soo galootiga.

[adsenseyu2]

Soomaalida ayaa ah qowmiyada ugu badan tiro ahaan ee Norway kunool, aana kasoo jeedin wadamada galbeedka ama Yurubta.

Soomaalida Norway:

Sida ku xusan warbixinta SSB soomaalida Norway waxey tiradoodo isku dar gaareysaa  42 217 qof. Waxeyna u kala qeybsantaa sidaan:

  1. Generationka 1-aad(dadka Norway imaaday ee aan ku dhalan)= 28 696 qof

  2. Generationka 2-aad( dadka Norway ku dhashay oo ay dhaleen waalid soomaali ah)= 13 462 qof

  3. Generationka 3-aad(Caruurta ay dhaleen dhalinyarada soomaalida ah ee Norway ku dhalatay): 35 qof

Waxaa intaas sii dheer inay jiraan 24 qof oo waalidiin soomaali-norwiiji ah ay ku dhaleen meel ka baxsan Norway. 

Dhalinyarada soomaalida Norway ku dhalatay:

Dhalinyarada soomaalida ah ee Norway ku dhalatay ayaa tiro ahaan ah noqonayo 32% soomaalida Norway. Waxaana tiradooda sanadkii hore kusoo kordhay 1000 caruur ah. Iyada oo sanadkii kasii horeeyeyna ay Norway ku dhasheen 1500 caruur soomaali ah(Xigasho:SSB). Labo sano gudahood ayaa Waxaa Norway ku dhashay caruur soomaali ah oo dhan 2500.

Waxeyna taas ka dhigantahay in sadexdii qof ee soomaali ah ee Norway ku nool, uu mid kamid ah wadankan ku dhashay. Bulshada kama dhex-muuqdaan, maadaama ay wali yihiin caruur ama dhalinyaro. Laakiin sanado kabacdi ayey u muuqataa iney kusoo biiri doonaan saaxada bulshada ee muuqata.

Sidoo kale waxaa muuqato in soomaalida Norway ay kusoo biireen generation 3-aad ama fac cusub, kuwaas oo ah caruurta soomaalida ah oo ay dhaleen dhalinyarada soomaalida ah ee Norway ku dhalatay. Tiradoodu ilaa hada waa 35, balse waxaa la filayaa inay kor u kac badan uu ku yimaado, maadaama ay Norway kunool 13 462 dhalinyaro soomaali ah.

Dhalinyarada ku dhalatay Norway, waalidoontoodu kasoo jeedaan wadanka Pakistan, ayaa kujiro kaalinta 1-aad ee dhalinyarada ku dhalatay Norway. Halka soomaaliduna ay kujiraan booska 2-aad.

Xigasho/kilde: SSB

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x