torsdag, april 25, 2024

Sweden: Dowlada Sweden oo maal-galineyso xarun geela lagu dhaqo

Dowlada dalka Sweden ayaa maal-galineyso qorshe xaafad kamid ah magaalada Gotoberg looga hirgalinayo goob lagu dhaqo geela, isla markaana ay dadku usoo dalxiis tagaan. 

Mashruucan oo ay dowladu dalkaas ku bixisay lacag hal milyar u dhaafeyso, ayaan ilaa hada noqon mid taabo-galay, sababo jiro owgeed.  

Qorshahan geel-dhaqashada ah ayaa ujeedada ugu weyn ay tahay inuu noqdo meel loo soo dalxiis tago ama dal-xiisayaasha soo jiidato. Iyada oo la filayo iney soo noqoto lacagta ay qarashka ay hada dowladu ku bixineyso taabo-galintiisa. Waxaa lagu wadaa iney xeradan geela ka shaqeeyaan ilaa 20-meeyo qof.

Xaafada la hirgalinayo xeradan geela lagu dhaqdo ayaa ah xaafada Angered oo ah xaafad ay ku badanyihiin soomaalida iyo ajaaniibta kale. 

Dhanka kale geela xeradan lagu dhaqi doono ayaa caanihiisa la rabaa in lagu sameeyo cilmi-baaris, maadaama ay caanaha geela daawo u noqon karaan cuduro ay kamid yihiin damanaanshaha(Autism). 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x